Wararka Mudugonline

Gabayga oo ujeeddadiisa iyo macnihiisba caadyaal(clear) ka dhigay ku soo
dhawaada, oo akhris wacan:-

Biidhaqaatayaaliyo Bidcow muran ma daysaane,
Basar waxaan lahayn baa tihiin oo la buufsadaye,
Sidii neef bahaahina haddaan la idin beec geysan!

Buuntilaaniyoo xora bilaash uguma buuqdeene,
Cabdi-qaasim oo idin barkaday, uma bitaakhdeene,
Cartadii badaawidu lahayd uma baqoosheene,

Baaniyaal sidoodii un baad gedo badiseene,
Nimankii bariiraha lahaa lama balwayseene,
Bandar Xamar ma moodeen, sidii boon la iibsadaye,

Kuwii idin ka baacsaday jacayl uguma biirteene,
Nimankii bardoodiyey Hartina uma bareereene,
Guryo ba'ay halkii lagu ogaa bilic ma moodeene,

Hadduu baqal ka baydado tolkiis uma basaasaane,
Dhurwaa baahan dhidarkiiba waw bari idaadeede!
Idinkaaba baylaha sidii baaliyoo kale e;

Afartaa bidhaanshaye, miyaan daacad ugu baanay,;
War deelqaafna kuma biirinine ba' ma ka higgaadshey;
Oraah kalena waan birinayaa eray bayaaneede.

Calankii baluuglow war yaa bi'iyayoo siibay?!
Hadduu qarankii booliyey war yaa naga balooleeyey?!
Soomaali yaa kala burshoo talo ka baarowday?!

Xamar oo barwaaqo ah war yaa bogcadda u qaaday?!
War yaa bahal sidiisii noqdayoo uunkii wada boobay?!
Is-bahaysi been-been war yaa barako moodaaya?!

Beelaha Islaameed war yaa baad ka guranaaya?!
Nabsi buuran yaa beertayoo bayrna wada yeeshay?!
War yaa baaskii door biday intuu bururayoo waashay?!

Badraddii la eediyo hadduu buuqu dami waayo,
Gudub, Bugux, Bari iyo Kor baa awrta loo rariye,
Soomaalidii hadday kala baxdoo gobolba buur fuulay!!!

Waxaan beegsanaayaa dalkii Boqorkii Daaroode,
Kablalaxoo is-baansaday hadduu dawlad ugu baaqay,
Haddii la isu baac dhigo, ama la isu baynaato,

Hadduu bigilku guuxiyo hadduu babbanku uugaamo,
Ninkii biig ahaa baa ba'oo balowgi yeeraaye,
Maalintaa xaq lama baajiyee baab kalaa bilane,

Beelaha Kismaayow xornimo ugu bishaaraysta.
Kuwii boolo-xooftamay, haddaan amar ku beenoobin;
Bililiiqo raggeedii haddaan boorka la cunsiinin;

Haddaan budada buunshaha ku jira laga bitaysiinin;
Beledkii Kismaanyood haddaan burcad laga waayin,
Baadiliyo is-baariyo haddaan burge laga waayin,

Haddaan tuugta booliga ku nool biri ka meel waayin,
Dibi uma banaaxiyo hadduu baar-qab doobiyo e,
Haddaan boolis loo wicin kuwii shacabka boobaayey,

Baarlamaan Garoowe ah haddaan dunidu baashaynin;
Allow magan,dadkii barakacaa bible loo wiciye!!!

Afartaa bidhaanshaye, miyaan daacad ugu baanay,
War deelqaafna kuma biirinine, ba' ma ka higgaadshay,
Oraah kalena waan birinayaa eray bayaaneede.

Xamar waa burburaye, hadday balo ku gaadaysay!
Gaalkacyaan u buseelayaa iyo Bacaad-weyne,
Bari iyo Sanaagiyo, Nugaal, Soolka Bilic Weyne,
Hawdka baxaad weyniyo arlada Degelka Buuhoodle,
Kismaanyiyo Bu'aaliyo Jubbada bogatankaygiiya,
Jarriiban aan ku baartiyo birriga bacadka Ciideedah,
Deexdii Baddii Garacadoo boolad ii xiran ah,
Waa Calanka Buudlaan intuu ka babbanayaaye.

Ari buuran, beynegi lo'diyo bilicsamow geela,
Badda ugu kalluun badan buqduu dahabku ceegaago,
Waxaasoo barwaaqiyo cilmoo buro u sii dheera,
Waa beel ku dawlada dadkaa qaranka Buudlaane,
Kol haddaan balaaf lama hadlo e qaran ku boolaystay,
La iskama bulaamo e anigu baydan baandagaye,
Buufis la isku waaliyo maxaan dooyba uga baahan?!!!

Waa inoo sidaas bal maanta.
Dacarna ha ka kharaaraatee haddaan runta la isu sheegin aqooni ma
jirto,Soomaaliduna khaladkooda sixi mahayaan.

Aden Dirie Ali




Opinions expressed in this peoms are those of the poet and not necessarily those of Mudugonline.
gabaygaan waxuu ka turjumayaa aragtida gabyaaga manal loo turjuman karo aragtida Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001