Wararka Mudugonline

Beesha Hawiye oo soo gudbisay ergadii shirka uga qayb gali lahayd.

ELDORET, 26 Nov 2002 (MOL) - War aan wali la shaacin ayaa sheegaya in Beesha Hawiye soo gudbisay ergadii uga qayb gali lahayd shirka dib u heshiisiinta somaliyeed ee ka socda magaalada Eldoret. warkaan oo Mudugonline u xaqiijiyay xogogaal jogaa shirka ayaa dad badan ku noqotay lama filaan. ergada shirka ayaa filaysay in Beesha daarood noqon doonta beesha ka soo hor gudbin doonta ergadooda beesha Hawiye. warka ayaa intaas ku daraya in haatan Beesha daarood kaliya laga sugayo inay qaybsadaan tirada ergooyinka soona gudbiyaan ergadooda asbuucan. isla asbuucaan ayaa Bessha Digil iyo Mirife, Beesha dirta koonfureed iyo qabiilada laga tirada badan yahay soo gudbiyeen ergadii uga qayb gali lahayd shirka. soo gudbinta ergada Beesha Hawiye ayaa kor u qaadi doonta niyad samada ergada shirka oo asbuucyadii hore ka bixi waayay qilaaf caadifad qabiil huwan.

Wararka illaa hadda ka soo baxaya beesha Daarood dhexdeeda ayaa iyana sheegaya in dib u dhacaan ku yimid soo gudbinta xubnaha ergada ka dambeeyay ka dib shir ay qarbud ka rideen Col. Jees iyo Jamac Cali Jamac ka dib markii ay shirka soo galeen isagoo socda ka dibna qaar ergada ka mida u sheegeen inay nimankaasi beesha sirteeda lagu aamini karin ayna daba dhilif u yihiin qabqablayaasha dagaalka Hawiye ee isku magacaabay G8. arintaas ayaa waxay dhalisay in shirkaas iyadoo waxba lagu heshiin lagu kala tago. arintu si kastaba ha ahaatee waxaa haatan Muuqata in Beesha daarood ay hadda isugu mawqif dhaw yihiin 10-kii sanno ee la soo dhaafay. waxaana la filayaa in beeshu ka gudubto caqabadaha hor yaal waxna ka yagleelaan dawlada qaran oo Wadanku ugu baahi badan yahay xiliga hadda lagu jiro oo Somaliya qatar ugu jirto in magaceedaba aduunka laga waayo iyadoo beeshu baal dahab ah uga jirtay halgankii xornimo doonka iyo la dagaalankii gumaystahaba.

Mudugonline.com


Dad Muqdisho lagu afduubay

Waxa Isniintii Muqdisho lagu soo afjaray afduub lagu haystay hooyo iyo saddexdeeda caruur ah oo niman dablay ah ay ku haysteen Yaaqsheed, ka dib markii ay boolisku ay weerar ku qaadeen afduubayaasha.

Qafaalashada Madiina Xuseen Jimcaale iyo saddexdeeda carruur ah oo uu ku jiro wiil afar bilood oo keliya jira ayaa waxay ka dhacday inta u dhaxaysa degmada Balcad iyo Muqdisho mar hadda laga joogo lix maalmood, waxayna dableydu markiiba u kaxaysteen dadkaasi ay afduubteen guri ku yaallada degmada Kaaraan ka hor intii aanay dabadeed ula soo wareegin guri kale oo ku yaalla degmada Yaaqshiid meel aan ka fogeyn warshaddii hore ee baastada.

Afhayeenka ciidanka booliska dowladda KMG ah, Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale, ayaa sheegay in ay boolisku ka war-heleen afduubkaasi oo ay ku soo wargeliyeen dadweynaha deegaankii lagu hayey hooyadaasi iyo carruurteeda. Labo oday oo dhex-dhexaadin iyo xaal mastuurin ugu tagtay soo sii deynta hooyadaasi iyo carruurteeda ayey dableydu sidoo kale ku biirsadeen intii u afduubnayd ee ay haysteen, taasoo tirada dadkii afduubnaa ka dhigtay lix ruux.

Lama yaqaanno sababta dhabta ah ee ay dableydaasi u qafaasheen hooyadaasi iyo carruurteeda, waxayse boolisku ka warheleen in dalabka dableydu uu ahaa in la siiyo madax furasho dhan US $ 4500, si loo sii daayo lixdaasi qof. Warku wuxuu intaasi ku daray in dableydu ay ku andacoonayeen in ninka qaba gabadha ay afduubteen walaalkiis uu ka qabay lacagtaasi ay dalbanayaan.

