Wararka Mudugonline

Shirkii Eldoret oo u afduuban qabqablayaasha dagaalka

ELDORET, 10 Nov 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya Madasha shirka ee magaalada Eldoret ayaa sheegaya in shirkii dib u heshiisiinta Somaliyeed uu wali ku jiro is jiid iyo is-afgaran waa ka dib markii dhawr qabqable dagaal ay ku fureen shirka buuq, Qabqablayaasha dagaal oo aan awood military ku lahayn Somaliya ayaa inta badan waxay argagax ku hayaan dadweynaha ku dhow goobaha ay ku nool yihiin siiba magaalada Muqdishu iyo magaalada Kismayo, iyagoo inta badan dadka kula kaca falal qafaalasho, kufsi iyo jidgooyin ay ku raadinayaan lacag baad ah. dagaal oogayaashaas wada buuqa ayaa inta badan ku jira ururka SRRC/NAKURA iyo waliba Kooxda isbahasiga walaalaha galgaduud oo ay iyagana ay ka dambeeyeen kooxda Carta.

Hogaamiyayaashaas dagaal oo inta badan aan waxba ku heshiin dhexdooda ayaa haddana sameeya isbahaysi aan dhaafin asbuuc taas oo ay uga gudbaan hadba caqabadii soo foodsaarta. Dad badan oo shirka jooga ayaa waxay rumaysan yahiin sababta dagaal oogayaashu u diidan yahiin horey u socodka shirka ay tahay cabsi ay ka qabaan inay lumiyaan lacagihii iyo dhulkii ay boobka ku heleen haddii la helo dawlad salbalaaran oo Somali ku heshiiso ee aan diidmadoodu aysan ahayn sida ay markasta ku andacoodaan tirada ergada oo lagu yareeyay. Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada ergada gudiga qabanqaabintu ugu roonaadeen dagaal oogayaasha hadda diidan horay u socodka shirka taasna ahayd qaladaadkii gudiga qabqaaabadu sameeyeen bilowgii shirka taasna ay ka faa'iidaysteen dagaal oogayaashu oo u arkay markastoo ay shirka buuq ka dhaliyaan in tirada ergada loo kordhiyo. haddaba haddii loo yeelo sida ay rabaan oo ay markasta ku andacoonayaan in ergada qabiil lagu qabiyo in ay helayaan tiro ka yar tan hadda ay heleen marba haddii intoda badani ka soo jeedaan hal Jifo, taas oo dad badan oo shirka joogaa ku micneeyeen "lugta jecli laga jeceli- dagaal ooge wax u roon lama garanayo.

Mudugonline.com


Puntland oo Kooxaha Qaar ku Eedaysay inay Hurinayaan Colaad hor leh

Eldoret: Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ururka SRRC/Nakuuru, Maamulka C/qaasin Salaad Xasan iyo kuwa BBC Somaligu u bixisay Dooxada Jubba ay abaabulayaan colaad hor leh oo ka qaraxda dalka Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedkaan loo kala diray Qaramada midoobay , Midoga yurub iyo urur goboleedka IGAD oo dhamaantood lagu war galiyay in kooxahaasi ay jabinayaan heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magalada Eldoret ee uu shirku dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socdo.

Hogaamiye kooxeedyada Cusmaan Xasan Cali Caato , C/risaaq Isaaq Biixi iyo Maxamed Qanyare Afrax oo qaarkood ay madax u yihiin ururada cambaaraynta loosoo jeediyay ayaa sheegay inay shirka dib u u heshiisiinta Soomaaliyeed qaadici doonaan hadaan qaab qabiil wax lagu qaybin, tani oo ay filayaan inay ku heliyaan saami aan ku miisaanayn tirada run ah ee Somalida.

Dad Badan oo la socda xaaladda runta ah ee Somnaliya ayaa u arka isbahaysiga diidmada ah ee kooxdaan inuu salka ku hayo baqdinta ay ka qabaan dawlad cadaalada oo ka dhalata Somaliya oo ay ku waayayaan dhul iyo hanti ay xoog ku haystaan.

AllPuntland News


Ruunkinet Been Intee Le'eg

Boosaaso: Webka Ruunkinet ayaa shalay (8/11/2002) qoray qoraal uu ku sheegayo in dagaal ka dhcay magaalada Boosaaso, kaa soo ay ku dhaawcmeen shan ruux ka dib markii ciidamda maamulka Puntland ay tacshiitrad ku fureen dad ku soo xoomay raashin mucaawino ah.

Hadaba waxaan dhamaan dadwynaha Soomaliyeed oo akhrista shbakdaha inteneetka la socodsiinyaa inaanu warkaasi sal iyo raad toona lahayan webkana ay u gudbiyeen dad aan xilkas ahayn, haddaba mamulka bogga Ruunkinet waxaan u sheegynaa in uu ka kaaftoomo wararka aan salka lahayn ee had iyo goor uu ka faafiyo maamul goboleedka Puntalnd isagoo caada ka dhigtay inuu dusha saarto xumaan ka sheega iyo been buuninta wararka aan loo miidaan deyin.

Wariye C/risaaq Shiikhaduun
Boosaso
sheekhaduun@hotmail.com

Fiiri warkii beenta ahaa ee Ruunkinet kusoo baxay 8/11/2002

Ciidamada Col. Cabdullahi Yuusuf ayaa shalay tacshiirad ku furay dad rayid ah oo raashin macaawina ah loo qeybinayay halkaasna ku dilay 5 ruux ayadow ay ku dhaawacmeen qaar kale.

Raashinkan macaawinada ah ayaa la sheegay in ay u soo dirtay dowladda Imaaraadka Carabta dadka maatida ah ee ku nool magaalada Boosaaso si ay uga faa'ideystaan bishan barakeysn ee Ramadaan.

Ciidamada Col. Cabdullahi Yuusuf ayaa la sheegay in ay fureen rasaastan si ay u kala eryaan dadka, kadib markii ay ku soo xoomeen goobta raashinka lagu qeybinayay dadka la laayay.

Cumar Faaruuq Cismaan, Ruunkinet, Muqdisho

AllPuntland News.




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001