Wararka Mudugonline

Gaalkacyo oo maanta Xasiloon iyo qasaarahii dagaalkii shalay.

GALKACYO, 5 Oct 2002 (MOL) Ka dib Dagaalkii shalay sida lama filaanka uga qarxay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa la soo sheegayaa in magaaladu xasiloon tahay oo aan wax dagaal ahi ka dhicin, waxaa lagu guulaystay in ciidamada la soo kala fogeeyo walow labada dhinacba ku jiraan heegan sare. waxaa maanta dib u furmay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii magaalada oo shalay xayirmay. Waxaa iminka si toosa u wada hadlay odayaasha magaalada ee labada dhinac ee beelaha isku dhacay ee dirirtu dhexmartay, waxaa la sheegayaa in wada haddalada socda ay ku muuqato rajo fiican iyo kalsooni u dhaxaysa odayaasha magaalada oo awal horey ugu guulaystay in ay magaalada Gaalkacyo ku soo dabaalaan nabad ku wada noolaansho mudo ku dhaw 10 sannadood oo Somaliya meel walba ka jirtay dagaal beeleedyo la damin waayay colaadooda. dad badan oo labada dhinacba ah ayaa u arka dagaaladaan sida kadiska u bilaamay shalay inaysan ka marayn siyaasad oo dad badani tuhunsan yihiin in Kooxda Carta ay arintaan ku lug leeyihiin.

Qasaaraha dagaalka ayaa la soo sheegayaa in dhimashada iyo dhaawacuba badan yihiin, tirada labada dhinac ka dhimatayna ay isle'eg tahay, inta hadda naloo soo xaqiijiyay ayaa ah dhinaca beesha waqooyiga magaalada dhimashadu waa 6 qof oo mid gabar tahay iyo 20 dhaawac ah. dhinaca beesha koonfurta magaalada ayaa iyagana waxaa ka dhimatay 7 qof oo mid gabar tahay iyo 20 kale oo dhaawac ah. dadka dhaawaca iyo dhimashadaba waxaa haleelay xabadaha weefta ah intooda badan. waxaa xusid mudan in illaa hadda aan la isku adeegsan hubka culus ee Teknikada loo yaqaan, taas oo yaraysay qasaaraha guud. Waa markii ugu horeysay oo dad intaas tiro le'eg ku dhintaan magaalada Gaalkacyo ka dib heshiiskii beelaha magaaladu ku gaareen magaalada Muqdishu sannadkii 1993. Odayaasha magaalada labada dhinacba ayaa hadda waxaa ka go'an in arintaan oo kale aysan mar dambe dhicin lana gaaro heshiis taama..

Waxaan wali la ogayn sida odayaasha magaaladu u xakamayn doonaan dhalinta ka timaada miyiga iyagoo u socda aargoosi sida muuqata ka qeyb ahayd dagaalkaan, waxaa cad in aan xeerka magaalooyinku badanaa ka shaqayn baadiyaha oo iyagana ay leeyihiin xeerar iyo hab ay ku heshiiyaan. wali lama oga in odayaasha miyigana arintaa heshiiska la gaarsiin doono iyo inay ku ekaan doonto magaalada oo qura.

Waxii warar dheeraad ah waan idin la socod siin doonaa.....insha allah

Mudugonline




 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001