Wararka Mudugonline

Eldoret oo Jidkii Carta ku Socota
(IGAD oo Saartay tiro kordhin cusub, sheegtayna in 4.05 Beel lagu Qaybsado Tirada Ergooyinka)

Eldoret: Galabta ayaa mar kale gudiga Farsamada IGAD waxuu soo saaray qoraal kale oo uu wax kaga badalay qaabka ka qaybgalka iyo tirada ergooyinka shirka Somalida ee Eldoret.

Shaxda IGAD marakan horkeentay Somalida ayaa dhinacyo badan uga eg habqaybsigii Carta, IGAD tirada ergada oo markii hore ahayd 362 xubnood waxay hadda ka dhigtay 400 oo xubnood, iyadoo siddii Carta u tiri haloo qaybsado 4 beelood oo waaweyn iyo bar oo loola jeedo beelaha laga badan yahay, 4-ta beelood ee Daarood, Hawiye, Digil iyo Mirif iyo Dir ayaa qaadanaya saami isle'eg oo ah min 84 xubnood, halka beelaha laga badan yahayna ay qaybsanayaan 42 xubnood, gudiga farsamada IGAD ayaa sheegay inuu isagu la haray 22 xubnood oo sidda uu sheegay uu siin doono ciddii ay rabaan.

Lixda gudi ee farsamada wajiga labad ee shirka ayaa iyagana laga dhigay 138 halkii ay markii hore ka ahayd 93 xubnood, iyadoo gudi walba 4ta beelood ee waaweyn beel walba ku yeelanayso 5 xubnood halka beelaha laga badan yahayna qaadanayaan 3 xubnood gudi kasta, iyadoo gudi walbaabi ka koobnaan doono 23 xubnood.

Waxaa la saadaalinayaa in qoraalka galabta ka soo baxay IGAD uu muran hor leh ka bilaabo shirka Eldoret oo horay ay u lug jiidayeen muranka ergooyinka shirka ka qaybgalaya sidda loo qaybsaday.

Marka la eego qaabka IGAD tirada ugu talo gashay in loo qaybsado iyo qaybta ay la hartay ayaa siyaabo badan ugu ekeysiinaysa in Eldoret aay ku joogto jidkii Carta, Tuulada Carta ee dalka Jabuuti ayaa shirkii Somalida loogu qabtay ee kan ka horeeyay waxaa wax lagu qaybsaday hab beeleedkaan 4ta iyo barka ah iyadoo 20 kursi oo dheeri ah uu Madaxweynaha Jabuuti ku darsaday Baarlamaankii Carta oo uu ciddii uu doono siiyay.

Waxaa adkaan doonta sidda ay kooxaha Somalida ku aqbali donaan habkaan IGAD waliba kooxaha xagga siyaasada iyo maamul goboleedyadu sidda Puntland.

AllPuntland


Faaqidaada Wararka RadoGalkayo toddobaadkan.

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo ee toddobaadkan:

=>Yusuf Cisman Samatar(Bardacad) oo Baaq nabadeed u jeediyay dadweynaha magaalada Galkacyo.
=>Sida ay u shaqayso qeybta TP-da ee Sibitaalka Guud ee magaalada Galkacyo
=> dugsiga Farsamada Gobolka Mudug oo lagu wareejiyay Hay'ada Gotenborg Initiative.

Iyo barnaamijyo kale ka dhagaysso RadioGalkayo(GUJI-RIIX)
http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html


Wararkii ugu dambeeyay ee Eldoret

Eldoret: Caawa abbaarihii 10:00 fiidnimo wakhtiga Eldoret, ka-dib kulan uu Mwangeli la yeeshay dagaal ogaayaasha Muqdishoo oo ay ugu horeeyaanQanyare iyo Cismaan Caato, looguna sheegay si toos ah iyo si dadban-ba in Shirka nabadeynta Eldoret uu socon doono, hadday joogaan iyo haddaytagi-lahaayeenba, uuna ka codsaday ergaygii IGAD inay xulufadoodu soo gudbiyaan ka qayb-galayaasha guddiyada wajiga labaad, wuxuu Mr. Mwangali soo maray madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed, wuxuuna ka codsaday in Puntland iyo SRRC ay ogolaadaan tiro dheeri ah oo dhan 24 oo lagu daro 362-dii hore.

