Wararka Mudugonline

Qaraxyadii magaalada Mombasa ka dhacay oo Maraykanku ku tuhmay koox somali ah.

Mombasa, 30 Nov 2002 (MOL) - Qaraxii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalada Mombasa ee lala beegsaday Hoteel Dalxiis oo lagu Magacaabo Janno(Paradise) oo ay ku dagi jireen dalxiisayaasha ka yimaada wadanka Yahuuda ayaa waxa soo baxaya Tuhun ah in qaraxaas ay ku lug leeyihiin koox Musliim Somali ah oo lagu magacaabo Al-itaxaad. Dawlad Maraykanka ayaa si cad u soo saartay warbixin ay ku cadaynayso in kooxda al-itaxaad ay ugu horeyso kooxaha ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen qaraxaas. Dawlada Kenya iyo Dalwada Yahuuda ayaa iyagu sheegay inay u badan tahay inay qaraxaas ka dambeeyeen kooxda Alqaacida ee sida ba'an ula dagaalanta dawlada Maraykanka.Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 qof oo Kenyan ah iyo 3 yahuuda. waxaa kaloo ku dhaawacmay tiro badan oo yahuuda oo markii dambe loo ciidanka yahuudu u daadgureeyeen wadankoodii. Qaraxaas ka sokow waxaa iyana laba gantaal oo kuwa lidka diyaaradaha lala beegsaday diyaarad weyn oo isla marka qaraxu dhacay ka duulaysay isla Magaalada Mombasa. Diyaaradaas ayaan waxba ku noqon oo gantaalihii waa geesmareen Arintaas ayaa keentay cabsi dheeraada oo laga qabo raacida diyaaradaha.

Dadka arrimaha Somaliya u dhuundaloola ayaa iyagu aaminsan inaysan Kooxda Al-itixaad lahayn awood iyo gaarid ay ku gaystaan weerarnoocaan oo kale ah oo aysan farsamo ahaan awoodin. ururka al-itixaad ayaa ilaa waxii ka dambeeyay 1996-kii lahayn meel saldhiga oo loogu soo hagaago ka dib markii Dawlada Itoobiya ku weerartay ururkaas Koonurta Somaliya. Taageeryaasha ururkuna ay kala firdhadeen. Dawlada Itoobiya ayaa iyadu aad ugu qanacsan inay Dawlada Maraykanka ku qanciso in kooxaha sirta Maraykanku daba galaan ururkaan taas oo Itoobiya ka yaraynaysa mucaaradkeeda Xornimo doonka ah oo inta badan markii hore ka mid ahaa ururkaan. Waxaa iyana Dawlada Jabuuti wadankeeda dhuula tus milatary ku samaynayay asbuucyadaan Ciidan maraykan ah oo shaqadiisu tahay inuu ka hawl galo Geeska Afrika qaasatan Somaliya oo Dawlada Maraykanku ku tuhunsan tahay dhaqdhaqaaqa Muslimiinta ay ugu yeerto Musliimiinta Mayalka Adag. dhaqdhaqaas Milary ayaa laga cabsi qabaa inuu wax ka badalo xaalada Somaliya oo aan awalba cakaha ku taagnayn.

Dawlada Kenya ayaa qaraxaas u qabqabatay illaa 12 qof, dadkaas oo u badan ajnabi ayaa illaa hadda waxaa la sii daayay Gabar Maraykan ah iyo ninkeedii oo Spanish ahaa, waxaa wali lahayaa 4 nin oo Somali ah iyo 6 Pakistani ah. waxaa jira tuhun Kenya dhexdeeda ah in dadkaas la xiray aysan wax luga ku lahayn qaraxaas ee la iska soo qabqabtay iyadoo wadanka Kenya Hadda saaran yahay Cadaadis weyn oo kaga imaanaya Wadamada reer Galbeedka inay natiijo degdeg ah ka keento baaritaanka Qaraxaas. waxaa iyana meesha ka maqnayn Kenya oo dhaqaalaheedu si weyn ugu xiran yahay dalxiiska dadka reer Galbeedka oo haatan dalwada Kenya ka cabsi qabto in baqdin gasho dadka soo booqda wadankeeda..

Mudugonline.com


Wejigii labaad Shirkii Somalida ee Eldoret oo furmi doona Maalinta Isniinta

Eldoret, 30 Nov 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya Madasha shirka Somalida ee ka socda magaalada Eldoret ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in dib loo furayo wajigii labaad ee shirka maalinta Isniinta ee nagu soo aadan. warka ayaa intaas ku daraya in haatan intii badnayd la soo gudbiyay magacyada ergooyinka 6-da ah ee ka qayb galaya qeybta labaad ee shirka. Shirka ayaa hadda u muuqda inuu horey u tilaabsaday ka dib markii uu dhawr asbuuc u afduubnaa qabqablayaasha dagaalka qaarkood oo aan ku qanacsanayn tirada ergooyinka ay saamiga u heleen. arintaas ayaa looga gudbay ka dib markii Gudiga qabanqaabadu aqbaleen waxii ay codsanayeen qabqablayaasha dagaalku oo ahayd in ergada shirka lagu qaybsado hab qabiil sidii shirkii Carta.

