Wararka Mudugonline

Shirkii Eldoret oo wali la sugayo magacaabida ergooyinka


ELDORET, 25 Nov 2002 (MOL) - Wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed ayaa sheegaya in wali la sugayo soo gudbinta ergada uga qayb galaysa beelaha Somaliyeed qeybta labaad ee shirka. wararka ayaa sheegaya in illaa hadda si rasmi ah ergadoodi u soo gudbiyeen meesha Digil iyo Mirifle iyo qeyb ka mida Dirta Koonfureed iyagoo isku waafaqay kuna soo heshiiyay qeybsiga tirada ergada. beelaha kale ee Somaliyeed ayaan iyaga wali soo gudbin ergadooda. beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa la sheegay inay wali ku jiraan wada haddalo iyo wada tashi sidii la isugu jaangoyn lahaa tirada ergooyinka. Beesha Daarood ayaa iyadu u muuqata inay ku qanacsan yihiin in qabiil lagu qaybiyo ergooyinka ayna mar dhaw soo gudbin doonaan magacyada ergooyinka. Beesha Hawiye ayaa wali isku afgaran tirada qaysiga ergada. Beesha oo ay ku badan yihiin dagaal oogayaashii la baxay G8 ayaa la sheegay in tiro ahaan habkii koxaysiga ee hadda qabiilka lagu badalay ku waayeen tiro badan oo horey ay u heleen.

Dawlada KMG ah ee Carta ayaa iyana beelaha ka dhex wada tashuush iyo in wax ku qaybsiga qabiilku uusan ahayn habka lagu gaari karo nabad waarta. Dawlada Carta oo laftigeeda lagu soo dhisay Carta iyadoo lagu saleeyay qabiil ayaa ahayd mid fashilantay ka dib markii beelaha qaarkood dareemeen in awooda Dalwada u gashay gacanta hal beel oo taasna keentay in xubnaha Dawladu noqdaan kuwo aan matalin deegaanada ay ka yimaadeen marba haddii ay gacanta ugu jiraan hal beel. Halkaasna dawlada Carta ku curyaantay. Ergayga Midowga Yurub ayaa horey ergada shirka ugu sheegay in haddii aan asbuucaan la soo gaba gobayn gudbinta xubnaha ergada ee ka qaybgalaya qeybta labaad ee shirka in aan loo ahayn qarash dambe oo lagu sii wado shirka. taas oo qabqablayaasha qaarkood laga yaabo inay uga faa;iidaystaan sidii ay u burburin lahaayeen shirka gabi ahaantiisaba.

Mudugonline.com


Wafdigii Wasiirada Dadka Shalay Ku Laayay Laascaano oo xalay goor dambe qaarkood Dib ugu soonoqdeen Magaalada

Laascaanood: Warka ugu dambeeya ee maanta naga soo gaaraya xarunta gobolka Sool ee Laascaano ayaa sheegaya in ay xaalada magaaladu wali kacsan tahay, iyadoo ay socdaan kacdoonka dadweyne ee ka dhanka ah wafdi maamulka Hargaysa ah oo halkaas yimid.

Shalay iska horimaadkii dhacay ee ay ku dhinteen 3-da qof, 7 kalana ay ku dhaawacmatay ka dib ayaa wafdiga Hargaysa uu ka tagay magaalada balse warar la xaqiijiyay maanta ayaa sheegaya in wafdigaasi uu xalay si dhuumasho ah qayb ka mid ahi ay ugu soo noqotay magaalada, tani oo sii kicisay xiisadii ka taaganayd magaalada.

Qaybta soo noqotay oo ah kuwo u dhashay deegaanka ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Cadaalada ee maamulka Hargaysa ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Libaax oo loo yaqaan Casoowe, oo isagu horay u ahaa xoghayaha golaha Baarlamaanka Puntland markii dambana ku biiray maamulkii Jamac Cali Jamac isagoo markii Jamac iyo ragiisii laga saaray Puntland tagay Hargaysa oo uu mudo joogay dhawaana lagu badalay Cabdixakiim Garaad Jaamac oo jagadaas horay ugu magacownaa maamulka Hargaysa.

Qaybtii kale ee wafdigaas oo reer Hargaysa ah ayaa iyagu dib ugu noqday halkii ay ka yimaadeen.

