Wararka Mudugonline

Kooxaha siyaasada Somaliya oo ku sii qulqulaya Kenya

MUQDISHU, 14 Oct 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in kooxaha siyaasada ay illaa maalintii shalay ku sii qulqulayeen safaro ay ugu socdaan wadanka Kenya si ay uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta Somalida ee lagu qabanayo magaalada ELdoret ee dalka Kenya oo lagu wado inuu furmo 15-ka bishaan. kooxda Carta ayaa waxay shirka u direen wafti xoogan oo ay kala hogaaminayaan ra'iisal wasaaraha Kooxda Carta Hassan Abshir iyo Cabadalla deeroow oo ah madaxa golaha shicbiga kooxda Carta. wali lama oga in madaxweyneha kooxda Carta Abdiqasim Salad ka qeyb gali doono shirka iyo in booskiisa uu badali doono Hassan Abshir. Kooxda Carta ayaa waxaa la sheegayaa inay heleen ergada ugu badan ee shirka ka qeyb galaysa, sadbursigaas ayaa loo tiriyay ka dib markii xulafadoodu ku guuleysteen inay qabsadaan deegaan balaaran oo ka mida Koonfurta Somaliya.

Muse Suude Yalaxow ayaa isna la filaaa in uu ka qeyb galo shirka Kenya, waxaase illaa hadda qaadacay shirkaas dhawr hogaamiye oo aan xoog sidaas ah ku lahayn magaalada Muqdishu, kooxahaas oo ay ugu firficoon yihiin Cismaan Caato iyo Mawliid macaane ayaa la sheegayaa in aysan kooxahaani ku qanacsanayn ergada loo qoondeeyay kooxahaan oo ay filayeen in ay helaan ergo ka badan tirada la siiyay. warar la isla dhexmarayo Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qabiilada qaarkood loo sadburiyay ergada loo qoondeeyay taas oo ka timid ka dib markii qabiilada qaarkood ay xoog ku haystaan deegaano aysan u dhalan, Dalwadaha IGAD-na ay ergadii ku qaybin si xaq oo dad deegaankoodii la haysto la xaqiray. ururka SPM oo ka mida ururada deegaankooda xooga lagu haysto ayaa ergadii loo qosheeyay waxaa shirka uga qeyb gali doona beesha Cayr oo uu ka dhashay Cabdiqasim Salad oo ah madaxweynaha Dawlada KMG ah ee Kooxda Carta. Taas oo dhalisay in ururka SPM qaadaco shirka Kenya.

Dhinaca Puntland ayaan wali war rasmi ahi ka soo bixin sida ay ka yeeli doonaan deegaanka Kismaayo oo ergadiisi lagu maslaxay beelaha xooga ku haysta magaalada Kismayo, horey ayaa Dawlada Puntland u sheegtay in aysan marnaba aqbalayn xaqdarada lagu hayo dadka dhiban ee Kismaayo kana qeyb qaadan doonaan sidii dadkaas dhulkooda looga xorayn lahaa xulafada walaalaha Galgaduud oo dadka deegaankaas kula kacay waxyaabo ka baxsan xaquuqda bini-adamka. Dad badan ayaan rajo badan ka qabin shirka Kenya oo aad moodo inuusan muhiimad siinin dadka dhulkooda laga haysto. Dawlada goboleedka Puntland ayaa iyaguna waxay heleen ergo aad uga yar intay xaqa u lahaayeen iyagoo la sheegayo in la siiyay ergo dhan 28. waxaa la filayaa in ergada Puntland uu hogaamin doono madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Mudugonline.com


Dawlada KMG ah ee Carta oo ay soo kala dhex galeen khilaaf

MUQDISHU, 14 Oct 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in khilaaf ba;an soo kala dhex galay Dawlada KMG ah ee kooxda Carta, khilaafkaan oo loo malaynayo inuu ku lug leeyahay Shirka ka dhici doona Kenya ayaa waxaa la soo sheegayaa in Kooxdu wal-wal weyn ka qabto inay ku kala furfurmaan shirka Kenya, Kooxda ayaa la sheegay in labadii Beri ee u dambaysay ay shaqadii ka eryeen hay'adihii Garsoorka oo ay u rakeen in ay sharciga wax ka badli karaan loona adeegsan karo in lagu majaxaabiyo Dawlada Carta inta uu socdo shirka Kenya.

Warar kale ayaa sheegaya in ergada shirka Kenya ka qeyb galaysa loo soo xulay si taxadar leh si ay isaga illaaliyaan in ergada qaarkood ka xiriir furtaan kooxda haddii ay arkaan in ay soo bixi karaan awood siyaasadeed oo isku keeni karta wadanka. warar kale ayaa sheegaya in kooxdu isku kala qeybisay laba dhinac, dhinac ka qeyb galaya shirka iyo dhinac sii illaalin doona hawlahooda magaalada Muqdishu inaysan wax is bedelin inta uu socdo shirka Kenya, arintu si kastaba ha ahaatee waxaa laga dareemay kooxda Carta inay ku muaqatay labdii beri ee la soo dhaafay wal-wal iyo walaac iyo isku kalsooni la'aan badan.

Mudugonline.com


 



 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001