Wararka Mudugonline

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Eldoret Xalay iyo Saaka..;

Eldoret: Shirkii xalay afurkii ka dib loo fariistay ayaa laga kala kacay suxuurtii ku dhawaad labadii habeenimo, ayadoon wax nasasho ah aan la qaadan.

IGAD way isaga baxeen markii gudoomiyaha gudiga Farsamada IGAD uu u sheegay Kooxaha Somalida inay ku heshiiyaan muranka ragga qaar qabay ee ku sabsan ergada shirka ka qaybgalaysa, wuxuuna u sheegay haddii ayan shirkaan caawa ku heshiin inuu barri shirku ku bilaabanayo sidii IGAD qoondaysey oo ahayd 362.

Shirkas ayaa lagu kala kacay ayadoon waxba lagu heshiin aan ka ahayn cay iyo carraatan ay bilaabeen Qanyare ka dibna Caato, labadaan nin oo iyagu sheegaya inay ka cabanayaan tirada ergada ee IGAD qaybisay ka dib markii Somalidu ku heshiin wayday, dadka u dhuun daloola arimaha Somalida ayaa sheegaya in qalalaasaha ay wadaan labada nin uusan ahayn cabasho ergo lagu yareeyay balse uu yahay inay yihiin rag doonaya inay qasaan shirka si ay meesha uga dhalan dawlad Somaaliyeed oo loo dhan yahay, iyagoo u arka inay waayi doonaan hantida ay ka helaan dawlad la'aanta.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa u sheegay "...inaysan jirin ciday uga xuntahay heshiis la'aantu kuwa carqalada wada, mana jirto cid u istaagaysa qaskooda.

Xaaji Muuse Suudi asagu ma soo xaadirin waxaana laga soo sheegay inuu yiri "anigu wax laga badalayo ma oggoli heshiiskii la gaarey" .

SRRC oo dhan way is wada raaceen, reer Carta waxba ma aysan ka hor-imaan, Caato iyo Qanyarena qaylo dhaantii bay sii wadeen.

Shir kale ayaa Somalidu ku balantay saaka tani oo dib u dhigtay qorshihii IGAD ay ku doonaysay in wajiga labaad ee shirka la furo Maanta, waxayna dib ugu dhigeen barito khamiista iyagoo maanta wakhti u siiyay Somalidu inay xaliso qaylada Qanyare iyo Caato raga ay hoirmuudka u yihiin.

Saaka ayaa Somalidu dib isugu soo noqotay waxaase markii shirkii furmay ka dib bilowday qas kale kani oo u ekaa mid ay horay usoo qorsheeyeen kooxda diidan qaybinta ergada iyo mucaaradka Puntland oo ay gabaad ka dhiganayeen, ka dib markii ilaalada albaabka hoolka shirku ka dhacayo uu soo jiiray Jamac Cali Jamac, ayaa shirku qas fooda la galay iyadoo ninkii ugu horeeyay shirka maanta uu ka hadlayo kaasi oo ahaa Xuseen Caydiid oo ku hadlayay magaca SRRC ayaa isagu hadalkii joojiyay, sheegayna inuu arkayo in habsamidii shirka la qasayo.

Waxaana shirka isaga baxay Ergadii Puntland, golaha SRRC iyo Gobolada kale sidda Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, iyagoo sheegay in shirka la saxo, Booliiska gaarka ah ee Kenya ayaa in yar ka dib soo galay hoolka waxayna dibada uga sareen hoolka Shirka Jamac iyagoo u raaciyay digniin, Qanyare iyo Cusmaan Caato ayaa midba halkiisa ka qayliyay iyagoo u muuqday rag sugayay inuu mar qaska shirka bilaabo Jamac, shirkii saaka siddaas ayuu ku dhamaaday.

Ergayga IGAD Mwangale ayaa sheegay in shirku uusan u burburayn arimahaan, isagoo sheegay in wajigii labaad ee shirku barito ku furmi doono siddii IGAD u qorshaysay, cidiidana aan loo hakinayn.

Warar hadda na soo garaya ayaa sheegaya in laga yaabo in caawa mar kale ay kulan isugu yimaadaan madaxda kooxaha Somalidu afurka ka dib, kulankaan ayaa la saadaalinayaa inuusan wax badan ka duwanaan kulamadii ka horeeyay ee xalay iyo saaka inkastoo culays badan beesha caalamku sartay kuwa qaska ka wada madasha shirka.

AllPuntland

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001