Wararka Mudugonline

Gaalkacyo oo dagaal ba'an ka dhacay maanta

GALAKCYO, 4 Oct 2002 (MOL)-Saaka waaberigii ayaa waxaa magaalada Galkacyo hareeraheeda ka bilaamay dagaal ba'an oo u dhaxeeya beelaha wada dega magaalada, dagaalka oo markii hore ka bilaamay qilaaf ka dhashay ceel magaalada u dhaw oo lagu magacaabo Barde-dheere ayaa waxaa la sheegayaa in dagaalku markii dambe soo gaaray magaalada dhexdeeda. salaadii duhur ka dib ayuu dagaalku aad u sii xoogaystay, waxaa ka dhashay dagaalkaas qasaare naf iyo moodba leh, qasaaraha illaa hadda la og yahay ayaa lagu sheegay 12 qof oo dhinac walba 6 qof ka dhimatay iyo dhaawac gaaraya illaa 30 qofood.

Qorax dhicii salaada Maqrib ka dib ayuu dagaalku istaagay sida caadada u ah dagaalaada Somaliya, magaaladuna waa dagan tahay haatan, ciidama beeleedkuna wali waa ishor fadhiyaan, odayaasha magaaladu wali umma helin fursad ay isku arkaan oo ku kala qaadaan ciidan beeleedka, warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxda Carta ku lug leedahay dagaalkaan Gaalkacyo, warar kalena waxay sheegayaan in arintu la xiriirto aanooyin qabiil oo mudo soo jiitamayay oo dhawaanta soo cusboonaaday.

waxaan akhristayaasha la socod siin doonaa waxii ku soo kordha dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Mudugonline



 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001