Isimada iyo waxgaradka gobolka Sool ayaa kuwa dib xalay ugu soo noqday Laascaano ka dalbaday inay si deg deg ah uga baxaan magaalada si bay yiraahdeen loo baajiyo isku dhac iyo wax wax u dhimi kara nabad galyada gobolka, iyadoo loo sheegay inay mas'uul ka yihiin dhimashadii shalay ka dhacday Magaalada iyo xasilooni la'aanta hadda jirta.

AllPuntland


Weftigii Maamulka islu Magacaabay Somaliland oo lagu xabadeeyey Adhicadeeye


Wefti ka socda Golaha wasiirada Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo habeenimadii khamiistii la soo dhaafay socdaal hawleed oo kedis ah ugu kicitimay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, ayaa is hortaag ku yimid ka dib markii ay ciidan hubaysani rabshad kala horyimaadeen weftigaas Tuulada Adhi-Cadeeye oo 30km dhinaca waqooyi bari ka soo xigta Laas-caanood.

weftigaas oo ka koobnaa shan wasiir iyo wasiir ku xigeen, oo kala ahaa wasiirada dib u dejinta Md.Cabdilaahi Xuseen Iimaan Dirawal, Cadaalada Md.Axmed Aadan Libaax Casoowe, Xanaanada Xoolaha Md.Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Macdanta iyo Biyaha Md.Maxamuud Cabdi Faarax, Gashaandhiga Md.Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka Duulista iyo hawada Md.Daahir X.Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo wakiilada Somaliland.

waxa la sheegay in socdaalkooda ay ugu sii gogol xaadhayeen safar rasmi ah oo la filayo inuu Madxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin uu dhawaan ku tegi doono magaalada Laas-caanood kaas oo ka dambeeyay ka dib markii ay wefti balaadhan oo isugu jiray salaadiin, guurti, wakiilo, siyaasiyiin, iyo aqoonyahano oo toddobaadkii hore ka soo laabtay socdaal ay muddo ka badan laba bilood ku joogeen gobolka Sool arrimo la xidhiidha turxaan bixinta nabad gelyada beesha gobolka Sool iyo isu soo dhawaynta iyo soo jiidida beesha Sool iyo maamulka Somaliland.

Weftigan ayaa markii ay marayeen meel u dhaxaysa Tuulada Adhi-cadeeye iyo magaalada Laas-caanood waxa dagaal iyo rabshad kala hor yimid ciidan hubaysan,ciidankaas oo la sheegay in uu ka dambeeyey taliyahii hore ee ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, oo dhawaan loo bedeley in uu noqodo taliyaha ciidanka gobolka sanaag, taas oo la sheegay in uu diday,oo ka cararay, lana yiraahdo Xasan Geerash. Waxa ay waftigaas ku soo noqdeen tuulada oog oo ay hadda ku sugan yihiin iyadoo wararka qaar sheegayaan in gaadiid laga qaaday,inkasta oo taasi ay tahay arrin la hubo. waxaa weftigaas lagu riday tacshiirado rasaas ah oo muddo ku socday, iyada oo ujeedada ciidankaasi ahayd in aanu weftigu gelin magaalada Laas-caanood balse cid wax ku noqotay falkaasi ma jirto.

Wararka aanu ka helnay magaalada Laas-caanood waxa ay sheegeen in weftigu markii ay la kulmeen falalakaas is hortaaga ah inay u kala qayb sameen laba qaybood kuwaas oo qaar ka mid ahi ay dib ugu soo noqdeen magaalad Oog, halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaa xalay cawaysii sida aanu wararka ku helnay, kuwaas oo kala ah wasiirada dib u Dejinta, Gaashaandhiga, iyo Macdanta iyo Biyaha.

Xubnaha kale ee weftigaas oo ka kooban wasiirada Xanaanada Xoolaha, cadaalada, wasiir ku xigeenka Duulinta iyo Hawada iyo xubno Baarlamaan ah kuwaas oo iyagu ahaa xubnihii u dhashay gobolka Sool, waxa la sheegay in ay iyagu si dhuumasho ah ku galeen magaalada Laas-caanood oo ay hadda ku sugan yihiin , iyaga oo markii rabshadu la kulantay ka wareegay dhinaca Degmada Xudun. Mar aan maanta la xidhiidhnay magaalada Laascaanood,oo aan wax ka weydiiney qaar ka mid ah waxgaradka magaalada bal waxa ay ka og yihiin wararka sheegaya inay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen magaalada,waxay noo sheegeen inaan wax iska hor imaad ahi aanu ka dhicin magaalada,balse ay maqleen wefti ay soo dirsatay maamulka Somaliland oo lagu rasaaseeyey dhinaca tuulada Adhicadeeye,halkaasna aan cidi dhaawac ku soo gaadhin.