Dood dheer ka dib, Madaxweynuhu wuxuu codsaday inuusan asaga kalii awood u lahayn arrintaas oo ula tashan doono Madaxweyne ku-xigeenka, Ergada Puntland iyo la taliyayaashisa..

Hadaba shir ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, la-taliyayaasha iyo khubaro reer Puntland ah waxaa go'aan lagu gaaray inaan Puntland marnaba oggolaan in la siyaadiyo tirada ergada, lana dhaafsiin karin siday IGAD qorshasey ee ahayd 362 ergay

Waxaa iyaguna kulan deg deg isugu yimid golaha SRRC oo dood dheer ka dib, go'aan ku gaaray in carqalladda shirka aan laga bixi doonin inta labadaas nin la dhageysanayo si walba oo loo ixtiraamo ama wax loogu siyaadiyo waa sidda SRRC ay warka u dhigeene, iyagoo sii raaciyay in maanta talada Muqdishu iyo tan Soomaaliyaba meel ayan ka soogalin labadaasi nin oo ay ula jeedaan Qanyare iyo Caato - ayna sii wadi doonaan carqaladaynta shirka. Golaha SRRC wuxuu go'ansaday in aan laga weecan go'aankii IGAD ay go'aamisay ee 362 ergay, waxayna ugu baqeen gudiga IGAD in barrina la gudo galo wajigii labaad ee shirka

Soo jeedinta ergayga Kenya ee badalaysa go'aankii hore ee IGAD ayaa u muuqata mid carqalad hor leh ka abuurayasa shirka, iyadoo talo soo jeedintiisan ayan kula jirin xubnaha kale ee IGAD oo ay tahay mid isaga ku gaar ah, wuxuuna Mwangale u muuqdaa nin hadda raacaya talada ay usoo jeediyaan kooxdii ku lug dambaysaa, isbadbadalka ku imaanaya go'aanada IGAD ayaa sii carqaladynaysa habsami u sucodka shirka Somalida.

Warar ku dhaw dhaw gudiga IGAD ayaa sheegaya in maalinta barito ah laga yaabo in kulan guud ay isugu yimadaan gudiga Farsamada IGAD iyo hogaamiyayaasha kooxaha Somalida.

AllPuntland


Open Letter / Baaq
Translated in Somali by:
Waxaa af-Soomaali u tarjumay
Abdulfatah M. Abdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com

AI Index: AFR 52/002/2002 (Public)
News Service No: 206
7 November 2002

Baaq ay Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadaanaha ee Amnesty International u soo dirtay ka qayb-galeyaasha shirka nabadda ee Eldoret.

Soomaaliya: Ma jiri doonto Nabad Waarta ilaa iyo inta laga Qadarinayo Xuquuqda Aadanaha

