Wararka Mudugonline

IGAD oo go'aan kama danbays ah ka gaartay qaybintii gudiyada iyo ergada
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Eldoret, Kenya.
Maxdeeq50@hotmail.com
8/11/02

ELDORET, 8 Nov 2002 (MOL) - Guddiga farsamada ee IGAD oo ay wehliyaan goobjoogayaal ka socda dalalka iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa shalay galinkii danbe gaarsiiyay madaxda waftiyada Soomaalida ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret go’aan kama danbays ay ku tilmaameen oo ay ka gaareen qaybintii gudiyada iyo ergooyinka sii joogaya ee shirka.

Guddiga farsamada ayaa waxa uu qoondadiisan ugu danbaysay ku saleeyay 362 ergay oo rasmi ah oo ka kala socota qaybaha kala duwan ee Soomaalida, kuwaasoo si u dhiganta tirada ergada loogu qaybiyay tirada ka qayb gali doonta lix guddi farsamo oo midkiiba ka kooban yahay 15-16 xubnood, kuwaasoo isu geyn noqon doona 93 xubnood.

Qaybtan cusub ee guddiyada  iyo ergada sii joogi doonta ayaa waxa ay kooxuhu u kala helayaan marka la soo koobo sidan:

 Magac                                      tirada guddi      tirada ergo
TNG 16 xubnood 65 xubnood
SRRC 16    ’’    ’’ 65   ’’    ’’
RRA 1 & 2 8    ’’    ’’ 28    ’’    ’’
Puntland 7    ’’    ’’ 28    ’’    ’’
Jawhar 4    ’’    ’’ 14    ’’    ’’
SNF 1 & 2 4    ’’    ’’ 14    ’’    ’’
Nakuro 2    ’’    ’’ 9    ’’    ’’
Dooxa/Jubba 3   ’’    ’’ 13   ’’    ’’
Qanyare 2    ’’    ’’ 7    ’’    ’’
SNU 1    ’’    ’’ 3    ’’    ’’
SDU 1    ’’    ’’ 2    ’’    ’’
Jareer 2    ’’    ’’ 7    ’’    ’’
Amprella Group 1    ’’    ’’ 5    ’’    ’’
Baajuun 1    ’’    ’’ 2    ’’    ’’
Total Gudi k/siyasadda:  69    ’’    ’’ 262    ’’    ’’
Qayb civil Society    25    ’’    ’’ 100    ’’    ’’
Tiro Guddi Guud: 93    ’’    ’’ ergo guud 362
---- ----- ------

Gudiga farsamada ayaa waxa ay shaxdan raaciyeen qoraal kale oo ay madaxda wufuuda kaga dalbanayaan in mid waliba sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyo magacyada dadka uu u xulayo qaybta guddiga ee uu helay iyo qaybta dheeraadka ku ah tirada waftigiisa rasmiga ah si loogu diyaariyo gaadiidkii dalka dib ugu celin lahaa.

Waxaa kaloo lagu wargaliyay dadka ka baxsan tirada guud ee waftiga in aysan ku lahayn IGAD wax raashin iyo Hoteel ah wixii ka danbeeya maalinta Jimcaha ah ee Maanta.

Qaybtan cusub ayaa waxaa aan ku qanacsanayn qaar badan oo ka mid ah ka qayb galayaasha shirka, sida dadka degaanka Jubooyinka iyo madaxdooda oo sheegaya in ay tahay khalad bareer ah in kooxda BBC-da afka Soomaaligu u bixisay dooxada Jubba la siiyo xubnaha degaankaas, hase ahaatee Guddiga farsamadu waxa ay ku adkaysanayaan in shaxdani tahay kama danbays ciddi aan ku qancina ay xor u tahay in ay dalkeedii dib ugu laabato.

Lama oga illaa iyo hadda go’aanka kama danbaysta ah ee ay beelahaasi iyo madaxdoodu qaadan doonaan, waxaase aad moodaa in kooxaha ciilka qaba intooda badan ay isku qancinayaan in la iska qaato go’aankan si loogu gudbo in la helo dawlad Soomaaliya u dhan tahay iyo hanaan nabadeed oo cid waliba ku soo ceshan karto xuquuqda ka maqan.

