Wararka Mudugonline

Faalo:Qanyare, Caato iyo Kooxda Carta Maxay rabaan?

ELDORET, 21 Nov 2002 (MOL) -Ka dib Markii guddigii qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Somalida ay badaleen qaabkii ergooyinka ka qaybgalayay shirka oo loo badalay hab qabiil taas oo ay awal ka codsanayeen gudiga qabanqaabada Shirka kooxda Carta iyo kooxda Qanyare iyo Caato ee la baxday G8 ayaa haddana waxaa soo baxay ganuunac iyo cabasho kale oo ka soo baxaysa kooxahaas. wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya ka dib markii kooxda Carta iyo kooxda Qanyare ay dib u xisaabtameen ay arkeen inaan waxba u siyaadin tiraddi ergooyinka markii qabiilka lagu saleeyay. taas oo la yaab ku noqotay dad badan oo haatan arkay caqliga daboolan ee kooxahaan oo shirka aan la imaan wax ajende ah lana garanayn meel ay u socdaan habba yaraateena aan wax fikrada ah ka haysan natiijada ka imaan karta codsiyadooda tirada badan.meeshana u yimid uun inay wax diidaan.

Kooxahaan oo ay gees martay xisaabtan iyo faham wax wada qaybsi ayaa waxa ay hadda marka kale sheegeen inaysan ku qanacsanayn sida wax loo qaybshay. waxaa taas ka sii daran wali way garan la'ayihiin inay soo sheegaan waxa ay tabanayaan iyo sida ay wax u rabaan. Guddiga qaban qaabada ayaa iyagoon cidna kala tashan waxay ergada ku qaybiyeen hab qabiil iyagoo tirada ergada gaarsiiyay illaa 400 oo xubnood. habkaan xusub oo daba joogo qaaciido ay lahayd kooxda Carta oo oranaysa (4.5 rule) taas oo ah in ergada lagu qaybsho 4 qabiil oo waaweyn (Hawiye, Darood, Digil iyo Mirifle iyo Dir) iyo 0.5 oo ah dadka laga tirada badan yahay. aragtidaas ayaa lagu qoondeeyay shirkii Carta. Wali lama oga sababta Kooxda Carta oo ahayd farsama yaqaanka aragtidaas ay hadda ku diiday markii habkoodii la raacay iyadoo waliba kooxda Carta u oleolaynaysay in ergada lagu qaybsho hab qabiil..

Ergada Muqdishu ayaa la sheegay in qaarkood ku ruwaayadaysanayaan aqoonta siyaasadeed ee Qanyare iyo Caato. sheeko ayaa dhex martay ayaa la leeyahay Caato iyo Qanyare Maalintii doraad Markii guddiga qabanqaabada shirku ku dhawaaqay go'aankooda cusub ee qaybsiga ergada ee habka qabiilka. Qanyare ayaa inta Caato qandhuuftay waxuu ku yiri; "Ar waa sidaan rabnay". Caato oo caro wajigiisa ka muuqato ayaa ku jawaabay; "xaniinyaha alle ku qabay maantana bohol kale ayuu naga tuuray, fiiri ergadii aan haystay waa meel eber ahe". Qanyare ayaa la soo booday; "war aan codsanno in gobol gobol wax lagu qaybsho". Caato oo wili ciilkii hayo ayaa yiri; "war afkaaga naga hayso arinta aan ka soo fakaree...." sheekada ayaa sii socota oo waxaa la leeyahay labada nin qol ayay intay isku soo xireen ayay waxay u yeerteen gacan yarahooda si bal ay dib ugu xisaabayaan ergada ku soo aaday...

Sidee xal lagu gaari haddii arintii shirka Eldoret halkaas marayso?. waxaa hadda cad labo arimood. mid waa inaysan kooxahan aan soo sheegnayn aysan ku qanacsanayn shir Dawlad lagu dhisayo marba haddii ay luminayaan hantidii ay ku qabsadeen bililaqada dagaalka sokeeye. mida kalena waa kooxahaan oo aanba aqoonba u lahayn hawlahaan faraha ay kula jiraan marba haddaysan ahayn dad aqoon leh. kooxda ay haystaana ku qabsadeen qabiil iyo wax la mida. iyagoo garan karin karin inay wax aqabalaan markay buro sitaan.