Eldoret, Kenya

Innaga oo maanka ku hayna Istarliin Caruush oo ahayd gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa xuquuqda aadanaha oo si murugo leh loogu dilay magaalada Nairobi oo sida la sheegayna ay dilkeeda ka dambeeyeen burcad hubeysan iyada oo u diyaar ahayd in ay ka qayb-gasho shirka nabadda; iyo (sidoo kale) innaga oo maanka ku hayna boqollaal kun oo ah shacab aan hubeysnayn oo isugu jira – caruur, haween, iyo rag aan waxbo galabsan oo ay dileen dabley hubeysan 11-kii sano oo ay socdeen dagaallada sokeeye laga billaabo markii dowladdii Soomaaliyeed ay burburtay sanadkii 1991, ama muddadii ka horeysay oo ah 21-kii sano ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Mar haddii shirweynaha nabadda ee qarannimada Soomaaliyeed uu galay wajigiisii 2aad, kadib markii 19 ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha hubeysan iyo dowladda ku meel gaarka ah (TNG) ay wada saxiixeen xabbad-joojin taariikhdu markay ahayd 27-kii Oktoobar 2002, Amnesty International waxay ugu baaqaysaa dhowrka boqol ee ka qayb-qaadanaya shirka haatan ka socda magaalada Eldoret in ay xaqiijiyaan in xuquuqda aadanuhu ay safka hore ku jirto, iyo in si buuxda loo ilaaliyo sida loo dhowrayo natiijada shirka. Arrintani waa in ay ahaato ujeeddada ugu muhiimsan ee shirka nabadda oo ah kii 14-aad. Haddii aan mudnaanta koobaad la siinin ama aan la beegsan sugidda xuquuqda, iyo in sinaan iyo cadaalad lagu maamulo dhammaan dadka Soomaaliyeed, natiijada kasoo baxda shirka ma noqon doonto mid keenta nabad waarta.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu garanayaa faa’iidada ay leedahay dhowridda xuquuqda aadanaha ee aasaasiga u ah nolosha, sida sharafta qof kasta uu leeyahay iyo in uu ammaan helo, maadaama uu qof walba la kulmay xadgudub lagu sameeyay isaga ama xubin ka tirsan qoyskiisa tobankii sano ee ugu dambeysay ama in ka badan. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka barakacay guryohoodii waxayna qaxooti ahaan ugu nool yihiin waddamo badan oo ka tirsan caalamka, kuwo kalena waxay qaxooti ku yihiin dalkoodii hooyo (internally displaced) iyaga oo aan haysan waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Soomaalida – marka laga reebo inta ka faa’iideysaneysa colaadda -- waa ay ka daaleen dagaal iyo colaad waxayna uga caddahay oo ay si aad ah u doonayaan nabad.

Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan sida Soomalidu u fahamsan tahay waxaa weeye xuquuqda uu qofku u leeyahay in uu noolaado iyo in uu ammaan helo. Nin ama haweeney kasta, ha noqdeen reer magaal, oday-dhaqameed, indheer-garad, reer miyi, beeralleey, xirfadle (farsamo yaqaan) ama shaqaale, waa in uu aadi karo si nabad ahna uga soo noqon karo shaqadiisa isaga ama iyada oo aan ka baqaynin in la dilo ama in la afduubto. In si aan sabab ku salaysnayn aan meel loogu hanin, ama aan loo silic-dilyeyn (jirdil), ama aan si xun loola dhaqmin, In uu si xor ah u cabbiri karo ama u sheegi karo fikraddiisa iyo waxa uu aaminsan yahay (waxaana ku jira saxaafadda xorta ah), iyo in ay ku noolaadaan sharci loo siman yahay iyo dimuqraadiyad, kuwaas oo dhan waxay shardi asaasi ah u yihiin nabad waarta oo la gaaro.

Xuquuqyada kor ku xusan si isdaba joog ah ayaa loogu xadgudbay iyada oo aan sharciga la horkeenin ciddii ku kacday. Waxaa dalka ku baahay xadgudubyo iyo takoor ku salaysan - hayb qabiil, dheddignimo (haweenka), dadka laga tirada badan yahay iyo dadka taagta yar oo si sahlan loo weerari karo ama loo waxyeellayn karo. Gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa ka jira dilal maalin kasta dhaca, kufsi, iyo afduubyo lagu doonayo madaxfurasho – xitaa caruurta ayaa falalkaas lagula kacay – waxaana geysta ama ka dambeeya kooxo dabley ah ama kuwo iyaga ku xiran. Soomaali badan iyo shaqaalo ka tirsan hay’adaha gargaarka ayaa la dilay lana afduubtay ama la qafaashay, sidoo kale waxaa la boobay qalab iyo saad ay leeyihiin hay’adaha gargaarka.

