Wararka Mudugonline

Waftigii Cabdulahi Yusuf oo saaka gaaray Bosaaso

BOSAASO, 22 Nov 2002 (MOL) -Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdulahi Yusuf ayaa saaka subaxnimadii ka degay garoonka dayuuradaha ee Bosaaso. Waftiga oo shalay ka soo duulay magaalada Eldoret ee uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed ayaa waxay isla shalay soo gaareen Magaalada Galkacyo oo illaa shalay ay ku nasteen. wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in waftiga madaxweynaha si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Bosaaso iyadoo ay garoonka iyo wadooyinkaba ay isugu soo baxeen dad aad u fara badan. ku simaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Maxamed Ceegaag iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u soo galbiyay waftiga madaxweynaha dhinaca qasriga madaxtooyada Bosaaso.

wali lama shaacin sababta dhabta ah ee booqashada Madaxweynaha iyadoo uu hadda dhexda uga jiray shirkii dib u heshiisiinta oo maraya meel aad xasaasi u ah ka dib markii shirka ay afduubteen dagaal oogayaasha magaalada Muqdishu oo raba inay gabi ahaanba fashiliyaan shirka ilaa 3 asbuucna shirku u xayiraa daraadood. waxaa la saadaallinayaa in waftiga madaxweynhu dib ugu noqdo magaalada ELdoret halkaas oo haatan hawsha Puntland uu sii wado Madaxweyne ku xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi. warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynuhu la xiriirto xalinta dhibaato ay keentay lacag been abuur ah oo poliska Puntland ku qabteen magaalada Bosaaso. arintaasna loo xiray masuuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland taasna keentay isqabqabsi maamulka dhexdiisa. waxaa la filayaa in lacagtaas oo qatar ku ah dhaqaalaha wadanka dab la qabadsiin doono inta aysan dhaawac sicir barar u geysan nolol maalmeedka bulshada danyarta ah.

Mudugonline.com


Shirkii Eldoret oo wali jaahwareer ku jira.

ELDORET, 22 Nov 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socda magaalada Eldoret ayaa sheegaya in wali shirku uusan samayn wax horumar ah tan iyo maalintii daraad ee gudiga qabanqaabada IGAD ay wax ka badaleen habkii qaysiga ergada ka qayb galaysay shirka ka dib markii ay u badaleen qaabkii shirkii Carta oo kale oo lagu saleeyay hab qabiil. gudiga qabanqaabada ayaa waxay raali galinayeen qabqablayaasha dagaalka qaarkood oo diiday ergadii loo qoondeeyay. qabqable dagaal Qanyare iyo Caato ayaa waxay shirku ku fureen carqalad iyo xujooyin aan dhamaanayn oo iyagu uga dan lahaayeen inay is hortaagaan shirka. labada qabqable ayaa ku andacooday in lagu yareeyay ergada ayna rabaan in hab qabiil in wax lagu qaybsado.

kooxdii ay sameeyeen Qanyare iyo Caato oo loogu magacdaray G8 oo aan awood siyaasdeed ku lahayn Somaliya ayaa hadda la sheegay inay kala furfurmeen. Mawliid macaane, Abdirizaq Bixi iyo Barre Hiiraale ayaa la sheegay inay iyagu hadda ku qanceen sida IGAD wax u qaybisay. Qanyare iyo Caato oo arintaas filan waa ku noqotay ayaa hadda qaban qaabinaya urur kale oo ay rabaan inay ku soo jiitaan hogaamiyaasha Muqdishu qaarkood iyagoo ka dhaadhicinaya inay soo dhicinayaan xaqa beesha Hawiye. hadday ku guulaystaan koox kale oo ay uga gudbaan caqabada asbuucaas ayaa haddana la saadaalin karin waxa ay gudiga qabanqaabadu ka yeeli doonaan is rogroga iyo laba wajiyeynta dagaal oogayaasha.

Beelaha ayaa iyaguna illaa hadda ku mashquulsan qaysiga ergada. arintaas oo marnaba aan sahlanayn oo qabiil waliba isku dayayo sad bursi taas oo shirka gadaal u sii dhigi doonta ahna sababta markii horeba loo diidanaa in ergada lagu saleeyo hab qabiil oo Somaliya dhigay meesha aay hadda taal.

Mudugonline.com


ALLAHA U NAXARIISTEE DR.RAAJIS OO ELDORET KU GEERIYOODEY

Xalay oo jimce ahayd in yar uun ka hor waa soo dhowaadkii saacadda afrikada bari markii ay ahayd 4:00 waxaa isbitaalka loo yaqaan Moi Hospital ku geeriyopodey Dr. maxamed Raajis Maxamed oo ka mid ahaa ergooyinka shirka dibu heshiisiinta soomaalida ka qayb gelayey, isagoo u geeriyoodey cudurka neefta oo laba beri ka hor si xun ugu qabtay magaalada Eldoret, marxuumkaas oo ka mid ahaa dadyoowga soomaalida ugu caansan isla markaana ay wufuudda soomaaliyeed ee Eldoret ku shirsani geeridiisa murugo iyo tiiraanyo weyn ka muujiyeen, In kastoo aanan helin ilo si quman igaga warama soo yaalkiisa bal aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo taariikh nololeedkiisa, waana sidan:

Allaha u naxariistee Dr. raajis wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii1928kii, wuxuuna wax barashadiisa bilowga ah ku soo qaatay isla magaalada Muqdisho, wuxuu dhalinyaranimadiisii ka mid ahaa dhalintii dooratay inay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya, wuxuuna wax barasho ciidan ku soo qaatay wadanka Talyaaniga isagoo gaaray derejada gaashaanle isla markaana ahaan jirey taliyaha ciidamada gaashaaman, wuxuu kaloo isla wakhtigaa ahaa guddoomiyaha maxkabadda ciidamada, wuxuuna ugu dambayntii shaqada ciidamada ka ruqsaystay 1963kii, markaas oo uu ka mid noqday xisbiyadii siyaasadeed ee wadanka soomaaliya ka jirey isagoo gudoomiye ka noqday xisbigii SANU (Somali national union), isagoo tartamo doorasho oo la qabtay ku guulaystey mid ka mid ah kuraastii baaarlamaanka ee Muqdisho, markii uu kacaanku dhashay 1969kii Dr. raajis wuxuu ka mid noqday siyaasiyiintii xabsiga la dhigey, wuxuuna xiraa lix sanadood, markii xabsiga laga sii daayey wuxuu noqday garyaqaan isagoo xubin ka ahaa ururka looyarada Afrika.

Xiligan bur burka iyo barakacu wadankeena aafeeyeen waxay dadkiisu u doorteen inuu ururka SANU guddoomiye ka noqdo, wuxuuna isagoo ururkaa metelaya ka wada qayb galay dhamaan shirarkii loo qabtay in siyaasadda qasan ee soomaaliya lagu soo af jaro, isagoo shirkan Eldoret ka qayb gelayana uu geeriyoodey 22/11/2002.

Allaha naxariistii Janno ha siiyee Dr. Raajis oo ahaa nin waayeel ah oo mu’min ah waxaan Allaha awoodda leh uga baryaynaa inuu Jannadiisa Fardoowsa ka waraabiyo, Dembi dhaaf iyo xasanaad uu ku waarana guddoonsiiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

braahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

Illaahay ha u naxariisto Marxuumka eheladiisana Samir iyo Iimaan (Bahda Mudugonline.com)

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001