Wararka Mudugonline

Qoraal ku socda shirka Eldoret.

Maamul Goboleedyo aynu kala jirano,.Dowladana fidiraal ah oo aynu wada jirano

Somalidu waa Dad Reer guuraa ah oo Xoolo dhaqato ah, sida Xoolo dhaqatada lagu yaqaanana ma ay laha Erayga wax ka dhaxayn ama wax shirkad lagu noqdo oo Faa´iidadiisu Dadka ka dhaxayso lagana wada dhursugo.

Ninkasta iyo Qoyskasta Xayntiisa gooni buu u raacdaa, markii Reero Xoolo isku darsadaana Xoolihii oo isku jira ayey kala jirtaan, sababta oo ah Ninkasta Neefkiisu wuu u suntan yahay, wuxuuna Xeerka Xoola raacatada Qodabkiisa ka hadlaya Xoolo isku darsigu qorayaa. Geel jire Geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa.

Waxa kaliye ee Dadka Reer guuraaga ah ka dhexeeya waa Daaqsin iyo Ceel labadana lama daryeelo.

Hadaba Bulsho sidaa u dhisan oo Cuno wadaag moyee aan wax wada lahaansho aqoon ayey Wadamadii Gumaystuhu Dowlad dhexe oo wadaag ah u dhiseen ugana tageen, Dowladaa oo leh Maamul dhexe oo xoog badan iyo xarumo Dalka laga maamulo oo Dadkii meel ay jooganba sida Birlabtii u soo jiiteen.

Waxaana intii aan waliba Xornimada la qaadan bilowday Guux watay Gabay iyo Guurow oo Dadkii markaa Magaaloyinka waaweyn ku soo qulqulayey, loogu dardaaran warinayey waxa Maanta taagan,. looguna sheegayey in aanay Magaaloyinku shuraako ahayn. waxaana isla markaa looga digayey in aanay ku soo dagdagin dagida Magaaloyinkaa.

Kuma ekayn wax kala sheegashadu iyo wax kala soocashadu Magaaloyinka la isugu yimid oo kaliya ee intii uunaba Gumaystihii libdhin waxaa mudh soo yiri Xeerkii Reer Guuraaga oo aan ogo´laanayn in wax Shirkad lagu yahay jiro, waxaana biloowday haba ugu daraadeen Reer Hargayse Dhawaaq dhahaya war Dowlada Cayriinka ha lagu qaybsado.waxayna waliba Qaarkood biloowgii isku darsankiiba dalbadeen in Qaybtooda gooni loogu xareeyo.

Arinta wax kala soocashadu kuma e kayn hal Beel ee Beelihii oo dhan baa u guuxay Arintaa, waxana markii Xornimadii la helay bilaabmatay in Xukunkii Beel Beel la isugu qabsado iyo in Ninkii Madaxweyne noqda Beeshiisu wax is bido iyadoo taas laga ambaqaadayo ayaa Dowladihii dalka soo mareen markaa lagu suntay.Sumada Reerka uu Ninka Madaxwaynaha ah ka dhashay agu garto

Waxayna taasi keentay in Beeshii uu Madaxweynuhu ka dhashay iyana isu diyaariyaan in ay Dowlada sida Geeloodii u difaacdaan, meesha Beelihii kale iyana isu diyaariyaan sidii ay Dowladii sida Geeli u dhici lahaayeen.

Labadaa Damac ee Dowlada isku haysta waxay keentay in uu iska horimaad hubaysan iyo Jabhado kala Ujeedo ah oo Dowladii dhici rabaan unkamaan.

Hadaba inkasta oo uu Siyaad Bare isku deyey in uu iska Horimaadkaas maareeyo, sidaas darteedna uu Beelahii Beelkasta Wasiir Nees nuujis ah oo ay gooni u ilaashadaan u magacaabay, hadana waxa loo tartameyey ka waynaa Wasiir oo waxaa hirgalay Xeer hoosad Reer guraa oo dhahaya

,,Geel aad wada dhici kartid Qaalin darteed Qowsaar looguma noqon“.

Dagaalkii Dowlad isku qabsiga ka biloowday wuxuu soo nooleeyey Guuxii hore ee ku saabsana deegaanada lagu soo qulqulay oo ay Dadka Deegankaa lahaa u arkayen in iyaga barokicin lagu samaynayo, taas oo keentay in wax alaale wixii Dadka ka dhaxaynjiray sida Dowladnimadii, Darisnimadii iyo Meelihii lagu wada noolaan jiray sida Xaafadihii, Magaalooyinkii iyo Goboladii lagu kalo baxo wuxuuna Ninkasta ku laabtay Meeshii uu asal ahaan waqtigii Gumaystiga ka hor ka yimid, markii laga reebo Magaalooyin wali la kala haysto sida Magaalada marka iyo Kismanyo.

