Qabiilku waa qaab
nololeed ixtiraam mudan, qarniga cusubna la qabsankara ee
dagaalka somaliya ka socda ayaa mid qabiil ka qoto dheer.
Bulshooyinka Adduunku waa horay garteen in ay haboontahay
in la helo Qaab Qofka lagu baadi goobo, ha ahaado Qofkaas
la baadigoobayo danbiile ama Qof sidiisa loo raadinaye.
Waxayn Bulshooyinka Adduunku iyagoo ka amba qaadaya Qaabkooda
nololeed oo kala ahaa Beeralay oo ahaayeen Dad nagi iyo Xoolo
raacato oo ahaayeen Dad reer Guuraa ah, kala yeesheen labo
Qaab oo ku kala salaysan baahidooda baadi goobeed.
Bulshooyinka Beeralaydu waxay ahaayeen Dad nagi oo aan guurguurin
sidaa darteed Qaabka tooyasho kan ugu fiicay ee ma Guuraanka
ah ee ay isku tooyan kareen wuxuu ahaa Meesha ay dagan yihiin
oo ay waligood ku nagaanayaan.
waxayna Arintu ka bilaabatay Beer maadaama aanay Beerta Beeralaydu
ka guurayn, ayaa Qofkii lagu suntay oo cinwaan looga dhigay.Beertii.
Beero kale ayaa Beertii laga ag fashay waxaana sidaas ku batay
Beeralaydii oo noqdeen Tuulo, taas oo keentay in Tuuladii
Jidad yeelato, Jidadkaasna magacyo loo bixiyey.
Guri kasta oo Jidadkaas Jid kamid ah ku yaal lambar Gurigaa
lagu garto la siiyey..
Tuuladii waxay socoto waxay noqotay Magaalo, markaas ayaa
loo qaybiyey Xaafado iyo Laamo iwm, sidaas ayaa waxaa ku samaysmay
haybta hadda wadamada casriga ee aduunka laga isticmaalo.
Qaabka labaad ee la isku toydo waa Qaabka reer Guuraaga,
reer Guuraagu iyaga oo isha ku haya in aanay meel kaliya ku
nagaanayn oo aanay meel kaliya daganaanay waxay ogaadeen in
Qaabka toyasha ee Beeralaydu u adeegsadaan Baahidooda Baadi
goobeed, iyaga baahidooda la fal gali karin maxaa yeelay iyagu
meel kuma wada nagaadaan, sidaa darteed waxay raadsheen reer
Guuraagu Qaab guurguur(mobil) ah oo ay isku raadshaan.
Isla markiina waxay reer Guuraagu isha ku dhufteen in waxa
kaliya ee Qofka markasta la guurguuraya ee aan marnaba qofka
ka harayn tahay haybtiisa, waxaa kale oo ay ogyihiin in Rugta
uu markaa Qofka reer guuraaga ah dagan yahay, Xili daaqsin
ah ma ahane aanay muhiim kale u lahayn, waxayna raadiyeen
Qaab ay Qofka meel kasta oo uu joogo ay ku helikaraan, sidaas
ayay ku heleen Qaabka Abtirsiinyaha oo la dhihikaro waa Cinwaan
la iska dhaxlo oo guurguura(mobil) ah waxay qo´aansadeen
in uu Abtirsiinyuhu noqdo waxa Qofka lagu toydo, sidaa ayuu
Geedka Abtirsiimaha ee Qolo hebel, ka sii ah Laf hebel kasii
ah reer bebel ina hebel hebel ku samaysmay oo ah Qaabka ay
Somalidu isticmaal.
Waxaa kale oo jira Qaab sadexaad, kaas oo isku dhaf labadaa
Qaab ee aan kor ku xusnay ah sida Carabaha laga isticmaalo,
waa mare waxaa Dadka lagu suntaa Rugta ay dagan yihiin waa
mar kale waxaa la isticmaalan Abtirsiinyaha tusaale ina hebel
bin hebel ibni Xadramot ama bini Boosaasawi ah
Sidee u ekaan karaa
tooyashada mustaqbalku?
Aduunka aynu Maanta ku noolahay wuxuu sii noqonaya
reer Guuraa maxaa yeelay Dadka badanaa Maanta hal meel kuma
nagaadaan oo si dhaqsa ah ayey u guurguuraan, waxaana la dhihikaraa
Maanta Dadku wuxuu u sii badanayaa Garab rarato(mobil), waxana
jira Dad marba Magaalo ka shaqeeyey oo Waqti yar hal Magaalo
ku nagaadaan ama qaar Qaaradaha kale duwan u kala gooshan
oo marba mid ka shaqeeyaan, taas oo adkaaysay in uu Qaabkii
Dadka nagi ana Dadka reer Magaalaha ah ee aan waqtiga la jooga
ku dhaqano sii noolaado.
waxayna Culimada qaar qabaan in Dadka lamber lagu toydo la
siiyo sida Taleefonada, laakin waxaa ka horyimid dhibaato
maxaa yeelay lambarka xafidkiisaa agad..