Amnesty International waxay kala xisaabtamaysaa hogaamiye kooxeed kasta dhowridda xuquuqda ay leeyihiin dadka ku nool aagga uu ka taliyo. Waxaa intaas dheer in ay mas’uul ka yihiin oo ay waajib ku tahay hogaamiye kooxeedyadu in ay badbaadiyaan dadka u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo iyagu iminka khatar ku sugan, isla markaasna u baahan taageerada dhammaan qaybaha bulshada rayidka ah.

Baaq ku socda Shirka

Amnesty International waxay ugu baaqaysaa dhammaan ka qayb-galayaasha shirka – kooxaha hubeysan, dowladda ku meel gaarka ah (TNG) iyo xubnaha ka socda bulshada rayidka ah – in ay si firfircoon u sugaan xuquuqda aasaaska u ah qaynuunka caalamiga ah iyo qadarinta dhaqameed ee Soomaalidu siiso xuquuqda dadka. Ilaalinta xuquuqda aadanaha waa in ay dhammaan guddiyada shirku ahmiyadda koobaad siiyaan marka laga hadlayo arrimaha dastuuriga ah, hub ka dhigista kooxaha hubeysan, xuquuqda dhulka iyo hantida, dib-u-dhisidda dhaqaalaha, xal u helidda dagaallada iyo dib-u-heshiisiinta (oo ay ku jirto xadgudubyadii loo geystay xuquuqda aadanaha), iyo xiriirka gobolka ama kan caalamka intiisa kale.

Maya xadgudub kale oo cusub

Laga billaabo wakhtiga loo qabtay xabad-joojinta, hogaamiyeyaasha kooxaha, mas’uuliyiinta dowladda ku meel gaarka ah iyo kuwo metelaya bulshada rayidka ah – odayaasha beelaha, hogaamiyeyaasha diinta, NGO-yada (hay’addaha aan dowliga ahayn) iyo kuwa kale – waa in ay sugaan dhowrid taabo gasha oo ay ku xaqiijinayaan in aysan dib dambe u dhicin xadgudubyo loo geysto xuquuqda aadanaha oo la xiriira dagaal. Dilalka loo geysto shacabka, kufsiga, qafaalashada (afduubyada), la wareegidda beeraha, xoolaha nool iyo hantida kale, iyo dhaca iyo boobka loo geysto kheyraadka dabiiciga ah oo ay ku kacaan dabley soomaaliyeed, waa in gebi ahaan la joojiyo. Hogaamiyeyaasha kooxuhu waa in ay maskaxda ku hayaan mas’uuliyadda saaran si ay uga hortagaan uguna ciqaabaan dableyda ka amar qaadata haddii ay ku kacaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sidaasna waxaa lagu gaari karaa nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin.

Xadgudubyadii horay loo geystay – maya cafis guud oo loo fidiyo

Waxa laga yeelayo ku takrifalka xuquuqda aadanaha iyo dambiyada dagaal ee horay loo geystay ayaa ah arrin ay adagtahay in go’aan laga gaaro. In aan la khatar gelin hannaanka nabadda ayaa waxay muhiim u tahay in la gaaro nabad waarta. Dadka Soomaaliyeed waa in ay si wada jir ah u go’aansadaan habka ugu haboon ee loo xallinayo xadgudubyadii hore u dhacay si waafaqsan heerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah. Tallaabooyinka la qaadan karo waxaa ka mid ah in guddi ay dib-u-heshiisiintu run ka tahay loo xil saaro, ama in dambiilayaasha la horkeeno sharciga kadib marka la sameeyo sharci maxkamadeed oo caddaalad ku dhisan isla markaasna waafaqsan qaynuunka caalamiga ah si xukunkooda ay maxkamadi u qaado iyada oo aan la isticmaalaynin xukunka dilka.