Kooxaha nabada jecel ayaa iyagu hadda quus taagan. waxaaba laga sharqaminayaa in haddii shirkaan burburo ay Dawlad goboleedka Puntland gooni isku taagi doonta siddii Somaliland inta Koonfurta Somaliya ay ka soo baxayaan hogaamiyayaal daacad ka ah in qaranimadii Somaliya la soo celiyo. Inta koonfurta Somaliya ay horboodayaan shaqsiyaad ku soo caan baxay dhibaatada ay geysteen, hantida ay bililaqaysteen iyo Daraagooyinka ay beeraan marnaba lagama sugayo wadaninmo iyo badbaadin wadankooda hooyo. intay shirka awood siyaasadeed ku leeyihiin waxay markasta sii wadi doonaan majaxaabin iyo lugooyada ay ku soo caanbaxeen.

Mudugonline.com


Wararkii ugu Dambeeyay ee Eldoret

Eldoret: Go'aankii shalay ay gudiga farsamada IGAD kusoo bandhigeen tirada ergada shirka Somalida ee Eldoret oo ay garsiiyeen 400 oo xubnood oo laguna qaybsanayo hab beeleed ah 4 beelaha waaweyn oo middiiba heshay 84 xubnood iyo bar beelaha yar yar oo 42 xubnood la siiyay ayaa jawaabo kalada duwan ay ka bixiyeen dhinacyada Somalidu.

Beelaha Hawiye ayaa muujiyay sidda ayan ugu qanacsanayn hab beeleed wax ku qaybsiga oo ay ku waayeen ugu yaraan 50 ergay oo ay ku heleen habqaybsigii hore ee kooxaha, eedayn badan ayay u jeedinayaan Cusmaan Caato iyo Qanyare oo ay sheegayaan inay sabab u ahaayeen isbadalka dhacay, ka dib markii ay dooneen tiro ka badan middii ay haysteen, shalay markii go'aanka cusub soo baxay waxaa si xoog badan looga dareemay sidday uga xumaadeen Cusmaan Caato iyo Qanyare oo la arkayay iyagoo ka kici waayay saacad ku dhawaad kuraastii ay ku fadhiyeen ee qolka shirka hotel Sirigwa ee kooxaha loogu sheegay inay hab beeleed wax ku qaybsadaan, iyagoo ka xumaday go'aanka cusub ee IGAD, Cusmaan Caato ayaa laga hayaa inuu yiri " Waxaa haboonaan laheyd in qeybinta la isla fahmo, balse aanan gidigeed la wada bedelin, oo hab qabiil lagu saleyn" Cusmaan Caato ayaa u muuqday mid iska iloobay baaqyadiisii hore oo isaga iyo Kooxdiisu ku doodayeen in ergada hab beeleed lagu qaybsado markii ay dacwada ugu jireen in ergada loo kordhiyo oo ay soo jeediyeen laba qodon oo kala ahaa:

In Ergada loo kordhiyo kooxdooda la baxday G8 ama

In Qabiil ergada lagu qaybsado hab beeleedkii siddii Carta oo kale 4 iyo bar

Gudiga Farsamada IGAD oo u muuqda inay raaceen qodobka labaad ee ay soo jeediyeen kooxda 8-da oo ay taageerayso DKMG ah ayaa go'aankoodii shalay waxaa ugu horeeyay ee hadal diidmo ah ka keenay waxay noqdeen G8 iyo DKMG oo iyaga markii hore shirku uga furmi waayay diidmadoodii habkii hore ee ergooyinka IGAD u qaybisay oo ku salaysnaa kooxo..

Ergada DKMG ah ayaa iyaguna u arka in go'aankaani dharbaaxo ku yahay, meeshana ay ka baxday sheegashadoodii dawladnimo, qoraal ay soo saareen ayay ku dalbadeen in magacooda DKMG ah lagu muujiyo shaxda qaybsiga ergooyinka iyagana wax gaara loo siiyo, kooxaha kalana ay hab beeleedkaas shaxda ku cad wax ku qaybsadaan , sidda muuqata dalabkoodaan maaha mid la aqbalayo, iyadoo lagu sabaynayo haddii uu markana gudiga IGAD isbadal kale keeno inay meeshuba noqonayso meel hadba kooxi dhinac loogu jeediyo.

