Wararka Mudugonline

Caato iyo Qanyare oo shirka Eldoret kala kulmay waji gabax.

ELDORET, 17 Nov 2002 (MOL) -Iyadoo wali Shirkii heshiisiinta Somalida u xayiran yahay buuq iyo qalalaase ay dhaliyeen qabqablayaasha Dagaalka lana filayo in shirku dib u furmo asbuucaan ayaa waxaa ka soo baxaya magaalada Eldoret oo shirku ka socdo dadaal iyo xodxodasho hoose oo ay wadaan labada qabqable ee dagaal ee Qanyare iyo Caato oo ku kali-yoobay iyagu inay carqalad galiyaan shirka iyagoo illaashanaya hantida ay dhaceen ee ay gacanta ku hayaan oo haddii Dawlad Somaliyeed oo midaysan la helo ka cabsi qaba in hantidaas laga wareejiyo. labadaan qabqable waxaa la sheegayaa markii ay ku guuldaraysteen siyaasadii iyo qayaamooyinkii hore ay ugu caan baxeen ay hadda wax ku raadiyaan caadifad qabiil iyagoo isku dayaya inay beerlaxawsadaan hogaamiyaal dhawr ah oo Muqdishu ka yimid oo ay isku dayeen inay dhagta wax ugu sheegaan taas oo sida la sheegay ay kala kulmeen waji gabax iyo diidmo toos ah..Labadaan qabqable ayaa isku dayayay inay ku qanciyaan hogaamiyaasha Muqdishu ka yimid inay ugu hiilayaan sadbursiga ay raadinayaan ayna bay yiraahdeen beesha Hawiye ula soo dhicinayaan ergo dheeraada.

Warka ayaa intaas ku daraya in Caato iyo Qanyareba si toosa loogu sheegay in aan Beesha Hawiye laga sadbursan ergooyinka tiro ahaana beesha Hawiye heshay ergooyinka shirka ugu badan ayna ku qancaan ergada la siiyay kana waantoobaan falfalxumada iyo dibandaabyada ay ka dhexwadaan ummada Somaliyeed ee ay qaar ku haystaan qafaalashada.Hogaamiyaashaas ayaa labada qabqable u sheegay inay haddii ay daacad yihiin Hawiye-nimaduna daacad ka tahay ay nabad ku soo dabaali lahaayeen goobaha magaalada Muqdishu ee ay boobka ku hayaan. hogaamaiyaasha sida aadka ah runta ugu sheegay Caato iyo Qanyare ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan Al-Xaaji Muuse Yalaxow, Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Dheere oo dhamaantood ka kala taliya magaalada Muqdishu iyo deegaanka u dhow.

Ururka IGAD ayaa la soo sheegayaa in markii horeba ay qaybsiga ergada ku saleeyeen hab qabiil loona kala qaybiyay ururada kala duwan oo qaarkood iyagoo isku beel ah haddana kala wata mabda' siyaasadeed oo aad u kala duwan, taas oo keentay in dhawr qabqable dagaal oo isku beel iyo isku jufo ah la soo shir tagaan 3 urur oo kala duwan oo mid walba ay ku rabaan inay ku helaan sadbursi.Labada qabqable dagaal ee Caato Iyo Qanyare ayaa ku hanjabay inay shirka ka baxayan haddii aan ergada loo kordhin taas oo madaxa qabanqaabada shirka Mr. Mwangale uga jawaabay inay xor u yihiin inay shirka ka baxaan ergada shirkana waxba loogu kordhin doonin cid kale ergadii la siiyayna aan iyaga la siin doonin. taas oo niyad jab weyn ku riday labada qabqable oo haatan raadinaya marin habaabin kale oo ay shirka hordhigaan. dawlad goboleedka Puntland ayaa iyadu wax cabasho ah ka muujin ergada loo qoondeeyay iyadoo waliba la siiyay tirada ergada ugu yar markii laa fiiriyo qabaa'ilada ku nool Puntland tiradooda iyo baaxada dhulka ay puntland ku fadhido oo ah 1/3 badka dhulka Somaliya oo dhan.

