Make your own free website on Tripod.com
 


Wararka Mudugonline

Warbixin ku saabsan shirka Eldoret
Ibraahim Mohamedeeq

Oct 16, 2002

Wax aan toobiyaha dheer ee u dhexeeya Nairobi iyo Eldoret sii jibaaxaba xalay (14 Oct) habayn badhkii ayaan guure ugu soo hoydey magaalada Eldoret oo madal looga dhigay in lagu qabto shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee ay Kenya marti gelisey, jidkii aan soo maray wuu roobanaa, dhirtana caleemo cagaaran oo kor u hawdhay ayaa iiga muuq muuqday, hareeraha wadadna waxaa ka gaan ilaa ka gaan si xidhiidh ah dhinaca isugu hayey kaymo gacan ku samays ah oo bilicda wadada si weyn u bilay, safarka waxaa igu weheliyey qoraaga caanka ah Awjaamac Cumar Ciise, Cabdi Dheeg oo ii sheegay inuu guddoomiye u yahay urur dhalinyaro oo Yurub ka jira iyo Cali Fiqi oo shirka ka soo aaday dalka Ingiriiska, dhamaantoodna sheeko hallaasi ah ayeey si ixtiraam leh isugu dhiidhiibayeen.

Kolkii aan Magaalada Eldoret soo galay wuxuu baabuurkii I geeyey hotel Sirigwa oo ergooyinka shirka iyo martida kaleba laga diiwaan gelinayey, markaan gudaha hoteelka soo galay waxay indhahaygu markiiba ku dheceen Jaamac Kaluun, Gen. Gaanni, Gen.Maxamed Shiikh Cusmaan iyo kuwa kale oo badan oo ka socday dawladda Carta, subaxnimadiina (15 Oct) waxaan arkay Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdillaahi Caddow, DR.Raajis iyo xayn kale oo badan oo shirka u timid.

Wefdiga Carta waxaa hogaaminayey Xasan Abshir iyo Cabddalle Deerow, wefitiga Puntland’na waxaa hogaaminaya Cabdillaahi Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo guri gaar ah la dejiyey, markii aan is diiwaan geliyey kaddib saacadda bariga Afrika markay ahayd 10:10 ayaan gaadhi Bas ah u raacay golihii in shirka dibu heshiisiinta soomaalida in lagu furo loo qoondeeyey oo lagu magacaabo Town Hall, daafaha golaha markaan soo gaadhay waxaan dareemay inuu nidaam heer sare ahi hoolka iyo agagaarkiisaba ka jiro, kolkaan gudaha galay waxaan dheehday martidii iyo wufuuddii shirka ka soo qayb gashay qaarkood oo si habsami leh golaha u dhex fadhiya, kursigii la iigu tala galay kolkaan dul tegeyna waxaan ugu tegey buug yar oo Ingiriis ku qoran oo si tifaftirana uga hadlaya hanaanka uu shirku maanta u socon doono, markaan indhaha mariyeyna waxaan ogaaday inay afarta hogaamiye ee Kenya, Itoobiya, Suudaan, iyo Ugaandha iyo wufuud kale oo caalami ahi ka soo qayb gelayaan furitaanka shirka, in kastoo uu calakoodu ka dhex muuqday miiska madaxda Igadh haddana waxaan buugga yar ka dhex waayey madax weeynaha ay soomaalidu jeceshahay ee Ismaaciil Cumar Geelle oo aan ku jirin madaxda uu buuggu ii sheegay inay xafladda imanayaan.

Sidii loo fadhiyey oo hoos loogu gurxamayey ayuu Calan side oo tabbeele sitaa soo galay oo durba si qiira leh ugu luuqeeyey heestii Soomaaliyeey toos oo si weyn loogu wada hinqaday. Hoolka waxaa dhex yaaley kuraas cad cad oo loogu tala galay inay wufuudda soomaalida iyo marti sharafta kale ee shirku ku fasdhiistaan, xagga hore ee hoolkana waxaa ka soo jeeday miis weyn oo hortiisa ubaxyo kala cayn cayn ah lagu sharaxay, gadaashiisana todoba kursi iyo dhawr calamada Igadh ka mid ah lagu taxay.

