Wararka Mudugonline

BANAANBAX NABADEED OO KA DHACAY GALKACYO

GALKACYO, 6 Oct 2002 (MOL) Banaanbax nabadeed oo looga soo horjeedo dagaalkii  dhacay maalintii jimcada 04/10/02 ayaa Galabtay 05/10/02 ka dhacay magaalada Galkacyo gudaheeda.

Waxaa soo abaabulay mudaharaadkaan culumaa’udiinka magaalada, iyo dadwayne nabadda jecel, waxay culumaa’udiinku soo bandhigeen boorar ay ku qoran yihiin aayado qur’aan ah oo ka hadlaya dibu heshiisiinta, waxayna sidoo kale wateen calankii soomaaliyeed, kaasoo dadka xasuusinayey midnimadii soomaaliyeed ee indhawaydba lawaayey.

Waxay culumadu socod ku mareen wadooyinka magaalada, waqooyiga iyo koonfurta, waxayna dadwaynihii isku soo baxay xusuusiyeen, shareecada Islaamku waxay ka qabto dulmiga iyo dhiigga muslimiinta oo la daadiyo, waxayna kadigeen dhibaato hor leh oo ay dadku gacantooda ku kasbadaan, Haddii loo hogaansami waayo shareecada Islaamka.

 

Mana aha markii ugu horaysay culumaa’udiinku ka qayb qaataan arimaha nabadda iyo dibu heshiisiinta, waxay in badanba culumadu ka qayb qaateen xasiloonida ka jirta Gobolka, laga soo bilaabo xilligii is dhexgalka.

Waxaa sidoo kale maanta la filayaa inay isku yimaadaan odayaal beeleed kawada hadlaya wixii dhacay iyo sidii loo xalin lahaa.inkastoo warar hadda na soo gaaray ay sheegayaan in wada hadalada dib loo dhigay ka dib markii ay sidaas codsadeen odayaasha Koonfurta Magaalada. Lama garanayo waxay ku danbayn doonto xaaladahan ka soo cusboonaaday, inkastoo aysan ka badalnayn kuwii horey u dhicin jiray oo in badan laga heshiiyey.

Nabadda magaalada Galkacyo ayaa ah mid ay badali karto wiil yar oo qori wata, maadaama aysan jirinin dowlad soomaaliyeed ama maamul midaysan oo labada dhinacba ah.

Ganacsatada magaalada ee labada dhinac ayaa iyagu aan marnaba ka qayb qaadan dagaalada noocaan oo kale ah, iyagoo si isku mid ah uga soo horjeeda dhibaatooyin, isla mar ahaantaasna difaac midaysan lagala burcadda doonaysan inay bililiqaystaan hantidooda.

Wax dagaal dambe ah kama dhicin magaalada Gaalkacyo oo ka dambeeyay Dagaalkii Jimcaha, Wararka Muqdishu ka imaanaya aya sheegaya in hogaamiye Kooxeedka Caato uu cambaarayn u soo jeediyay Maamulka Puntland oo uu ku eedeeyay in ay dad masaakiin ah u adeegsadeen hub culus, warkaas Caato soo saaray ayaa la sheegay in la rumaysan yahay in uu ka dambeeyay war-qaldan oo la gaarsiiyay uusana la socon in Ciidanka Puntland aysan ka qeyb galin dagaalkii jimcaha dhacay ee u dhaxeeyay beelaha wada dega degaanka Mudug. illaa hadda wax wara kama soo bixin dhinaca Dawlad goboleedka Puntland ay uga jawaabayaan eedayntas loo soo jeediyay.

 

Mudugonline.com


 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001