Wararka Mudugonline

Prof. Lewis, SNM baa u aragta! Prof. Lumis, USC baa qabta!

Marka u horraysa waxaan ka taggey inaan xuso magacyada sida Reer Waqooyi iyo Reer Koonfur maxaa yeelay waxaa magacyadaas soo hoosgalaya qaybaha bulshada oo dhan mana ahan dad kulligood loo tiirrinkaro magac Jabhad ama mid “Professor” toona.

Aqoonta aan Soomaali uleeyahay darteed ayaan waxaan canaantaydii ku ekeeyey Gobolka Mudug oo aan ku dhashay iyo guud ahaan Waqooyi Bari Soomaaliya, wuu dhihi karaa“Puntland” ninkii ubbuka. Saas waxaan uyeeli jiray waa waxa hada kala haysta taageerayaasha Lewis iyo kuwa tafta ku dheggen. Bal Professor-ka iyo labad kooxood aan mid walba hal iraahdo.

Professor-ka waxaan leeyahay “nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.” Qofkii aan ku qancin fikradiisa ma jirto cid uddiidi karta inay wax ka dhahaan siday la tahay. Inkasta oo aanan joogin meeshii uu casharka ka bixiyey laakiin ma jiro qof oran kara Koonfuri xadaarad ma leh sida Xamar, Baraawe iyo Marka. Hadii uu ka waday qabiiladii USC sameeyey waxay ila tahay iyagaa isdifaacaya. Laakiin hal su’aal ah oo aan kusoo bandhigay maqaalkii ahaa yaa “Somaliland” sameeyey baan rabaa inaan mar kale waydiiyo Professor-ka. Waxaad noo sheegta waxa uu Ingiriisku Laascaano iyo Garoowe ukala gooyey oo labo wadan uga dhigay, Gaalkacyo, Dhuusomareebo, Baraawe iyo Markana isku wadan?!

Waxaan leeyahay SNM khaasatan qolyahan magaca “Somaliland” ku faraxsan, shalay magacaas qaabka daran ee Ingiriis sameeyey baad qaadateen, xuduudihii qaabka darnaa oo uu sameeyeyna waad aqbasheen. Waxay ahayd inaad magac idinka idiin cuntama qaadataan kolay hadaydaan Ingiriis jacayl ka waantoobayn. Midda labaad ma waxaad ka dhigteen Prof. Lewis Xadaamadii¹ Carabta ahayd ee ay dhaheen: “Haday Xadaami tiraahdo rumaysta, waxaa xaqiiqa ah hadalku waa waxay tiri Xadaami.”

Waxaa iigu yaabbadnayd mid Professor-kana ammaanay, Sayidkiina caayey! Wuxuu Sayidka ku eedeeyey inuu qabiilada kale uu caayi jiray. Waa kee qabiilka Soomaaliyeed oo uusan Sayidku caayin. Qofkaas Prof. Lewis difaacaya waxaa fiicnaan lahayd haduusan taariikhda Sayidka aqoon inuusan ka hadleen. Ma filayo cayduu ku yiri Ogaadeenkii uu ka dhashay markay dhaheen noo soo guur oo Nugaal iyo Taleex ka imoow inuu cid kale ku yiri. Waa tii ay ku jirtay beyd-kii ahaa “waayeel ma yeeshoow caqliga wiil yar kaga liite”.

Haduusan oran Sayidku gabaygii uu yiri markuu Berbera kasoo degay mid aan ahayn wuu ugu filnaan lahaa in la xuso:

“Waxaan ahay nin Islaamoo, ummaddii Nabigii iyo Ashahaado qiraayee

ma aqaan Ingiriis iyo halka eega la joogee, umaddaa ku dhexnool buu amarkeedu socdaaye bal su’aal isagoo markuu eega imaaday yuu canshuurta udhiibay mise waa iska iloobay.”