Laascaanood.com


SOMALIA: Pressure for progress at peace talks


ELDORET, 25 Nov 2002 (IRIN) - Organisers and sponsors of the peace conference for Somalia in Eldoret, Kenya, have stepped up pressure on participants to make concrete progress this week.

The talks, which started on 15 October, are deadlocked over the distribution of seats to the conference plenary session, and on setting up six technical committees.

The regional body, Intergovernmental Authority on Drought (IGAD), which is organising the conference, told a meeting of the Somali leaders' committee on Friday that they should immediately propose participants for the crucial committee stage of the talks. It said discussions on the selection of 400 overall participants would take place at the same time as meetings of the committees.

Six technical committees are to produce recommendations on core issues identified by the conference, including federalism, disarmament, and land rights. However, the committee phase has been held up by wrangling over the allocation of the plenary seats. On Tuesday, IGAD proposed a new formula based on clans, to try to break the deadlock.

Also on Friday, a high level European Union envoy told participants in the peace conference that they must make progress to ensure continuing donor support.

Jacobus Richelle, EU Director-General for Development, said he told the leaders' committee they must reach conclusions in the next week on setting up technical committees and on the controversial issue of overall numbers to the conference.

“Unfortunately they have been running around in circles for some weeks,” Richelle told journalists in Eldoret. “So we came here with a clear message: please proceed, it’s time for compromise and please do it in the next week.”

Richelle was attending the opening of a resource centre in Eldoret, to support civil society involvement in the peace conference. He told members of civil society that their involvement was crucial. “I hope that activities from NGOs will contribute to pushing the leaders forward,” he said. “Leaders are supposed to lead, but sometimes they need a push. “

IRIN.


SOMALIA: Tension rising in disputed northern regions


NAIROBI, 25 Nov 2002 (IRIN) - Tension is rising in Sool and Sanaag regions of the self-declared republic of Somaliland, to which both Somaliland and the self-declared autonomous region of Puntland have laid claim, a local journalist told IRIN on Monday.

Tension has been rising in the area since Somaliland elders came to the Sool regional capital, Las Anood, he said. The elders were in Las Anood to reconcile two feuding clans in the area.

The two regions fall geographically within the borders of pre-independence British Somaliland, but most of the main clans inhabiting them are associated with Puntland. These are the Warsangeli and the Dhulbahante, which, along with Majerteen - the main clan in Puntland - form the Harti clan of the Darood.

At extraordinary cabinet meeting on 23 November, called by Puntland leader Colonel Abdullahi Yusuf, it was decided to send a high level delegation to the two regions, Abdishakuur Mire Adan, the Puntland deputy information minister, told IRIN, on Monday. Yusuf, who was attending the Somali reconciliation conference currently underway in Eldoret, Kenya, left for Puntland on 21 November.

Abdishakuur said it was normal for a Puntland government delegation to visit the area "since both regions are part and parcel of Puntland. I don't see any reason why Puntland officials visiting Sool and Sanag should cause any tension with anybody. The people in these regions consider themselves as part of Puntland."

Other sources in Puntland, however, told IRIN that the authorities in Puntland were sending the delegation "in order to counter a perceived shift by some area elders to the Somaliland side". "There are fears that some prominent elders, particularly in Sool, are trying to shift the balance in favour of Somaliland," they said.

Abdishakur denied any mobilisation of troops by the Puntland authorities in the area. "There is no reason for any mobilisation on our part," he said.

Abdishakur also told IRIN that the Puntland cabinet, which is currently based in the Bosaso, the region's commercial capital, would relocate to Garowe, the administrative capital. The Puntland administration of Col Abdullahi Yusuf Ahmad has been operating from Bosaso ever since he captured the town from his rival, Jama Ali Jama, in May.

IRIN

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001