Mudugonline.com


YAA DUMINAYA SHIRKA ELDORET.
Faalo Wariye Maxamed Deeq Cabdulqaadir oo jooga Eldoret

WQ: Maxmed-deeq Cadulqaadir.
E-mail: maxdeeq50@hotmail.com
Tell: +254 722 21 75 75

ELDORET, 7 Nov 2002 (MOL) - Shirka Eldoret oo markiisii hore qorshaha loogu talo galay ahaa in uu socdo muddo ka badan lix bilood ayaa laga weeciyay wadadiisii, taasoo dad badan u arkayeen in ay tahay fursad  fiican oo lagu lafa guri karo laguna dhamays tiri karo khilaafaadka mugga weyn leh ee Waayadanba Soomaalida ragaadiyay, dhismaha shuruuc iyo hab dawladeed lagu wada qanacsan yahay iyo wax qaybsi dawladnimo.

Saddex iyo toban shir oo horay beesha caalamku Soomaalida ugu qabaty ayaan kani waxba dhab ah kaga badalayn sababihii kuwii hore fashiliyay; ma jiro shir qurra oo Soomaalida fursad loo siiyay in ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka iyo is fahmi waaga ka dhex dhacay, sidoo kale ma jiro wax shirar ah oo gogol xaar ah oo lagu darsayay waxa dhabta ah ee ay Soomaalidu la heshiin la’dahay, mar walba cidda shirka abaabulaysaa waxa ay soo qadintaa aray aan wax ka hooseeya la arag oo ah waa in aad heshiisaan, taasoo ay wehliso meelaha laysku maandhaafsan yahay sida dhulalka la kala haysto, cida ka masuulka ah dhibaatada iyo arrimaha la midka ah oo ay afka daboolka ka saaraan si aan marnaba looga hadlin.

Waxa kale oo ay markaba marti galiyayaasha shirarka Soomaalidu muujiyaan in loo gudbo dhisme dawladeed ka hor inta aan laga heshiin colaadaha taagan dhab ahaan.

Dhanka kalana ma jirto dariiqad dhab oo ay isku waafaqsan yihiin dawladaha iyo ururada shirarka abaabula iyo Soomaalida la heshiisiinayo, tana waxa ay keentaa in ay qaylo dhaan iyo galaangal xoog leh ku sameeyaan guddiyadda shirka kuwa ka cabsi qaba in dawlad dhalata ay ku waayaan xaq aysan lahay oo ay haatan haystaan halka dhanka kale ee same jeclaha ahina uu wax walba uga tanaasulo in mar uun la helo dawlad Soomaaliyeed.

Qaylada kuwa dagaalka ka macaashay iyo hogaansanka kuwa doonaya in cadaalad iyo dawladnimo  la helo, si loo gudbo colaada iyo is boobka ayaa waxa uu mar walba keenaa in xaquuqda kuwa samra lagu qanciyo kuwa nabadda u arka dhibaato usoo hayanaysa iyaga.

Intan oo kaliya ma aha ee waxa aysan dawladdaha shirarka u qabta Soomaalidu wax dan ah ka galin arrimo door ah oo ay ka mid yihiin kala aamin baxa iyo kala miiranka ka dhacay Soomaaliya, waxaa kale oo aanay marnaba qorshaha ku darin baahida loo qabo in ninka ugu horeeya ee Soomaali xukumi karaa maanta in uu yahay laba midkood.

Waa marka horee in uu yahay ruux cadaalad iyo eex la’aan caan kaga ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ama waa tan kalee in uu yahay nin awooda in uu isugu isu soo jiido beelaha kala fog isagoo saamigii beeshiisa ku qancinaya inta kale hadba kii dhawaaqa.

Arrimahan marka la isku soo xooriyo ayaa waxa aad moodaa in shirarka Soomaalida loo qabto in ujeedada laga leeyahayba aysan ahayn in ay ka dhalato dawo Soomaaliyeed, iyadoo aanay wali madaxda ee Soomaaliduna qaan gaar u noqon in ay iyagu si xor ah uga tashadaan aayaha dadkooda iyo dalkooda.

Soow  lama oran karo marka dawladaha iyo ururada shirarka qabtaa waxa ay doonayaan in ay quus gaarsiiyaan dadka Soomaliyeed, si markaas ay fursad ugu helaan in ay Soomaalida ka timaado in loo taliyo.