Waxaan aaminsanahay dadkii uu ka dilay goboladaas aan u dhashay inay ka badanyihiin wax badana kuwa dadkaas ku abtirsada Somaliland maxaa yeelay idinku Ingiriis baaba idin la jiray (eeg Ilig Deldelo, Colkii Sayidku diray, Gonda Gooye IWM). Ilaahay haka cafiyo wuxuu sameey isaga iyo anagaba.

Hadaad gabayga fiiriso wuxuu xambaarsanyahay Towxiid, Nabi raacid, gaalo nacayb iyo dulmi ka dhiidhi. Hadaad ogaan lahayd qiimaha uu Towxiidku leeyahay iyo sida Ilaahay u leeyahay inuu dambiyada kale oo dhan uu dhaafo qofkuu doono oo aan samayn.

Arinta USC uu ka sheegay haduu ku run sheegay kama dhigayso qof wanaagsan. Cadowgaagu mar mar waa kuu run sheegi karaa,  wedeyna/saaxiibna kuma noqdo! Fiiri xadiiskii ahaa “Sadaqaka wahuwa kaduubun” markii Nabigu kulahaa Saxaabiga Sheydaanku waa kuu run sheegay laakiin waa beenaale. Run seegidaasi Sheydaanka waxba ima tarin Nabigu ma oran “kaadib” wuxuu isticmaalay kalmada taas kasii xeel dheer xaga beenta.

Inkastoona goobta joogin in USC ay samaysay waxaan horay loo arag, wadankiina ay ka dhigeen waxay burburiyeen iyo waxay dhaceen iyo waxay dibad ka iibiyeen waan wada ognahay. Ma Professor-ka baa ugu horeeyey cid tiri?! Mise waa Ingiriis?. Haduu Professor-ku run sheego waxba kama bedelayso noogamana sokeeyo ninka Professor-ka ah ee Maraykan ah ama Jarmal ama Shiine ama Ruush. Haday jirto wax kasoo dhowaynaya idinkaa noo sheegaya. Mise gumaysigii ingiriisku na gumaystay baa siinaya xuquuq soo dhowayn ah?!

Tan USC ku socota iyadu ma ahan wax ubaahan in la sheego maxaa yeelay inteena badan waan ognahay. Waxay sameeyeen waxaan looga horayn taariikhda Soomaaliyeed. Kufsi, daris xumayn, daroogo beerid, hanti dhicid iyo dhul mooroduugid. Saacadan haatan ahna falkaasi waa socdaa.

Xumaantii ay USC samaysay Xabashidu sokeeye kuma noqon karto, nin Ingiriis ahina abaal uguma haynkarno.

Isku soo duub dadka Reer Waqooyiga ahi kuligood ma daneeyaan siyaasada Ingiriiska mana ay wada aha dad qoomiyad qabiil ku salaysan wada aaminsan. Sidoo kale reer Koonfur oo dhan mooryaan mawada aha.

Waan jeclaan lahaa dadka Professor Lewis difaacaya inay diinteena sidoo kale noo difaacaan.

1- Xadaami waxay ahayd haweenay Carab ah oo la oran jiray waxay wax ka arki jirtay meel loo socodo dhowr beri. Maalin baa qabiilkeedii waxaa kusoo duulay qabiil kale. Qabiilkaasi waxay yaqaaneen haweenaydaas markaasay waxay iyaga iyo fardahoodii isku dadeen geedo sida hada ciidamadu sameeyaan. Haweenaydii way aragtay colkaas laakiin waxay arkay belaayada geedaha jiidaya markaasay tiri ama dhirtii baa socota ama waxbaa jira laakiin qoomkeedii akhbaartii waa kala saari waayeen. Markii dambe baa colkii ku waabariistay oo uu fitig faatig ka dhigay. Markaasaa qaraar la gaaray in wax kasta oo ay haweenaydaasi tiraahdo la meel mariyo waxay sheegtana waa la qaadanayaa.

cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com

Qoraalo kale oo qoraalkan la xiriira halkaan ka aqri....


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001