Dhamaan beelaha kale ee Somalida ayaa iyagu aqbalay sidda uu noqday go'aanka ugu dambeeya ee IGAD ee hab beeleed ku qaybsiga ergooyinka, qaar ka mid ah ayaa laga hayaa inay sheegeen in xaqii soo baxay oo kuwii ku doodayay inuu xaq ka maqan yahay iyagoo tirada ugu badan haysta ay hadda cadaaladu la sintay Somalida kale.

Marka beeluhu qaybsanayaan ergooyinka la siiyay beel walba ayaa la filayaa inuu ka dhex jiri doono buuq badan beel walba gudaheeda, buuqa ugu badan ayaa laga filayaa inuu ka dhex oogmo beelaha Hawiyaha oo iyagu ku kala socda kooxo badan oo markii hore midba goonideeda wax ula qaybsanaysay isbahaysiga siyaasadeed ee ay ka tirsan tahay, taasi oo ay ku heleen tiro ka badan tirada hadda dhextaal ee ah 84, tusaale hal jifo oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa wax ku heshay hab qaybsigii hore tiro ka badan 40 ergay ka dib markii ay jifadaas oo wax la qaybsatay oo mid walba ay tiro ka heshay SRRC, DKMG, Nakuuro iyo Bulshada Rayidka ah, waxaana marakan adag in jifadaasi qaybsiga beesha Hawiye ka dhex helaan helaan 10 ergay.

Beelaha kale ee Darood, Digil iyo Mirif , Dir iyo kuwa laga badan yahay ayaa laf tigooda la filayaa inay ku murmaan qaybsiga ergooyinka dhexdooda.

Isku soo duuboo waxa caawa Eldoret dadku sugayaa beelaha oo madaxa iskula jira shirar ay uga arinsanayaan tirada ergooyinka dhex yaal oo laga sugayo inay dhokhso u soo magacowdaan dadkii uga qaybgali lahaa.

Siddoo kale waxaa dadku la yaaban yahay waa labada kooxood ee DKMG ah oo iyadu mar horeba sheegtay inayna ogolayn habka beelaha wax ku qaybsiga iyo G8 oo aan iyagu wali si rasmi ah ugu dhawaaqin mawqifkooda balse diidmo xoog badan muujiyay, layaabka dadka ayaa ah labadaan kooxood oo kali ku ah markan ka hor imaadka go'aankii shalay inay yihiin kuwii iyagu dadaalka badan u galay in hab beeleed ergooyinka lagu qaybiyo.

Waxaa soo diyaariyay
Wariye Saalax Xuseen Warsame (Warsame Yare)
AllPuntland Eldoret


Baaq ay soo saareen Beesha Amaanle, Majerteen Ee 5 Qaraddood kala jooga.

Kadib markii shir ay qabanqaabadiisu in mudda ah ka socotay wadamada EU USA iyo Canada ay ku yeesheen aqoon yahanada Culumaudiinka iyo wax garadka Beesha Amaanle,Majerteen shirkaas waxaa kaloo qeybo badan kala socdeen ""Telconference Call" iyagoo kala joogo wadamooyin kala duduwa in kastoo lagu qabtey magaalada Toronto Dalka Kanada intii u dhexaysay November 10-ilaa iyo November 17.2002

Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen ergooyin ka kala socday wadamada kor ku qoran, waxaa looga hadlay arimaha Soomaliya gaar ahaan qeebta kaga aadan Beesha Amaanle.

Sida lawada ogsoon yahay waxaa dalka Soomaliya ka dhacay dagaalo sokeeye oo socnaayay in kabadan toban sanadood, ku waas oo ay ku dhinteen dad lagu qayaasay Nus miljuun ayna ku bara keceen Malaayiin kale, isla markaasna ay ku baaba'een dhaqaalahii wadanka kaaba yaashii dhaqan dhaqaale, iyo adeeg yadii kala duwanaa ee bulshada. Dhibaatooyinkaas dagaaladu keenen beesha Amaanle waxay laqeyb satay dhamaan umada Soomaliyeed, kamana qeyb gelin shirarkii lagu qabtay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba mana aqoonsana dhamaan waxii kasoo baxay, markii laga reebo maamulada hadda ka jiro sida Puntlandi yo Soomaliland iyo kan koofur galbeed oo magaala madaxdiisu tahay gobolka Bay, sidaasi darteed waxaa beesha Amaanle go'aan satay in ay baaqaan nabadeed usoo jeediso beelaha Soomaliyeed.