Markii marka la fiiriyo sida sahlan ee loo xafidikaro ama
Qofku u qabankaro Geedka abtirsiinyaha ee ay reer Guuraagu
isticmaaln iyo sida computerda casriga uu ula jaanqaadi karo
geedka abtirsiinyaha uguna haboon yihiin, waxa suurto gal
ah haddii la hirgalinkaro in qaabka abtirsiinyuhu noqdo qaabka
mustaqbalka la isku toydo.ama mid isaga laga dheegay oo u
dhigma.
Faa´iidooyinka
ka dhalankaro qabyaalad
faa´iidada Qabyaladu kuma koobna sahlida
tooyasha oo kaliya ee waxay noqotay qaab la isku taageero
iyo caymis looga gudbo qaxarka iyo dhibka ka dhashay oomanaha
iyo daaq la´aanta iyo waliba waxay noqotay qaab ninkii
xoolo yareeya loogu xoolo gooyo iyo qaab difaac oo cadowga
la isaga difaaco.
Dhibaatoyinka ka
dhasha qaab noleedyadaasi
Inkasta oy arintu ujeedadaa fiican ee isku garashada ah ku
bilaabantay haddana wax kasta oo dadku ku kale gadisan yihiin
sida diinta , caadada , luqada , midabka , deegaanka iyo qabiilka
waxay kenaan xungurufyo mararka qaarkood xad waali ah gaaraan
iyo dagaalo astaamo ciribtirid leh.
Waxay Xungurufaha dadka nagi ka dhex dhacaan badanaa u badan
yihiin arimo ku saabsan dhul sheegasho iyo dhul qabsasho,
meesha xungurufaha dadka reer guuraga ah ka dhexdhaca Way
ka gadisantahay midaa kuna salaysnayn dhul markii laga reebo
marar daaqsin ama ceel la isku qabsado oo iyada laftigeedu
xili ku xiran yahay waxayna xungurufaha reer guuraaga ka dhex
dhaca u badan yihiin arin xoolo la kala dhacay iyo xili ceel
ama daaqsin la isku qabsaday iyo waliba arin aargoosi qabiilee
ku salaysan.
Muxuu yahay marka
waxa somaliya ka socda?
Markii loo fiirsado Xunguruffaha ka dhex dhaca Beeralayda
dhexdooda iyo tan ka dhex dhaca reer Guuraga dhexdooda ama
reer Guuraara iyo Beeralay waxaa la dareemikaraa in Dagaalka
Somaliya ka socda uuna ahayn Dagaal reer Guuraa oo Daaqsin
iyo Aargoosi ku dhisan, maxaa yeelay waxa la isku haysto Daaqsin
iyo Ceel midna ma ahan, kamana dhalan Dagaalku Xoolo la kala
dhacay iyo Aano qabiil oo Aargoosi ka dhashay, mana ahan Dagaal
Beeralay oo la isku haysto Dhul Beereed la kala qabsanyo ama
la kala boobayo ee waa Dagaal casriyo oo ay wadaan Dad Mutacalimiin
ah Ujeedada Dagaalka loo qaadayna Wajiyo badan leedahay.
Hadaba markii sidaas loo fiiriyo waxaa la arki karaa in dagaalka
somaliya ka socda aan lagu soo koobi karin dagaal qabiileed
iyo dagaaladii reer badiyaha ka dhex dicijiray,
qofkii ku doodana in uu dagaal qabiil oo soocan yahay, waxaa
la dhihikara wuu dhayalsanayaa baaxada dagaalka, mana uu fahmin
sida uu dagaalku u socdo maxaa yeelay wuxuu iska indha tiriyaa
in ay dagaalka wadaan dad aqoon ku filan leh dagaalkuna uuna
dagaal reer badiye iyo mid nin qabqable la yiraahdo kaligiis
u gaar ah ahayn.
Ma ahan dagaalka dagaal caadifad qabiil ka dhashay ee waa
dagaal caadifada qabiilka si qorsheeysan loo kicinayo, caadifada
qabiilku waa qalab la adeegsanyey ee ma ahan sababtuu uu dagaalku
ka dhashay iyo ujeedada loo qaaday.
dagaalku ma ahana dagaaladii qabaa´ilka aaynu naqaanay,
hubkuna ma ahan qorigii hal kaliyaalaha ahaa ee waagii hore
lagu dagaalami jiray, dadka dagaalkan wadaan geel ma raacaan
oo qaarkood waligood geel maanay arag.waxayna ka soo baxeen
jaamicado ujeeda loo qaadayna ma ahan geel iyo beer ee waa
xukun boobid, beelo tirtird,dhul balaarsi, baro kicin iyo
dad dooni saarid .haddii aan laga gaashaamana darbargoyn xun
baa dhici.
Isku soo duub oo waxaa la dhihikaraa Qabiilku waa qaab
nololeed ixtiraamkiisa mudan dhinacyo badana looga faa´iidaysankaro
ee dagaalka somaliya ka socdaa mid qabiil. ka qodo dheer.
Mahadsanid
Maxamud sh. Xasan dahir