Si kasta ha ahaatee, gelinkii dambe ee Isniinta ayey ciidanka booliski go’aan ku gaareen in ay xoog ku soo furtaan dadkaasi afduuban, iyagoo goobta u diray in ka badan 60 nin oo aad u hubaysan, kuwaasoo weerar hubaysan ku qaaday gurigii lagu haystay dadkaasi afduubanaa. Dhallinyaradii afduubka wax ku haysatay oo aanan tiradooda la sheegin ayaa iyagana is difaacay oo rasaas ku jawaabayey ilaa laga xoog roonaaday.

Afhayeenka booliska, Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale, waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah dableydii wax afduubatay iyo labo qori oo Ak-47 ah. Waxay kaloo boolisku ka soo qaadeen dableydaasi telefoon mobile ah oo ay dadka ay afduubteen dadkooda kula xiriirinayeen iyo weliba hal rikoor oo ay codadka uga qabanaayeen carruurta si ay eheladooda u maqashiiyaan.

Intii uu socday weerarkaasi lagu qaaday dableydaasi wax afduubatay waxa uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah duqeydii dhex-dhexaadinta ugu tagtay ee lagu darsaday dadkii afduubnaa, kaasoo ay rasaastu ka haleeshay lug, waxaana hadda lagu daweynayaa isbitaalka booliska ee Maddiina, laakiin dhinaca ciidanka booliska, dableydii iyo intii kale ee afduubnayd midna wax kuma gaarin dagaalkaasi.

Saddexdii nin ee la soo qabtay ayuu afhayeenka boolisku sheegay in dhowaan loo gudbin doono maxkamad, waxaase hadda lagu hayaa xarunta dembi baarista. Afhayeenka boolisku wuxuu sheegay in ay sidoo kale hadda ku raadjoogaan ilaa saddex afduub oo kale oo ay warkooda hayaan, isagoo ka codsaday dadweynaha in ay booliska la soo socodsiiyaan goobaha ay ku maqlaan in dad lagu haysto, wuxuuna Maddaale uga digay dableyda caadeysatay qafaalashada dadka in ay cawaaqib xumi kala kulmi doonaan ficilkoodaasi oo aananna looga hari doonin.

BBC Somali.



XAALADA MAGAALADA LAASCAANOOD OO KACSAN KADIB MARKII LA OGAADAY INAY WASIIRADII SOMALILAND QAAR DHUUMASHO KU SOO GALEEN MAGAALADA.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa kacsan kadib markii dhowaan uu wafti Ka socda maamulka la magacbaxay Somaliland ay u soo anbabaxeen magaalada L/caanood,weftigaas oo galabnimadii jimcaha iyaga oo maraya agagaarka Tuulada Adhicadeeye oo ilaa 30km kaga beegan dhinaca qorax-u dhaca magaalada Laascaanood ay jidgooyo u sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan deegaankaas,ayna rasaas oodada kaga qaadeen weftigaas,balse wuxuu dagaalku sii xogaystey kadib markii ciidan uu horkacayto nin horey uga tirsanaan jirey ciidamada Somaliland oo u dhashay deegaankaas magaciisana la yidhaahdo Xassan Geerash uu ku soo biiray dhalinyaradii jidgooyada samaysay,hal qof ayaa ku dhintay,mid kalena waa uu ku dhaawacmay iskahorimaadkaas.

weftigaas oo ka koobnaa 6-8 wasiir ayaa hadaba lama filaan ku noqotay dadka ku dhaqan deegaankaas,kuwaasoo filayey inay nabad gelyada gobolka ka soo rayso,maadaama ay mudo sadex bilood ah ku sugnaayeen magaalada Laascaanood wefti ka yimid gobolada waqooyi galbeed,kuwaasoo wadaxaajood ku saabsanaa xaga nabadgelyada beelaha ah la yeeshay qaar ka mid ah isimada beesha Dhulbahante.