11:30 waxaa golaha shirka soo galay Cabdillaahi Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xashi oo si weyn loogu sacabiyey isla markaana ay salaan shaqsiyaad caalami ah oo bulshada caalamka ka socday ku boobeen, Cabdillaahi Yuusuf waxaa ka muuqday caafimaad weyn iyo isku kalsoonaan aad u saraysey, isagoo dhoola caddaynaya ayaana la fadhiisiyey.

kuraasta ugu faana horaysa safafka shirka. Saacaddu markay ahayd 11: 45 waxaa isna golaha shirka soo galay Xasan Abshir oo ay in ka mid ah kooxdiisu Soomaaliyeey toos ka daba qaadayaan, waxaana la fadhiisiyey safka hore ee kuraasta hoolka, in yar kaddib waxaa madasha shirka soo galay Maxamed Dheere oo isagana loo sacabiyey, abbaara !2:00 waxaa gudaha isna soo galay wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti oo aysan wejigiisa wax farxad ahi ka muuqan.

Wax la fadhiyaba markay saacddu ahayd 12:55 waxaa kadinka shirka ka soo galay madaxweyne Moi oo ay la socdaan hogaamiyayaasha kala ah: Al bashiir, Males Zenawi iyo Musaveni markii ay fadhiisteena wasiirka arimaha dibedda ee Kenya Mondoka ayaa mikarafoonkii ku soo dhoweeyey wakiilka gaarka ah ee ay Kenya arimaha dibu heshiisiinta soomaaliya u xilsaartay, wuxuuna sheegay in iyagoo u kuur gelaya arimaha soomaaliya ay tageen meelo kala duwan oo soomaaliya ka tirsan, dadkii ay la kulmeena ay ka midaysnaayeen taageerada shirka iyo dhismo dawlad qaran oo dib loo yagleelo, isagoo ka hadlayey sida ay shirka u arkaan dawladaha Igadh wuxuu yidhi: “waxaan idiin xaqiijinayaa inay dawladaha urur goboleedka igadh ku jiraa ay qaban qaabada shirkan ka soo wada shaqeeyeen oo ay u dhan yihiin”, intaas kaddib waxaa makarafoonkii lagu soo dhoweeyey madaxweeyne Moi oo madashii shirka ka jeediyey khudbad ay ka muuqatey qiiro ilaa iyo xad wejiga madaxweeynaha laga garan karayey, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa isagoo sheegay inay wada tashi wakhti dheer qaatay ay dawladaha Igad si is daba joog ah u yeesheen oo ay hawsha shirka ka soo wada shaqeeyeen.

Wuxuu carrabka ku dhuftay inay wax waliba muddo leeyihiin dadka soomaaliyeedna ay nabad iyo dibu heshiisiin u baahan yihiin, wuxuuna yidhi: “ Soomaaliya uma baahna kooxaysi, qokii koox ama qof la safanoowna waa inaad maskaxdaada ka shaqaysiisaa”, Madaxweynuhu wuxuu soomaalidii golaha fadhidey ku guubaabiyey inay Eldoret nabad iyo heshiis meel mar ah ku gaadhaan oo aysan ku socon jidkii khaldanaa ee ay horay u soo arkeen, wuxuuna wufuuddii shirka joogtay u sheegay inay qaylada iyo baroorta dadkooda ka soo yeeraysa tixgeliyaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inaysan Kenya weligeed daadinta dhiiga soomaalida waxba ka geeysan oo ay soomaalida ka dhaxayso derisnimo wanaagsan, isagoo caddeeyey inaan is qab qabsi wax khayr ah lagu gaadhin.

“14 shir ayaa la qabtay welina soomaaliya dhiig baa ka daadanaya sidaa dsarteed waa inay Eldoret nabadi ka dhalataa” ayuu yidhi madaxweyne Moi oo isagoo khudbadiisa sii wata haddana yidhi: “Waxaan doonayaa xiliga aan jagada madaxweeynanimada ka tegayo inay soomaaliduna nabad iyo dawladnimo u guuraan”, wuxuu sheegay in haddii ay soomaalidu shirkan Eldoret ku heshiiso ay soomaaliya isaga u noqon doonto meel uu weligii niyadda ku hayo oo uu soomaaliya dareenkiisu la jiri doono. Ugu dambayntiina wuxuu khudbaddiisii ku soo khatimay oo yidhi: “Haddaad wax go’aansataan oo heshiisaan waxaad raacdeen wixii ay dadku rabeen, haddaad guul darro halkan kala huleeshaana taariikhda ayaa idin xuklumi doonta, shirkii Dibu heshiisiinta soomaaliduna si rasmi ah ayuu inoogu furan yahay”.