warar kale ayaa sheegaya in aan si siman loo qaybin ergooyinka oo qabiilada qaarkood heleen sadbursi ka badan saamigii ay lahaayeen. wararka ayaa intaas ku daraya in dhibaatada ugu weyn ka jirto ergooyinka Beelaha Hawiyaha iyo kuwa Daarood dhexdooda. Beesha Hawiye ayaa la soo sheegayaa in beelaha yar yar ee Hawiye aan laga qayb galin qaybsiga ergada halka Beesha daaroodna iyadana beeluha wax loogu qaybiyay magacyo kore oo aan qabiilooyinku tiro ahaan isle'ekayn haddana la siiyay tiro isku jaango'on iyadoo wax tixgalina la siin tirada beelaha iyo deegaanka ay degaan tusaale ahaana Beesha Harti oo degta 5 gobol oo ka mida Puntland ahna beelaha Somaliya Tiro ahaan ugu balaaran ayaa haddana waxaa la siiyay tiro iyo u dhiganta Beesha Mariixaan oo ku kooban hal gobol oo Somaliya ka mida. Shirarkii hore waxyaabihii soo burburiyay ayaa waxaa ka mid ahaa istixgalin la'aan iyo isxaqirida beelaha dhexdooda haatana lama oga inay Shirkaani ka duwanaan doono kuwii hore iyadoo durbadiiba uu shirki meelo badan uga egyahay Shirkii Carta.

Mudugonline.com


Hal Qof oo ku Dhintay Galkacyo

Galkacyo: 1 qof ayaa ku dhintay mid kalana waa ku dhaawacmay duleedka magaalada Gaalkacyo ka dib markii uu nin dablay ah oo ay isku goob joogeen uu rasaas oodda uga qaaday.

Ninka dhintay iyo kan dhaawacmay oo labaduba ka tirsan beesha Sacad ayaa labaduba ka mid ahaa ciidamada isku dhafka ah ee la dajiyay duleedka magaalada halka loo yaqaan Bardo dheere.

Sababta keentay dilkaan ayaa lagu sheegay in ninka tacshiiradda furay ay murmeen ninka dhintay oo ay xabadu kaga dhacday madaxa waxaana intii uusan dhiman la dhigay dhagaxa maydka lasaaro ayadoo loo maleeyay inuu dhintay waxaana shaqaalaha Isbitaalku sheegeen inay naftu ku jirto walow uu saacado ka dib dhintay.

Gacan ku dhiig laha oo lagu magacaabo Cabaas Maxamuud Dhooddi oo isaguna ka soo jeedaha isla beesha ninka dhintay ayaa waxaa durbadiiba gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaana ninka dhintay lagu magacaabaa Qaasin Cabdi Faarax ayadoo ninka dhaawaca ah oo layiraahdo C/raxmaan Xaashi Dhalawayn iminka lagu dawaynayo isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

AllPuntland


Faalo: Dhaca iyo Isbaaraysiga Muqdisho

Muqdisho: Magaalada Muqdisho ee ah xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa maal mahaan danbe soo food saartay dhibaatooyin lagu hayo dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan .

ayadoo lagu jiro gaba gabadii bisha barakaysan ee Ramadaan dadkuna ay ciyaalkooda ugadayaan dharka ciidaha una diyaar garoobayaan Ciida ayaa waxaa dadka usuuroobi waayay inay hawlohooda si xor ah uwataan.

Wariye madax banaan oo muqdihso jooga ayaa allpuntland usheegay in ay jiraan da'yar usoo shaqo tagta kharashaadka yar ee haweenku ay adeega usoo qaataan waxaa kaloo uusheegay inay jiraan maleeshiyo dadka xabadeeya ayagoon ukala aabayeelayn .

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu wayn Muqdisho oo awal karoonaan jiray dhaca iyo dilka ayaa maalmahaan danbe noqday goob loo soo shaqo tago , dadka muqdisho ayaa kadaalay inay layaabaan ama wax kaqabtaan qof ladhacayo ama ladilayo asagoo qofkaasi u baqaya naftiisa.

Waxaa maalmahaan jirtay ganacsato is bahaysatay oo ku gudo jiray sidii ay suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa uga sifayn lahaayeen Burcadda caadaysatay boobka hantida aysan shaqaysan , waxaana umuuqata in cid kastoo is abaabusha aysan waxba kaqaban karin burcadda Muqdisho ayadoo burcaddu ay noqdeen hogaamiye yaal aan loo dhawaan karin , wax kaqabashada burcadda ayaa suuroobi karta hadii lahelo dawlad sharciga waafajisa cid alaale iyo cidii ku kacda fala bani aadanimad dhan ka ah.

AllPuntland








Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001