Shirkii Eldoret oo laga cabsi
qabo inuu burburo
ELDORET, 6 Nov 2002 (MOL) - Warar isa soo
taraya ayaa sheegaya in Shirkii Somalida uga socday magaalada
Eldoret e wadanka Kenya uu galay marxalad aad xasaasi
u ah oo keeni karta burbur ku yimaada shirka iyo ismaandhaaf
kooxaha siyaasada dhexdooda ah. Warkaan oo aan ka helay
illo lagu kalsoon yahay oo jooga madasha shirka ayaa sheegaya
in qilaaf weyn soo dhex galay kooxaha Somalida ka dib
markii la galay wajigii labaad ee shirka. khilaafka ayaa
la sheegayaa in uu ku salaysan yahay kooxaha qaarkood
oo helay tiro ka badan saamigii ergada markii hore shirka
lagu yimid laguna heshiiyay taasna ay keentay inay isku
dheeli tirmi waayeen ergooyinka matalaysa kooxaha kala
duwan. khilaafkaan iyo jaahwareerkan ayaa la sheegay inay
inta badan ka dhalatay maamul xumo ka timid gudiga qaban
qaabada shirka iyo kooxaha qaarkood oo aan daacad ka ahayn
heshiis la gaaro.
Gudiga qabanqaabada shirka ayaa la sheegayaa
inay isku dayeen inay arintaan xaliyaan iyagoo hogaamiyaasha
kooxaha u qaaday meel ka yara fog madasha shirka si ay
iskula gorfeeyaan arimahan khilaafka keenay, wali lama
sheegin wax ay isku afgarteen hogaamiyayaashaas in kastoo
ay iska soo xuleen gudi sii falanqeeya arimaha la isku
hayo. Warar kale oo arintaas la xiriira ayaa la sheegayaa
in ergada Puntland ay ka warheleen qiyaanooyin loo aasay
oo ay ka dambeeyeen Dawlada KMG ah ee Carta lagu soo dhisay
iyo dhawr kooxood oo ay isku xulufo yihiin, khiyaanada
loo geystay ergada Puntland ayaa la sheegayaa inay la
xiriirto tirada ergada ka qayb galaysa wareegaan labaad
ee shirka oo looga hadlayo laguna lafa gurayo arimaha
ugu daran ee Somaliya isugu imaan weyday dhawr iyo tobankii
sanno ee la soo dhaafay. Dawlada KMG ah ee Carta iyo kooxaha
raacsan ayaa la sheegay inay ku qanciyeen gudiga qabanqaabada
shirka in Puntland la siiyo tiro ergo ahaan le'eg ama
u dhaw qabqablayaasha dagaalka ee Muqdishu oo qaarkood
matalayaan hal qabiil jufo ka mida, qaarkoodna labo ka
mida matalayaan hal jufo aysana ka talin hal xaafad ama
degmo, kuwaas oo haatan leh culays ama miisaan siyaasadeed
oo u dhiganta tan Puntland oo aan ognahay wadanka oo dhan
in ay 3 meelood oo meel ay hoos timaado Dawlad goboleedka
Puntland.
Dad kale oo isla shirka Jooga ayaa noo sheegay
in markii hore sidii loo soo dhaweeyay ergada Puntland
ahayd indho sarcaadis oo arimahaani hoos ka socdeen. Puntland
ayaan la ogayn illaa hadda in ay arimahaas ka dacwoodeen
iyo in ay damacsan yihiin inay ka baxaan shirka oo dhan
waxaase cad si aad u qaabdaran inay haatan wax ku socdaan
oo moodo gudiga qabanqaabada shirku inuu u dhaga nugul
yahay qayla dhaanta inta badan ka soo yeeraysa dagaal
oogayaasha Muqdishu si loogu kordhiyo tirada ergada kuna
guulaystay dhawr mar in ergooyinka loo kordhiyo.
Mudugonline.com
SOMALIA: Puntland to continue cooperating
with UN
NAIROBI, 6 Nov 2002 (IRIN) - The authorities
in the self-declared autonomous region of Puntland have
denied asking the UN to leave, stating they will cooperate
fully with the UN and other international aid agencies.
Abdishakur Mire Adan, the Puntland deputy
information minister, reacting to local media reports
told IRIN on Wednesday that Puntland had not asked the
UN to withdraw its staff. "Puntland has not asked
the UN or, for that matter, any other agency to leave
Puntland," he said.
The Mogadishu-based HornAfrik radio reported
on Tuesday that Puntland had asked the UN to withdraw
all its expatriate staff.
"Puntland Minister of International
Cooperation and Planning Hasan Ahmad has told me that
the UN withdrew its staff due a technical problem, but
they are expected to return soon," Abdishakur said.
A UN statement confirmed that the UN had
temporarily relocated three staff members for "technical
reasons".
"This week, the UN temporarily sent
three international aid workers from Bosaso to another
location for technical reasons, and they are expected
to return within a few days," said the statement,
issued on Wednesday by the Office of the UN Resident and
Humanitarian Coordinator for Somalia.
It went on to say that the UN reiterated
its commitment to the full implementation of the Memorandum
of Cooperation recently signed between the international
aid community and the authorities in Puntland.
"Puntland is fully committed to cooperate
with all aid agencies, including those in the UN system,
in the delivery of much-needed services to the people
of Puntland and those in the rest of Somalia," Abdishakur
asserted.