Waxaan hadaba si aad u ogaataan xaalada dhabta ah ee magaalada Laascaanood halkan hoose idinku soo koobaynaa waraysi ay weriye Faa,isa Cabdi Dhalac oo ah oo ka mid ah weriyayaasha idaacada Laascaanood,ahna weriye madax banaan,ayaa waraysi ay u soo dirtay RadioQaran wuxuu ahaa sidan isagoo kooban:

Ugu horey waxay Faa,iso sheegtay in laba ka mid ah weftigii Somaliland ee loo soo diray magaalada Laascaanood inay soo gaadheen magaalada,kuwaasoo ka mid ahaa wefti tiradooda lagu sheegay 8 oo dhowr maalmood ka hor laga celiyey duleedka magaalada,wasiiradan ayaa laba ka mid ahi u dhasheen deegaanka iyadoo ay ujeedadooda ugu muhiimsanayd sidii ay u sii anbaqaadi lahaayeen wadahadaladii ay ka gaabsadeen salaadiinta oo labaataneeyada gaadhayey oo mudo 3-bilood ku dhow ku sugnaa magaalada,inkastoo ay wasiiradani la kulmeen caabin xoog leh oo kaga timid ciidamo kala koox koox ah kuwaas oo taxnaa Guumays ilaa kaantaroolka Laascaanood,ayaa waxaa ugu ba,naa kuwa ka tirsanaa ciidamada ka mushahar qaata Somaliland,ciidamadaas ayaa sida la sheegayo ka gadoodsanaa arimo kala duwan oo kala ah:

Taliyihii hore ee la bedelay oo kiciyey ciidan isaga taabacsan,isagoo doonayey inuu ku khasabo inuu isagu madaxa laga amar qaato u noqdo.
Kuwo kale oo doonayey in mushaharka laga haysto la siiyo
iyo kuwo kale oo iyagu asaliyanba diidan weftigan,iyagoo si aad ah u dhaleecaynaya wasiirka Dibu-dejinta oo lagu magacaabo Cabdillaahi Darawal oo safarkan safarkiisii u xigay mudo laga joogo 3-sano ay iska horimaadyo dhiig badani ku daatay ka dhacay magaalada Laascaanood

Xubnahan oo mudo dhowr maalmood ah ku sugnaa inta u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan qaybaha bulshada kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin isimada deegaanku. Daahir Riyaale ayaa horey u balan qaday inuu wax ka qaban doono gobolkan,si uu barnaamijkiisu ugu hirgalo inta ka horeysa 15-disembar oo doorashooyin loogu yeedhay kuwa dawladaha hoose ay ka dhici doonaan deegaanadaasi.

Ma aha markii ugu horeysey ee uu gobolka ka dhaco khalal siyaasadeed oo dhimasho iyo dhaawacba geysta kaasoo salka ku haya baabuurta ka soo qulqulaya hargeysa ee iyaga hadafkoodu yahay "ama guul mabda'a Hargeysa ama geeri badan Sool".

Dhinaca kale nin ayaa ku dhintay kadib markii iskahorimaad u dhexeeya laba kooxood oo qaar diidanaayeen imaanshaha nimankaasi uu ka dhacay deegaanka Tuulada Adhicadeeye,inkastoo ay arintaasi khalkhal gelisay nabadgeelyada deegaankaasi oo hada la dhidbay,hadana odayada deegaankan ayaa isku hawlay inay dejiyaan xiisada,kuna guulaystey.

Isimada deegaanka Sool ayaa beeniyey hadalkii uu BBC-da ka sii daayey mid ka mid ah ismadii yimid Laascaanood,hadalkaas oo uu ku sheegay inay heshiiyo dhinacyo badan leh wada galeen,warqad qoraal oo 3-qodab ka kooban oo ay ku saxeexan yihiin 8-isim ayaa u qornayd sidatan:

Ku:Weftiga Somaliland

Ujeedo:Talo Bixin

Anagoo tixraacayna heshiiskii ay isugu yimaadeen isimada Dhulbahante iyo gudiga naadaynta Somaliland,shirkaasoo dhacay 17/11/2002,ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in looga mahadceliyo arimihii nabadaynta ahaa ee ka qabteen gobolkan Sool,waxayna ku talinayaa isimada Dhulbahante arimahan soo socda:

In la joojiyo doorashooyinka iyo shir beeladkaba,kuwaasoo keeni kara xasiloono daro
In Dhulbahante ay sameeyaan shir ay kaga tashadaan aayahooda
Isimadu waxay u mahadnaqayaan isimada,guurtadida iyo waxgaradka ah eegacanta ka siiyey hawlaha nabadaynta.

Magacyada isimada ku saxeexan bayaankan waxay kala yihiin:
1.Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac.
2.Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
3.Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed.
4.Suldaan Siciid Cismaan Cali.
5.Ugaas C/llaahi Ciise Nuur.
6.Boqor C/llaahi Axmed Cali.
7.Garaad C/salaan Xasan Maxamed.
8.Garaad Cali Buraale.

Qoraalkii ay saxiixeen isimada beesha Sool Asalkiisii

Laascaanood.com

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001