Waxaa jira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo la geystay xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre waxayna isugu jireen: xasuuq loo geystay shacab aan hubeysnayn, jirdil lagula kacay dadkii mucaaraday dowladda, iyo dad kale oo xabsi loo taxaabay iyaga oo aan sharci la kor keenin. Kadib marki ay dowladdii Maxamed Siyaad burburtay, dagaal sokeeyana uu dalka ka bilowday sanadkii 1991, Soomaaliya waxaa ka dhacay xadgudubyo ugub ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aad u fool xun, iyo gaajo iyo macluul ku habsatay kuna baahday guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Waxyaabaha foosha xun ee dhacay waxaa ka mid ah: dilal iyo xasuuq lala beegsaday shacab aan hubeysnayn oo loo dilayo hayb qabiil, dilal loo geystay dadka laga tirada badan yahay oo aan is-difaaci karin, iyo kufsi iyo dhac ay ka dambeeyeen dabley qabiil ku abtirsata. Ma jirto cid loo ciqaabay ama si sharci ah loogula xisaabtamay falal-dambiyeedyadaas ilaa iyo hadda.

Amnesty International ma aqbalayso in dadka ka dambeeyay dambiyadaas lagu soo daro dowlad cusub oo dhalata, dowladdaas oo la filayo in ay noqoto mid si daacad ah isugu hawsha dib-u-soo celinta sharci iyo kala dambayn iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. In cafis guud loo fidiyo oo aan loo ciqaabin dambiilayaashii xadgudubyadaas geystay, Soomaaliya uma keenayso nabad waarta. Taasi waxay sii horseedaysaa ama albaab cusub u fureysa xadgudubyo kale oo hor leh oo ay geystaan isla dambiilayashii hore, waxayna isku dayayaan in ay aamusiyaan kuwa dacwad ku fura dambiyadooda. Sidoo kale waxay dhiiri-gelin u noqoneysaa kuwa kale ee filaya in aan lala xisaabtamin oo aan loo ciqaabin dambiyadooda.

Bilaha soo socda, Maxkamadda Dambiilayaasha ee Caalamiga ah ayaa ka hawl geleysa magaalada Rome (ee dalka Talyaaniga). Maxkamaddu waxay mustaqbalka qaadaysaa dambiyada dagaal iyo dambiyada laga galay aadanaha oo ka dhaca meel kasta oo dunida guudkeeda ah si dambiilayaasha loo hor keeno sharciga.

Waajibaadyada saaran beesha caalamka

Amnesty International waxay ugu baaqaysaa wakiillada beesha caalamka u jooga shirka ka socda Eldoret – sida UN-ka (Qaramada Midoobay), Midowga Yurub, IGAD (Kenya, Jabuuti, iyo Itoobiya), Ururka Jaamacadda Carabta, iyo dowladaha Masar, Talyaaniga iyo Maraykanka – in ay si firfircoon ugu adeegaan Soomaalida iyo in ay si dhexdhexaadnimo ah u dabagalaan xabad-joojinta la saxiixay, iyo in ay dammaanad qaadaan xuquuqda aadanaha. Waxaa si deg-deg ah loogu baahan yahay dabagal lagu sameeyo xuquuqda aadanaha si loo hirgeliyo xabad-joojinta la saxiixay.

Waxaa intaas dheer in beesha caalamka looga baahan yahay in ay kordhiso kaalmadeeda si loo abuuro nidaam ku saleysan is-xukun wanaagsan oo laga hirgeliyo Soomaaliya, iyo in awood loo siiyo dhammaan qaybaha bulshada in ay dhistaan una hantaan mustaqbal lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Video highlighting Amnesty International's concerns:
Halkan ka daawo walaaca ay ka muujisay Amnesty
International ku tumashada xuquuqda aadanaha.

(Real Player required)
(Waxaad u baahan tahay barnaamijka Real Player)

http://emedia.amnesty.org/Martin_hill.ram

Baaqan oo af Ingiriis ku qoran waxuu ku daabacan yahay
rugta internet-ka ee Amnesty International:

http://web.amnesty.org/ai.nsf/recent/AFR520022002?OpenDocument

For more information please call
Amnesty International's press office in London, UK,
Tell: +44 20 7413 5566

Amnesty International,
1 Easton St., London WC1X 0DW.
web: http://www.amnesty.org

For latest human rights news view
http://news.amnesty.org

 

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001