Wararka Mudugonline

Dil ka dhacay Galkacyo

MUQDISHU, 1 Oct 2002 (MOL) -Habeenkii Xalay ayaa laba weerar oo kala duwan lala beegsaday dad rayida magaalada Galkacyo, weerarkaas oo ay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan deegaanka koonfureed ee magaalada Galkacyo ayaa waxuu ka kala dhacay labada xaafadood ee Garsoor iyo Hurumar. weerarka xaafada Hurumar ka dhacay ayaa lala beegsaday meel buushash ah oo jaadka lagu cuno, halkaasna waxaa ku dhaawacmay 3 nin oo ka tirsan. dhinaca Xaafada Garsoor ayaa waxaa lagu dilay wadaad dugsi quraan isagoo markaas u socday gurigiisi.dadkaas la dhaawacay iyo wadaadka dhintay ayaa ka soo jeeda beelaha waqooyiga magaalada Galkacyo.

Dilalkaan ayaa waxaa la aaminsan yahay inay daba joogeen falal dil argoosasho ah iyo aano qabiil oo kuwii u dambeeyay ka dhaceen gobolka Mudug, dilalkaas oo ka kala dhacay aaga Tuulada Balibusle ee degmada Jariiban oo wiil yar lagu dilay 3 nina lagu dhaawacay iyo meel u dhaw magaalada Galkacyo oo lagu dilay laba nin.

Falalka dilka isa soo taraya ayaa waxaa loo aanaynayaa shirka dib u heshiisiinta ee Kenya, markastoo shir la qaban qaabiyana uu bilaamo falal dil ah oo lagu kasbanayo magac iyo darajo. Magaalada Galkacyo ayaa nabad ahayd tan iyo sannadkii 1993 markii beelaha deegaanku heshiis ku saxiixdeen magaalada Muqdishu, heshiiskaas oo ka dambeeyay dagaal faraha la isaga gubtay oo dhex maray jabhadihii hubaysanaa ee SSDF iyo USC, magaaladana ay goob dagaal ahayd illaa 2 sanno. dad badan ayaa isweydinaya sababta haatan loo soo faarfaarayo colaad duugantay oo dadka gobolka Mudug ku guuleysteen inay caqligooda uga gudbaan, magaalada Galkacyona noqotay magaalo kudayasho mudan sida ay ugu guuleysteen xaq dhawrka iyo wada noolaanshaha beelaha kala duwan ee magaalada. colaad qabiil ku dhisan ayaan marnaba labada dhinac wax wanaag ah u siyaadinayn aan ahayn dhimasho iyo aakhiro seeg.

Mudugonline


Wareegto uu Soosaaray Madaxweyne xiga Puntland oo amartay Ciidanka Boolisku inay ka Amarqaataan Wasiiru Dawlaha Puntland

Boosaaso: Wareegta uu saaka soo saaray madaxweyne xigaha Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayuu ku amray in ciidanka Booliiska Puntland uu amarka ka qaato Wasiiru Dowlaha dawlad Goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka), madaxweyne xiguhu ma faahfaahin sababta keentay amarkiisan cusub iyadoo Booliisku ka amar qaadan jiray Wasaarada Arimaha Gudaha.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland G/Sare Xirsi Siciid Faarax (Xirsi Gaataa) oo ka hadlay wareegtadaas ayaa sheegay in uu waydiistay madaxweyne xigaha in uu soo kala cadeeyo in la iska dhaafay sharcigii farayay in ciidanka Booliisku ka amar qaato Waasaarada Arimaha Gudaha.

Allpuntland.com



SOMALIA: Puntland leader "alive and well"

NAIROBI, 1 Oct 2002 (IRIN) - Col Abdullahi Yusuf Ahmad, leader of the self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia, who travelled to London for medical reasons, has been given a clean bill of health, a source close to Abdullahi told IRIN on Tuesday.

The source said that persistent local media reports that Abdullahi Yusuf was either seriously ill or had died "were malignant and irresponsible". Abdullahi, who arrived in London about a week ago, is "alive and well", he added.

"He was in London for a routine medical checkup and was given a clean bill of health by his doctors", said the source.

Abdullahi Yusuf was temporarily admitted to hospital in London for a liver condition in November 2000 and "has to submit to checkups every now and then", the source noted. "The president is fine and will return to Puntland in the next 36 hours," he told IRIN.

The Puntland leader had been given liver tests, and was admitted to a London hospital for "a couple of days", Somali political sources told IRIN. They also stressed that they did not suspect any other reason for his hospitalisation, describing it as "routine for someone in his condition".

IRIN



 







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001