Maanta marka Somali wax ka dhexeeye oo aan Magac Somalinimo iyo kan Islaamnimo ahayn ma jiro, Dowladnimadii waa la kala soocday Ninkasta Xayntiisa gooni buu u la joogtaa, is Aaminkii wuu dhumay oo si dhaqsa ah Daris wanaagsan la isu ma noqonayo, Ninkii daga Meel aanay Reerkiisu daganayn Afduub, Kufsi iyo Handadaad kama fakanayo, Faataxo danbe oo la isuma marayo ma jirto, Dadkii way kala irdhoobeen waxayna u kala bexeen Bur iyo Buunshe.

Arinta sidaas ah yaa Shirarkii kan Eldoret ka horeeyey la isku dayey in Dowlad dhexe oo xoogle la dhiso, taas oo ka dhaxaysa Dad aan wada degi karin, wada noolaan karin, daris wada noqon karin, dakano kala qaba, Daarihii la kala qaaday wali duugoobin, Beerihii lakala qaadayna wali biqlayaan.

Dawladaas oo ay waliba marakaan Beelaha Qaarkood u arkaan in ay tahay in iyaga loogu faatexeeyo, maxaa yeelay iyaga ayaa dhacii ku guulaysteen oo Dhiiga u badan daadiyey,.marka sidaas darteed waa in ay iyagu Dowladnimada qaybiyaan, qaataan Cadka Meesha ku jira.

Iyada oo aan marka taasba la diidanay ayaa isku darsiga labada Awoodood tan Dowliga ah iyo tan Caasumada ah ay keeni in ay Beelihii kale ee aan Meelaha Awoodu taalo daganayn Arintoodu Cir kaa dheer Dhula kaa dheer noqotoy, kuna abuurtay Cabsi ah maxaa la idinku samayn doonaa haddii....., taas oo ah Cabsi garteeda leh maxaa yeelay Meel ku soo wada urur danbe way dhamaatay, waxa la isu qabaana ma yara.

Markii Arinta sidaas loo fiiriyo Dowlad dhexe oo xoogle oo la dhisaa waxay u dhigantaa aan Burburkii markale aan soo biloowno wax aan  naga dhaxayn karina aan isku darsano, meel aaynaan wada dagi-karina aaynu ku soo wada ururno, taas oo keenaysay in wixii markale la isku  qabqabsado iyo in ay markale dhashaan isbahaysiyo iyo jabhadayn is hardiyaan, kuwaas oo Qax, Burbur iyo kala guur danbe keeni doonaan..

Marka hadal iyo gobo´di Maanta lama joogo Waqtiigii Dowlad dhexe oo xoogle oo markale Dadka meel isugu keenta, Ciday doontana caburiso, la samayn lahaa maxaa yeelay Dowlad dhexe oo Dadkoo idil wada dhowrtaan waxay u dhigantaa Cidii Dowladnimada markaana dhici lahaydee diyaar garow waxaana taas sii sahlaya iyada oo ay beeluhu tusaale u qaadan doonaan tan maanta la dhacayo.

Waxaa kale oo aan iyana la dhayelsan karin waxay samaynkaraan cida maanta dowlad dhexe oo xoogle loo xalaaleeyo.

Si taas marka looga badbaado waa in maanta maamul dalkoo dhan ku baahsan la dhisaa, intii is xambaaran karta ee isir wadaag ahna ay maamul gobaleed wada samaystaan, ka dibna la isugu yimaadaa Maamul dhexe oo Xeerka ay maamul Goboleeyadu wadaaga ka yihiin u dhowra.

Halkii Maamul Goboleed waa in uu gobolo badan ka koobnaadaa si ay culayska dowlada dhexe ee Fidaraaka ah isaga caabin-karaan.

Xaqiiq waxaa ah in sida kaliya oo aynu uga bixi-karo Dagaal danbe oo Dalkoo dhan wada saameeya ay tahay

In aynaan khaladkii uu gumaystuhu galay aynaan inanana galin oo sida cad dowlad dhexe oo xoogle dhaqankeena lama jaan qaadikarto ee yeynaan dowlad dhexe oo xoogle dhisin.

Waxa kaliya ee xalku ku jiraa waa in shirka Eldoret lagu dhiso:

Maamul goboladana aynu kala jirano iyo dowlad Fidaraal ah oo aaynu wada jirano.

Mahadsanid

Maxamud sh. Xasan dahir




Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001