Marka aan u soo laabano shirka Eldoret ee dalka Kenya waxaa cad in aanu habka lagu wadaa waxba kaga duwanayn kuwii ka horeeyay, haddaba aan is waydiinee yaa u sabab ah dadajinta shirka, yaa doonaya in aan dib u heshiisiin dhab ahi ka dhalan shirka.

  •      Mooryaanta: Aan soo qaadano kooxaha haysta hanti iyo dhul aysan lahayn, waxa ay ka cabsi qabaan in guda galka nidaam dawli ah oo hagaaga oo aysan iyagu gacanta ku hayn uu u keenayo hoog iyo baaba’a ay ku waayayaan wixii ay boobeen, sidaas awgeedna waxa ay doonayaan in aan fursad caqli gal ah loo helin maaraynta arrimaha Soomaaliya, tan iyo inta ay ka xalaalaysanayaan degaanka iyo hantida dadkii lahaa ay barna laayeen barna  ka barakiciyeen.
  •       Hay’adaha: Kooxaha magaca samafalka kaga qaraabta deeq bixiyayaasha caalamka oo haatan iyagu isu arka in ay yihiin madaxda dhabta ah ee aan laga maarmin ee dalka Soomaaiya, waxay magaca iyo duruufaha adag ummadda Soomaaliyeed maanta haysta ku soo helaan malaayiinn Doollar oo aan wax xisaab ahi daba socon, Kenya ayay ka degan yihiin guryo qaali ah waxayna u nool yihiin sida maalqabeenada dunidda hodanka ah, hantida magaca Soomaaliyeed ay ku soo helaan waxaa dalka Soomaaliya ka gaara in ka yar 3% (saddex boqolkiiba),  danahooda dhaqaale waxa ay ku xiranyihiin qaarkood gudaha oo colaan ba’an laga abuuro ee kuma xirna oo kaliya macawinada dibada, tusaale ahaan waxaa jirta hay’ad qura oo bil walba mushaar siisa in ka badan 100 gaari oo tikniko ah.
  •      Ganacsatada Burburka: Kooxdani waa mid khatar badan u leh nabada Soomaaliya waxay haystaan maal fara badan oo ay ka tabcadeen burburkii dalka, sida dhoofinta Dhuxusha, xoolaha dhadig, warshadihii iyo hantidii taariikhiga ahayd ee dalka, waxaa kale oo jira kuwo samaystay garoomo iyo dekado ay gaar u leeyihiin oo ay iyagu canshuur ka qaadaan, isla mar kaana aan doonayn in la helo kuwo dadka ka dhexeeya.
  •     Dawlado horar ah: waxaa jira dalal dhawr ah oo aan doonayn in haba yaraatee Soomaaliya dawlad xor ahi ka dhalato ilaa ay ka xaqiijinayaan in dawladaasi tahay mid aan iyaga looga dhawayn hogaankeeda sare, waxaa kale oo aan tuhunsanahay inay jiraan dawlado iyo shaqsiyaad saamayn ku leh shirkan oo doonaya in shirku guuldaro ku dhamaado si fursad ay ugu helaan in ciidamo shisheeye oo xoog ku qabsada dalka Soomaaliya loo keeno. 

Kooxahan iyo kuwo kale oo dhawr ahi waxa ay haatan xoogooda soo saareen magaalada Eldoret ee dalka kenya, mid walibana waxa uu doonayaa in uu guul kala dheelmado goobta, iyagoo hadana aad moodo in ay dhexdoodu col yihiin oo ay kala jiidanayaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda raba tubtii ay mari lahaayeena caadku kaga oodmay.

Hadaba marka aan isku soo duubno shirkan dadka u yimid inay nabad iyo dawlad Soomaaliyeed oo xalaal ahi ka dhalato, waxaa ka xoog badan hase ahaatee ka tiro yar dadka u jooga in aan waxba halka ka soo bixin, ama ay ka soo baxdo awood farsamo ku dhalata oo xoojisa waxyaabaha dhibaatada ku haya Soomaalida oo dano gaar ahi ka dhex muuqdaan, tanoo ay xoojinayso xiisada siyaasadeed ee ka oogan Kenya iyo taag yarida ururka IGAD ee martida loo yahay.

Mudugonline.com

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001