1.Aqoonyahanada Culumaudiinka wax garadka iyo Odaydhaqameedyada beesha Amaanle waa in ay ka qeyb qaataan shirarka dib u hishiisiinta Soomaliyeed, Isla markaana geed gaaban iyo geed dheerba loo fulaa sidii Gobolka J/hoose dib loogu soo celin lahaa.

2. Beesha Amaanle ma'aqoonsana mamulkii Carte lagu soo dhisay, oo Soomaliya u horseeday fashilaad iyo bur-bur hor leh, sida la'ogyahayna kama qeyb gelin aas aaskiisii mana taageerayno shirkasta oo keeni kara kala fogaasho iyo kala tag hor leh.

3. ´Waa in hogaamiya siyaasadeedka Soomaliya oo dhan ee ku sugan Eldoter ay sameyaan isku tanasulaad si xaaladaha hada ka jira dalka Soomaliya wax looga qabto Isla markaana la joojiyo midi-mid ku taaga ka socda Shirka Eldoret,Kiinya

4. Waa in wax garadka culumaudiinka iyo qeybaha bulshada ee kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ka qeyb qaataan arimaha murugsan ee Soomaliya.

5. Waxaan taageersanahay in qilaafka siyaasadeed ee Soomaliya lagu xaliyo qaab wada hadal oo ay madax u yihiin hogaamiya Koxeedyadda iyo hogaan-dhaqameedka umada metela.

6.Waxaa kale oo aan soo dhaweynaynaa dadaalka UNta Ururka Medowga Africa Jamacada Carabta iyo Urur goboleedka Igad ay ugu jiraan sidii Soomaliya loogu sameyn lahaa dowlad Fedraali ah loona joojin lahaa dhimashada macna beeshay oo hatan ka socoto dalka Soomaliya.

7.Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa hayadaha sama falka oo ku howlan sidii dadka Soomaliyeed oo colaaduhu bara kiciyeen loo bad baadin lahaa.

8.Waxaan aad iyo aad uga xunnahay dilka afduubka iyo dhaca loo geysto hayadaha sama falka iyo aqoon'yahanada Soomaliyeed.

9.Waxaan ku boorinaynaa umada soomaliyeed in la'ilaaliyo midnimada iyo wada jirka waxii qilaafana lagu dhameeyo wada hadal.

10. Ugu danbeyntii Beesha Amaanle waxay canbaarayneysaa cid kasta, ama koox kasta oo kasoo hor jeeda dib u hishiisiinta Soomaliya waxayna soo
dhawéyneysaa inta jecel nabada umada Soomaliyeed

Saxiixayaasha Magacyadoodu waa Sidan:

BEESHA AMAANLE

SULDAANKA BEESHA AMAANLE SULDAAN SOOTE

Nabadoon: Maxamud Maxamed Aadan --Puntland

======'Colow Cumar Suggulle-J/hoose

=====Maxamuud Sheekh Daahir--J/Hoose

=====Maxamed Ducaale--Puntland

=====Jaamac Nuux Cilmi--J/Hoose

====Maxamuud Kadoone -J/Hoose

====Cabdi Ibraahim Garyare--J/Hoose

====Jaamac Xareed Bulbul--Puntland

''''''''''''''Jaamac AW Ciise --Puntland

''''''''''''''C/lahi Maxamed Aadan --Sweden

''''''''''''''Cali Kulmiye XAsan --Canada

''''''''''''''Axmed Maxamud CAli --Norway

iyo 138 Aqoonyahano Eng. Profs. Dr/Drs iyo
Xirfadlayaal kala duduwan .

(Gudoomiyaha Jaaliyadaha dibada ee Beesha Amaanle )


DR. C/XAKIIN COLOW CUMAR SUGGULLE---TORONTO

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001