Wararka Mudugonline

Duqowda Magaalada Galkacyo oo isku afgartay in nabada la dhawro.

GAALKACYO, 8 Oct 2002 (MOL) Duqowda magaalada Gaalkacyo ayaa isa soo hor fariistay subaxii hore ee Maanta, odayaasha ayaa horey u balansanaa ka dib dagaalkii Jimcihii la soo dhaafay sida kadiska ah uga qarxay magaalada Gaalkacyo. wararka illaa hadda ka soo baxaya shirkaas odayaasha ayaa la sheegayaa in uu bilaamay isfaham iyo kalsooni iyagoo odayaashu isku afgarteen in si wadajira looga shaqeeyo nabada gobolka aanana marnaba la ogolaan in qolyaha siyaasada Somaliya isku haya ka faa'iidaytaan arintaan. waxay kaloo odayaashu isku balansadeen in maalmaha soo socda laga wada hadlo dhinac walba waxa uu tabayo iyo siddii loo turxaan bixin lahaa. wax dambe oo dagaal ah kama dhicin magaalada tan iyo Jimcihii oo dagaalku joogsaday isla maalintaas.

Labada dhinacba waxay iska qanciyeen in la yareeyo xiisada milatary, la joojiyo waxii gurmad ciidan ah ee qolo walba baadiyaha ka dirsatay, waxaa kaloo beenoowbay warar sheegayay in labada dhinacba gurmad ciidan ah keeneen magaalada, warkaas oo ay faafiyeen wargeysyada Muqdishu iyo website-yada ku xiran, waxaa iyaamahanba saxaafada qabqablayaasha Muqdishu qorayeen in dagaalka magaalada lagu baaba'ay, magaaladana gabi ahaanba laga qaxay, iyadoo aad moodo in ujeedadoodu ahayd in ay sii huriyaan dagaalka sokeeye oo ay dabka holcaya baasiin ku sii shubaan. waxaa dad badan wali la yaaban yihiin dadka ku farxaya dhiig dad sokeeye oo daadanaya.

Mudugonline


USC/SNA GARABKA BUL BUL OO KU EEDEESAY SRRC NAKURU IYO KOOXDA CARTA IN AY KA DAMBEEYAAN DAGAALADII

Xog-hayaha Warfaafinta ururka USC/SNA Cakaaro ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xayat ku sheegay in dagaaladii ka dhacay Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo iyo dagaalada Baydhabo ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeeray kooxda Carta iyo SRRC Nakuru.

Xog-hayaha warfaafinta USC/SNA Muxudiin Yuusuf Faarax Bagaase ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka ka dhacay Soomaaliya loo aaneyn karo hogaamiyayaasha siyaasadda, wuxuuna xusay in ay haboon tahay in faraha lagala baxo hurinta dagaalada sokeeye. Sidoo kale Xog-hayaha warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan kuwo abaabulayo dhibaatooyin ka soo cusboonaada deegaanka Madina, isla markaana wuxuu sheegay in ay dadkaasi wadaan abaabulo iyo qaban qaabo ay ugu jiraan in uu mar kale dagaalo ka soo cusboonaado deegaankaas, iyagoo u gudbinaya baabuur hubeysan iyo qalab ciidan, isagoo xusay in kuwa wada abaabulkan ay yihiin kuwii xilka laga qaaday dhowr bilood ka hor.

Dhinaca kale ururka USC/SNA Cakaaro ayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo ururada Caalamiga ah ee ka jira Dalka Soomaaliya waxey la socodsiinayaan in ciddii dab ka gasho deegaanada ay ka taliyaan USC/SNA Cakaaro garabka Saciid Salaad Cilmi (Saciid Bul Bul) in ay la sameeyaan xiriiro quseeya arrimaha ay ka leeyihiin deegaanka, haddey dhaqanka dhaqanka, Siyaasadda iyo nabadgelyada si u helaan howl dhameystiran mas’uuliyad xambaarsan.

WARGEYSKA MAALINLAHA EE/ MUQDISHO-TIMES/ BALCAD.COM



 



 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001