Wararka Mudugonline

Jaamacow Yaan Lagu Adeegsan Mar Labaad!!!

Cadowga reer Puntland ciidduu ka badan yahay, waxaana ugu horreeya ururka xaqdarada iyo xaaraanta isku bahaystay ee la magac baxay Carte oo calooshooda u shaqaystayaal ah. Waxaa kaloo soo-raaca Isbahayshiga xoogga ku haysta Kismaanyo oo isugu yeera Walaalaha Galguduud ama Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu Xasan Bariise ula baxay, waxaana hogaamiye u ah Barre Hiiraale. Waxaa kaloo la ilaawi karin Caato oo caloosha ka neceb jiritaanka reer Puntland, had iyo jeerna jecel jabkooda, asagoon middaan wax qarsoon ka dhigin ee usoo bandhigay cadaawaan marar badan, sidii burburintii shirkii lagu qaban lahaa Bosaso iyo waliba asagoo dab ka shiday oo dagaal ka oogay magaalada Gaalkacyood ee dadka walaalaha ah ay mudda dheer nabad ku wada noolaayeen, Somalida kalana tusaale u noqotay inay nabad kuwada noolaan karaan. Wuxuu shirka Eldoret hogaamiyaasha hortooda ka sheegay in Gaalkacyo xoog lagu haysto, taas oo laga qiyaasi karo meesha cadownimadiisu gaarsiisan tahay.

Waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn Qanyare oo aanan garanayn wuxuu ku neceb yahay reer Puntland! Qanyare 1987 wuxuu idaacadda BBC-da ka sheegay mar uu kasoo hor-jeeday jiritaanka Bosaso iyo in shir lagu qabto " Arrey xaan ka doonaa Bosaso qabiilaa dagee, dowladda lagu dhisidoonaana saad Xamar ku keentaan arkidoonaa". waxaan hubaa inuu Qanyare xusuusto erayadaa uusan ka fiirsan ee ka dhacay waqtigaa iyo cadaawadnimada uu dadkaa walaalihiis, Sodogyaashiis iyo waliba seediyaashiis ah u muujiyey!.

Haddaba, dadweynaha waxgarad ka ahow, ururka Carte, walaalkay Jaamac Cali Jamaac waxay u isticmaaleen inay ku kala daadiyaan midnimada reer Puntland, walow aysan u suuroobin sidii ay rabeen oo reer Puntland ayagoo midaysan meel uga wada soo-jeesteen midnimadooda iyo inaan la wax-yeelin wada-dhalashadooda, qoys-qoysna loo kala qoqobin sida ummadda Somaliyeed ee ku nool Koonfurta ee dhiban oo laysaga horkeenay Jilib-Jilib oo dad walaala ah qoryo laysigu dhiibay.

Walaalkay, Jaamac muddo badan buu qiiq isku qarinaayey oo uu lahaa Carte "Iguma shaqaysanayso oo u adeegi maayo" laakiin, nasiib-darro ugu danbayntii wuxuu qirtay inuu ka mid yahay ururkaan danaha dhaqaale iyo mid cadaawadnimo ku bahoobay ee maxaysata ah, aminsan yahayna, lana shaqayn-doono mustaqbalka, taas oo dadweynaha reer Puntland horey u ogaayeen.

Haddaba, maanta waxaa isticmaalaaya walaalkeen Jaamac cadowgii reer Puntland oo raba inay danahooda ku oofsadaan, markay ku fushadaan arimahooda qaabka daran ee ay rabaan inay shirka Eldoret ku carqaladeeyaan ay barxadda hotelka uga dhaqaaqi-doonaan. Ayaandaro wuxuu dhex fadhiyaa oo uu la safan yahay Hiiraale, Qanyare, Caato iyo Carte oo aan hadda sidaas u danaynayn waayo danahoodii baa uga fuliwaaye ama haddaan si kale u iraahdo maanta waxba uma qaban karo, sidaa-daraadeed doonimayaan inay shaqo u dirsadaan.

Waxaa ah wax laga naxo oo laga tiiraanyoodo, waa baaha-nahay baqtiga looma cuno ee maxaa ku khasbay inuu Qanyare maanta u hadlo walaalkay Ina Cali Jaamac? ma illoobay sharaftii, haybaddii, karaamadii iyo nasabnimadii dadkii reer Puntland ee u ka dhashay? Miyuusan ogayn inay xadaarad dheer leeyihiin oo ay lahaan jireen Boqortooyo iyo maamul fac weyn oo muddo dheer soo taxnaa?
Jaamac Cali Jaamacow, darajo kasta oo aad hesho waxa ka wanaagsan magaca ummaddaada oo aad ilaaliso, wax lagu meel-marana magac baa ugu wanaagsan ee indhahaaga fur, fiirina meesha aad fadhido iyo in maalin walba shirka lagaa saaro waa sharaf daro, haddii aad adigu adareemi-weydey anagay nadanqinaysaa, kana dheerow Hiiraale, Qanyare, Caato iyo inta xaasidka u ah Ummadda Somaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.
Cabdulahi waa shaqsi, waana kasoo hor-jeesan kartaa laakiin, yaanay ku adeegsan cadowga dadkaagu, ummaddaadana magac uga tag intaad nooshahay.

Walaal, Jaamac Cali Jaamacow, iga raalinoqo haddaan qoray erayo aadan rabin inaad akhrido ama aad maqasho laakiin, ogow runtu waligeed waa xanuun badan tahaye, ninkii raganimo iyo adkaysi leh baana qaadan kara, kuna qanci kara. Waxaa aan qoray waa xaqiiqdii, waana hubaa inaad sidaas ogtahay.

Raage Jaamac
jamarage@aol.com
USA

Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001