Madaxwene Moi markuu khudbadii ebyey wuxuu ku soo dhoweeyey madaxweeynaha Suudaan Al Bashiir isla markaana ah guddoomiyaha xiligan ee Igad, Al-bashiir wuxuu soomaalida u soo jeediyey in ay quraanka akhriyaan wuxuuna yidhi: “Soomaalidu waa inay akhriyaan Quraanka oo nabadda iyo dibu heshiisiinta u wanaagsan”, wuxuuna intaa ku daray in haddii ay soomaalidu si wanaagsan u akhriyaan uu Quraanku ku hogaamin doono horumar iyo badhaadhe, madaxweyne Al-bashiir wuxuu caddeeyey inay Igad u dhan tahay shirkan, soomaalidana laga rabo ianay heshiiyaan, xal kastaana uu iyaga ku xidhan yahay, wuxuuna ugu dambayntii ammaan iyo mahad naq u soo jeediyey madaxcweyne Moi iyo madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu ka maqnaa fagaarahan lagu furay shirka dibu heshiisiinta soomaalida.

Madaxweeynihii labaad ee uu Moi makarafoonka ku soo dhoweeyey ayaa noqday madaxweynaha soomaalida jecel madaxweeyne Musaveni oo isagu ahaa madaxweeynihii qudha ee aan khudbadiisa waraaq ka akhrin, wuxuuna khudbadiisii ku dhameeyey sheeko taariikheed iyo tusaalayaal dhaliisha soomaalida isugu soo biyo shubanayey, wusxuu sheegay in isaga oo arday ah uu akhriyey buug ka waramayey dagaalo sokeeye oo dalka Shiinaha sodomaadkii ilaa afartanaadkii ka dhacay laakiin dhamaaday 1949kii kaddib markay hal koox ka ugu awood roonaatay oo ay kuwii kalena Taiwan u qaxeen.

Dalka Shiinaha waxaa ka dhacay xumaan fara badan marka kuwii falakaa xun xun ka dambeeyey waxay dadku ku tilmaameen macalinkooda tusaalaha xun-xun, sidaasoo kale wuxuu soomaalida ku tilmaamay inay yihiin tusaalaha xun-xun ee afrikaanka, wuxuu kaloo yidhi: “Reer Yurub waxay yidhaahdaan afrika waxaa colaadaha ugu wacan waa Diimaha kala duwan ee ay haystaan iyo afafka kala gedisan ee ay ku hadlaan, hadday taasi run tahay soomaalidu waa isku af, isku diin, isku midab ee maxay isu laynayaan?” wuxuuna madaxweeyne Musaveni isugu jawaabey inay colaadaha soomaaliya ka socdaa makhraati u noqonayaan inaysan dhibaatada afrika ahayn diimaha iyo afafka kala duwan ee dhibaatada afrika taalla ay aabbe u noqonayso damaca iyo doonista ay dadku rabaan inay gaadhaan, hadalkiisii wuu sii waday madaxweeynuhu wuxuuna yidhi: “Feker qabiil laguma gaadhi karo nolol heer sare ah, waana khatar”, madaxweeynuhu wuxuu haddana is weeydiiyey su’aal ah khayraadku ma dadkaa mise waa macdanta dalka ku jirta?, wuxuuna isugu jawaabay waa dadka, isagoo makhraati arintaa uga dhigay Japan oo uu sheegay inuusan dhulkoodu lahayn wax macdan laakiin dad ahaan ay fekereen oo dadaal kaddib ay noqdeen wadanka labaad ee ugu qanisan adduunka oo xitaa ay ka hanti badan yihiin waddamo batroolka soo saara, taasina ay ina tusayso inuu khayraadku yahay dadka, markuu hadalkii halkaa marinayey ayuu hadana su’aashan is weeydiiyey; “ Haddii uu khayraadku dadka yahay soomaalidu maxay kow iyo tobankii sano ee u dambeeyey dadka ku sameeyeen?, wuxuuna markiiba isugu jawaabay: “way bur-burinayeen”, dabadeedna isagoo ay wejigiisa cadho ka muuqato ayuu fadhiistay.

Musaveni kaddib, waxaa makaroonkii lagu soo dhoweeyey Raysal wasaaraha Itoobiya Zenawi oo ugu horaynba shirka Eldoret u rajeeyey inuu noqdo shir taariikhi ah oo nabad iyo dibu heshiisiin soomaaliya ka dhacda bilaaba, wuxuu sheegay in qabsoomidda shirkan dhibaatooyin badan laga soo maray, wuxuuna yidhi: “Dad baa qaba inaan soomaaliya nabad laga gaadhi Karin, soomaaliyana looma caawin sidii la rabey” gobol ahaan wuxuu madaxdii shirka fadhiday ku booriyey inay codkooda mideeyaan, wuxuu ku cel celiyey inaysan bulshada caalamku soomaaliya waxba u qaban, Raisal wasaare Zenawi isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi: “Nabad gelyada soomaaliya waxay iman kartaa kolka ay madaxda siyaasadda soomaaliya heshiiyaan, waxaan ku waajib noqonaysa inay ka sheqeeyaansidii ay u guulaysan lahaayeen, bulshada caalamkuna waa inay ku taageertaa”.

