Wararka Mudugonline

Baaq cusub oo Isimadda Beesha Sool koonfur sanaag iyo buuhoodle soo saareen

Waxaan idinla socodsiinaynaa in Isimada Beesha Sool koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle soo saareen baaq ay kaga jawaabayaan hadalkii uu Suldaan Muuse Godaad ka sii daayey idaacada BBCda waxuuna u qoran yahay sidan.

Ku:Dhamaan Cuqaasha, Waxgaradka aqoonyahanada Beesha Sool, koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle.


Ku:BBC= laanta afka Somaliga.

Ujeedo: Baaq.

Waxaan cadaynaynaa hadalkii uu idaacada BBCda ka sii daayey aanuna ka dhegaysanay Suldaan Muuse Godaad.
Inaan waxba ka jirin.Wax siyaasada oo aan ka wadahadalay majiraan.Anaguna ma nihin Somaliland mana noqon doono mana ogolin. Mana ogolin cid dawlad sheeganaysa oo Somaliland ka imanaysa.Mana ogolin doorashada oo wax u dhimi karta Beelaha Somaliland.

Waxaa saxeexay.

1. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
2. Ugaas Cabdilaaahi Ciise.
3. Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.
4. Garaad Cali Buraale Xasan.
5. Garaad Cabdisalaan Xasan.
6. Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe.
7. Wakiilka Garaad Abshir ( Maxamed Diiriye
Cali ).

Baaqan oo la saxeexay 22.11.02 waxaana telefoonka iiga akhriyey Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland mudane Axmed Cabdi Xaabsade.

wixii faahfaahin ah la xiriir Xaabsade Tel.002525236812

Osman Warsame
Norway.


Maanta iyo Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo Maanta:

  • Madaxweynaha DG Puntland Cabdulahi Yusuf oo booqoasho u aaday wadanka Itoobiya.
  • Wararkii ugu dambeeyay ee shirkii Eldoret.
  • aqoon isweydaarsi lagu soo gabi gabeeyay magaala madaxda Puntland ee Groroowe.
Iyo warar kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html



Shalay iyo Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo:

  • Fatahaada Webiga Jubba oo dhibaateeyay dhul beereeka Konfurta Somaliya
  • Wararkii ugu dambeeyay ee shirkii Eldoret.
  • Shir ka dhacay Garoowe sidii Dawlad Goboleedka ugu soo noqon lahayd magaala Madaxda Garoowe iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa..
  • Amaanka suuqa Bakaaraha
  • C/rashiid Cali Xaashi oo ah gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay nabadgalyada Magaalada Galkacyo.
Iyo warar kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html

 


Saxaafada Muqdishu oo aad ugu diirsaday is-afgaranwaaga ka aloosmay booqashada Wasiirada Ka socda Maamulka Somaliland

MUQDISHU, 27 Nov 2002 (MOL) - Saxaaafada Magaalada Muqdishu ayaa sidii lagu yaqiin waxay si aad ah wax uga qoreen una dhiirigalinayaan shaqaaqada ka dhacday Magaalada Laascaanood ka dib markii dad deegaanku ishortaageen Wasiiro ka socda Maamulka Somaliland oo rabay inay magaalada Laascaanood ka hirgaliyaan doorasho la filayo inay ka dhacdo Somaliland bisha dembe.Saxaafada Muqdishu ayaa waxay maqaaladooda horudhac uga dhigeen cinwaano naxdin leh oo ay ka mid yihiin "Laascaano oo dagaal ka qarxay", "Puntland iyo Somaliland oo dagaal qarka u saaran" iyo cinwaano kuwaas la mida. Saxaafada Muqdishu oo inta badan ku salaysan qabiil ayaa waxay rajo ka qabaan dagaal ka qarxa Laacaanood oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland inuu cimri dherer u keeni karo Dawlada Carta ee ay taageeraan.

Waxaa iyana meesha aan ka maqnay xisdi saxaafada Muqdishu ay jeclaan lahaayeen inay mar arkaan Puntland iyo Somaliland oo dambas noqday oo nabad la'aan iyo boob ka dilaaco magaalooyinka waaweyn sida hadda ka jirta magaalada Muqdishu. sidaas oo ay u arkaan markaas inay u awood u siinayso inay Dawlada Carta aduunku taageero iyo aqoonsiba siiyo. riyada Saxaafada Muqdishu ayaa badanaaba ah riyo ee aan waxba ka naasacadaan. dadka reer Puntland iyo Somalilandna iyaga ayay u taal haddii ay door bidaan inay iska burburiyaan nabad galyada iyo kala dambeynta ay ku soo hawshoodeen 13-kii sanno ee la soo dhaafay. saxaafada Muqdishu iyo dadka qorana waxaan leenahay "god walaal ha qodin hadaad qodidna ha dheerayn ku dhici doontaana ma ogide"

Mudugonline.com




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001