Wararka Mudugonline

Baydhaba oo laga qabsaday Shaatiguduud

BAYDHABO, 3 Oct 2002 (BBC) -Wararka ka imaanaya magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, ayaa sheegaya in maanta gacan-ku hayntii magaaladaasi ee Colonel Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud uu is-beddel ku yimid.

Dagaal halkaasi ka dhacay oo u dhexeeya dhinacyada Colonel Shaarguduud oo ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya iyo labadiisii guddoomiye ku xigeen ee xagga RRA-da, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa saakay 5:30 aroornimo markii laga soo baxay salaadda subax.

Waxaa mar keliya isku dhacday rasaar aad u xoog weyn, hase yeeshee, aanan ku baahin magaalada oo dhan sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah dadka deggan magaaladaasi.

Waxay u muuqataa in ay jirtay farsamo magaalada dhexdeeda lagu soo geliyey ciidamo fara badan ka hor dagaalka saaka billowday, taasoo sida ay sheegeen goobjoogeyaasha aad u sahashay in ay maanta magaalada Baydhabo u dhacdo dhinaca Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Lama yaqaanno tirada dhabta ah ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalkaasi, hase yeeshee, wararka laga helayo ilaha madaxa bannaan, waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan siddeed qof ay dhinteen, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay dagaalkan, waxaa ka mid ah Aadan Isgow oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidanka Colonel Shaarguduud sida ay sheegeen goobjoogeyaasha, iyadoo dhaawacuna uu ku jiray nin ganacsade ah oo caan ka ah magaaladaasi.

Xiisaddan dagaal waa ay dareensanaayeen dhinaca Shaarguduud, waxay duhurnimadii shalay magaalada Baydhabo ka gooyeen dhammaan wixii is-gaarsiin ahaa, waxay magaalada Baydhabo hawada dib ugu soo noqotay saaka toddobadii subaxnimo, iyadoo ay magaaladana gacanta ku hayaan ciidamada Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade.

Maxamed Isaaq Cismaan oo loo yaqaanno Fanax oo ah guddoomiye ku xigeenka hoggaanka siyaasadda ee Jabhadda RRA-da oo aan khadka talefoonka kula xiriiray, isagoo jooga magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in dhinaca Shaarguduud ay ka qabsadeen labo baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo afar kale oo waaweyn iyo hub iyo saanad fara badan.

Fanax waxaa uu intaasi ku daray in isaga dhinaciisa ay dagaalkaasi kaga dhinteen labo ka mid ah maleeshiyadooda, iyadoo ay shan kalena ka dhaawacmeen.

Isbitaalka magaalada Baydhabo, waxaa isagana la geeyey ilaa toban qof oo dhaawac ah oo ay dad rayid ahna ku jiraan.

Lama yaqaanno halka uu ku dambeeyey Colonel Shaarguduud nafsad ahaantiisa, waxayse warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in uu u baxsaday tuulada Ceel Doon oo ilaa 20km dhinaca Woqooyi ka xigta magaalada Baydhabo.

Waxaa sidoo kale aanan la haynin meel uu jaan iyo cirib dhigay Hilaal Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo ahaa madaxii hay'adda UNDP ee Baydhabo, kaasoo la arkay baabuurkiisii oo ay rag hubaysan magaalada ku dhex wataan, iyadoo mid ka mid ah raggiisii ilaalada ahaana meydkiisa laga helay magaalada dhinaceeda.

BBC Somali


Tifaftirihii Wargayska Al-Siyaasa oo la afduubay

NAYROBI, 3 Oct 2002 (MOL)-Xalay abaarihii 12:30 ayaa tafaftirihii jariiradda al-siyaasa, Dr. Xuseen Cali Cilmi, waxaa lagala baxay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Eastliegh ee ku taala magaaladda nayroobi oo dalka Kenya. Sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa marka la afduubayay tafaftiraha ayaa waxay sheegeen in niman u eg askar oo qaarna ku labisnaayeen dharka shibilka qaarna qabeen labiska boliiska Kenya ay soo galeen guriga uu deganaa xuseen dabadeedna ay ku bilaabeen garaacis iyo jirdil. Ilaa iyo hadda lama yaqaan halka uu ku sugan yahay tafaftiruhu iyo wuxuu mutay.

Laba asbuuc ka hor tafaftiruhu wuxuu ku shaaciyay wakaaladaha wararka iyo internetka in naftiisu khatar ku jirto kadib markuu qoray maqaalo lid ku ah kooxda carta iyo shirkaddii albarakat ee lagu xiriiriyay inay lug ku lahayd argagixisadda caalamiga ah.

Maaha markii ugu horaysay ee xuseen sababo aan la qeexin loogu afduubo ama xiraba magaaladda Nayroobi,tanina waa markii afraad.

shillinson


Madaxweynaha Puntland oo Maanta Booqasho Gaaban uga Bilowmatay Roma

Roma: Sidda uu kusoo waramyo wariye AllPuntland uga soo warama Talyaaniga Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa maantay 3/10/02 booqasho gaaban ku tagay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Waxaa madaxweynuhu kula kulmay magaalada Rome dad aad u danaynaya danaha Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya.

Waxaa horey madaxweyne Cabdullahi booqasho gaar ahaaneed uu ku tagay London, xarunta Britan (UK) halkaas oo u kula kulmay Jaaliyadda reer Puntland iyo kuwa ka socda Soomaalida kaleeto ee u dhalatay Soomaaliya.

Waxaa kale o madaxweyne Cabdullahi ay is arkeen saraakiil ka socota Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Britan (UK) iyo safaaradaha shisheeyaha qaarkood ee degan London, kuwaas oo dhammaan ay iska waraysteen xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah oo haataan usoo wareegay wadamada reer galbeed ah.

Allpuntland


 







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001