“Xiligani waa xiligii xoogga la joojin lahaa oo nabadda iyo dibu heshiisiinta loo hawl geli lahaa” ayuu yidhi Raysal wasaare Zenawi oo haddana isagoo madaxda siyaasadda soomaaliya la hadlaya yidhi: “Madaxda siyaasadda soomaaliya waa inay qirtaan inay dadkooda guul darro badeen”. Wuxuuna shaaca ka qaaday inaysan doonayn inuu shirkani fashilmo balse ay doonayaan inuu noqdo kii ugu dambeeyey ee uu dhibka soomaaliya ku dhamaan lahaa, wuxuuna yidhi: “Shirka Eldoret inuu fashilmo dooni mayno, Igad’na waa inay xaqiijisaa sidii uu shirkani natiijo wacan u dhali lahaa oo uu ku hirgeli lahaa”. Ugu dambayna wuxuu hadalkiisii ku soo afjaray isagoo tibaaxay inay Itoobiya wax weyn soomaaliya ka qabatay.

Madaxdii furitaanka shirka Eldoret ka hadashay waxaa ka mid ahaa ku simaha wasiirka arimaha dibedda ee takyaaniga oo sheegay inay muqadas tahay midnimada wadanka soomaaliya, wuxuuna yidhi: “Haddaanu nahay saaxiibka soomaaliya waxaannu caddaynaynaa inay muqaddas tahay midnimada soomaaliya isla markaana aan lagu soo celcelin wixii horay loogu soo cel celin jirey”. wuxuu kaloo wufuudda shirka u sheegay inay Kenya go’aanka talada wufuudda u daysey laakiin wixii shirka ka soo baxa la taageeri doono, isagoo sheegay in taageero ka door roon kuwii hore ay soomaalidu ka heli doonto UN, Jaamacadda Carabta, au, Igad, Bulshooyinka caalamkaba iwm.

Waxaa kaloo furitaanka xafladda ka hadlay wakiil ka socda ururka midowga yurub, wakiil ka socda Jaamacadda Carabta iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya. Oo dhamaantood shaaca ka qaaday sida ururada ay ka socdaan u taageersan yihiin shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret iyo weliba sida ay ugu heellan yihiin inay taageeraan wixii ka soo baxa.

Xalay hoolka wufuudda shirka ka qayb gelaysa laga diiwaan geliyo waxaan ku arkay Xuseen Caydiid, Aadan Gabyow, Cali Mahdi iyo rag siyaasadeed oo badan, welina is diiwaan gelintu way socotaa, wufuuduna weli waxay ku soo qul qulayaan magaalada Eldoret ee uu shirku ka socdo. Siyaasiyiinta halkan isugu yimid oo aan badiba kala sheekaystay rajada ay ka qabaan najaxaada shirka ayaa badiba isku raacay in maadaama ay Igad u dhan tahay hawsha shirkan uu guulaysan doono, Jabuuti waxaa xafladii furitaanka metelayey wasiirka arimaha dibedda Cali Cabdi Faarax, gebi ahaana wax khudbad ah kama soo jeedin furitaankii shirka ee wuxuu si degan u fadhiyey kursi uu calanka Jabuuti ka hor babanayey.

Maantana (16 Oct) markii ay wufuuddii soomaalida intoodii badnayd hoolka soo xaadireen ayuu ergayga Dalka Kenya dibu heshiisiinta u qaabilsani sharaxaad ka bixiyey hanaanka uu shirku u socon doono, isagoo sheegay in la samayn doono guddiyo kala duwan oo ka soo shaqeeya dibu heshiisiinta, khilaafyada ururada siyaasadda u dhexeeya iwm. Wuxuu kaloo ergaygu sheegay inay weli jiraan qaar ka mid ah oo aan weli soo gaadhin madasha shirka oo dhaqaajinta barnaamijka shirka lala sugayo…laakiin waxaa dhacday in ay soo xaadireen in ka badan 300 ee ergay ee loogu talo galay inay shirka ka qayb galaan, waxayna guddiga farsamada Igad hadda ka wada hadlayaan sidii loo aslaaxin lahaa arintaas oo runtii ka fajacisay Igad, dhinaca Puntland ergooyinkii ka imanayey ayaan dhamaantood soo wada gelin iyadoo hadda la sugayo Islaan Maxamed iyo Garaad saleebaan oo ku imanaya magaca bulshada rayidka ah ee Puntland.

Ibraahim, Maxamedeeq

imdeeq@hotmail.com

Eldoret

Source:Somalitalk.com


 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001