Mudugonline.com


JUFADA DR C/QASIM SALAAD OO GABI AHAANBA DHACDAY MUCAAWINADII LAGA HELAY IMARADKA CARABTA

Mucaawino laga keenay dhawaan Imaadka Carabta, looguna talagalay Masaakiinta ku tabaaleysan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney dhaceen Maliishiyo ka soo jeeda Beesha Habargidir, iyadoo qaar ka mid ah Mucaawinadaasna ay la wareegeen Xubno ka tirsan Dowladda KMG ah. Mucaawinadan oo uu maamulayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Afgooye ayaa la sheegay in Dumar la magac baxay Mujaahidiinta Habargidir la siiyay Afar Baabuur oo ay ku raran yihiin Mucaawinadaas, halka C/qaasim ilaaladiisana la siiyay tiro intaas ka badan.

Ganacsade Maxamed Deylaaf ayaa isagana la wareegay Mucaawinadii la keenay Maalintii dorraat, taasoo laga soo dejiyay Garoonka Balidoogle oo ay gacanta ku hayaan Maliishiyo u dhalatay Beesha Cayr. Mucaawinadaan oo tira badneyd ayaa waxaa loogu talagalay Dadka Masaakiinta ah ee ku jira Xerooyinka Magaalada Muqdisho, laakinse waxay isku bedeshay kuwo lagu caawiyo Maleeshiyida iyo Dumarka Habargidir.
BALCAD.COM


BEESHA HABARGIDIR OO DANAHEEDA SIYAASADEED KA ARKI WEYSAY SHIRKA ELDORET

Beesha Habargidir oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya Shirka Elodret ayaa billowday in Shirku marin haabiso, kadib markii ay ka arki weysay danaha Siyaasadda ay leedahay, gaar ahaan markii Siyaasiyiinta Beeshaas loo sheegay iney xoog ku haystaan Dhul aysan laheyn. Maamulka Kismaayo ayaa Guddiga Farsamada IGAD kala kulmay weji gabax kadib markii lagu wargeliyay in Deegaanka Kismaayo ay iyagu laheyn, laguna haysto, sidoo kale waxay Guddiga Farsamada IGAD gacanta ku hayaan qoraal tilmaamaya in muddadii 12-ka Sano ee Dowlad la’aanta Dalka ka jirtay ay Beesha Habargdidir xoog ku haysatay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Cusmaan Caato iyo Gacmadheere ayaa wada dadaal ay ku doonayaan iney kaga hortagaan arrimahaas, isla markaasina ay ubuuran lahaayeen Isbaheysi, waxaana ilaa hadda soo baxaya in Mas’uuliyiintaas in ay abaabulayaan Koox falaago ka ah Shirka dib u heshiisinta Eldoret.

MAXAMED QANYARE: “Itoobiya Dagaal ayaan kaga hortageynaa, haddii ay faraha kala bixiweyso arrimaha Soomaaliya”

Hoggaamiya Kooxeedka Maxamed Qanyare Afrax ayaa Dowladda Itoobiya u jeediyay hanjabaad kulul oo uu ku sheegay in haddii ay danta ku qasabto weerar ku qaadi doonaan Dalka Itoobiya, isagoo sheegay in Dowladda Itoobiya faragelin kulul ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Shirka Dib u heshiisinta Soomaaliyeed ee Magalada Eldoret.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin waxyaabaha ay Itoobiya ku dhaqaaqeyso, wuxuuna caddeeyay in Itooobiya laba arrimood ku joogto Shirka, midda 1aad wuxuu ku sheegay in ay aad u daneyneyso in Nin ay iyada wadato ka dhigto Madaxweyne, gaar ahaan Xubnaha SRRC, midda 2aad-na ay ku bur buriso Dowladda Carta lagu soo dhisay.

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
C/raxmaan Muxiyaddiin Cali iyo
Nuuradiin Macallin Abdirahman10@yahoo.
BALCAD.COM





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001