Wararka Mudugonline

IGAD OO LA LIICLIICAYSA SHIRKA ELDORET IYO MUDAHARAADYO KU BILOWDAY.

Gudiiga farsamada Igad gaar ahaan madaxda dawladda Kenya ee qaabilsan shirka eldoret ayaa la liicliicaya hagidda iyo dhexdhexaadinta kooxaha Soomaalida.

Guddiga farsamada ee Soomaalida u dhexeeyaa waa dad sharaf iyo magac jecel doonayana in uu guul ku dhamaado shirku, hadana ma aha kuwo ka maarma gacanta dawladaha waaweyn ee dul fadhiya shirka, xaalkooduna waxa uu u badan yahay laga jecli luda jecli.

Tan aan soo xusay ayaa waxa ay dhalisay in go’aamada iyo qorshayaasha shirku isku raacaa ayysan marnaba noqon kuwo meel mara, guddiga farsamadu waxa ay ugu yaraan shan jeer wax ka badaleen balamihii ergeeyinku ku yimaadeen magaalada Eldoret iyagoo aan marnaba kala tashan ergooyinka ka qayb galaya shirka, taasoo muujinaysa xaddiga awoodeed ee ay Soomaalidu ku leedahay go’aamada shirka.

Aan tilmaamee shirka waxaa jooga in ku dhaw kun ergay oo aan illaa iyo manta loo ogolaan in ay fariistaan madasha looga tashanayo aayaha Soomaalida, waxaa jira 350 ergay oo la siiyay kaarar ka duwan kuwa ergada guud haysato, kuwaasoo konton ka mid ah aan la aqoon cidda haysata, balse maba jiro wax farqi ah oo u dhexeeya dadka kaararka kala duwan haysta, marka laga reebo dhawr iyo labaatan nin oo madaxda kooxaha ah oo mararka qaarkood ay ku maxlaltaan go’aamo ay guddiga farsamadu horay u meel dhigteen.

Mudaharaad ka dhacay hoteelka shirka eldoret ee sirikwa ayaa beesha la baxday jareer wayne waxay ku soo bandhigeen hakudhigyo Dhiigu tifiqleeyahay oo ay ka kid ahaayeen;

Ø                 Down civil Society. (ha dhaco civil Society)

Ø                 Igad was missled. (igad waa la marin habaabiyay)

Ø                 No more Apartheid in Somalia. (mar danbe lama iibinayo dadka Soomaaliyeed)

Ø                 Down discrimination in Somalia. (xaqdigu/dulmigu ha jabo soomaaliya)

Dadka Mudaharaadayay ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin dadka xuquuqdoodii loo boobay ee la yiraahdo Civil Society-ga oo aysan garanayn meel laga keenay, Sildaanka Golaha Dhaqanka Beelaha Jareer Suldaan Sheekh Axmed Rashiir ayaa ii sheegay in aysan qofna ku lahayn waxa la yiraahdo Civil Society oo xaqoodii lagu dhacay, haweenay kor u qaylinaysa oo ka mid ahayd koox haween iyo rag oo mudaharaadkan hogaaminayay ayaa sheegtay in aysan manta iyo beri midna wax cuni doonin inta xaqooda looga soo celinayo.

Ma aha oo intaas oo kaliya ee Beesha Jareer weynaha la baxday waxa kale oo ay raadinaysaa in loo aqoonsado Beesha Shanaad ee Soomaaliya lagana dhex saaro waxa la yiraahdo Others-ka.

Intaas ma ahayn qaylo dhaantii maaanta ka dhacday ee waxa iyaguna dhinacooda ka cabanayay dadka ka soo jeeda Beelaha degaanka Jubada dhexe, Jubada Hoose  iyo shabeelada hoose, ee ka ka midka yihiinSheekhaasha, Harti, Biyamaal,Jareer bantuu, Gaaljecel, Cawramale, Wardeey, Absame iyo qaar kale.

Gudoomiye ku xigeenka ururka USC/PA (Shiikhaal) Mr. Nuur Maxamed Xasan  oo  u hadlayay  beelaha degaankaas   Dr Muuse Xusen Cabdi ayaa si wadajir ah iigu sheegay in aanay jirin cid degaankaas u dhalay oo si rasmi  loogu marti qaaday shirkan, wuxuuna intaas raaciyay Nuur Maxamed in dadka degaankaas ee hadda Eldoret joogaa ay isugu jiraan shaqsiyaad iskood isu soo xil qaamay iyo kuwo ay iska soo wateen hogaamiye kooxeedyada Muqdisho

Waxaa qabnaa ayay yiraahdeen in degaan ama qabiil lagu qaybiyo guddiyada 90ka ah ee haatan la qabanayo, mana jirto wax kale oo aan aqbali karnaa ayay intaas ku sii dareen.

Musuqmaasuqa sii baahaya iyo cabashooyinka isa soo taraya ee shirka Eldoret Ma jirto cid la wadaagta Guddiga farsamada iyo madaxa dawladda Kenya u matalaya shirkan, Mr. Mwangale oo maalin walba soo kordhinaya arrimo cusub oo niyad ku ridaya dadka Soomaaliyeed.

Tiro dhaafka ergada ah ee ku sugamn magaalada eldoret oo qaar badan oo ka mid ah ay ka soo faalaleen dalka Kenya dhexdiisaayaa wararka qaar sheegayaan in laga iibiyay kaararka xubinimada ergada, guddiguna waxa uu ka cabsi qabaa in ay arrintaasi keento xarax haddii ay soo bandhigaan in shirka sidiisii hore lagu socodsiiyo.

Sidoo kale waxa ay guddiga farsamadu badaleen habkii markii hore loogu talo galay shirka ee ahaa in saddex waji loo kala qaado, iyadoo aan Soomaalidu arrintaas waxba kala socon, waxayna gudoomiyeen in aan loo kala kicin fadhiyada guddiyada IGAD iyo kuwa caalamku u fadhiyaan Eldoret, Soomaaliduna huteelada iyo maqaayadaha u buuxdo, arrintan waxa ay keeni kartaa in go’aanada soo baxayaa noqdaan kuwo aan laga fara buuxsan oo degdeg iyo caadifad ku dhasha.

Arrinta ugu danbeysay ee lagu dhaliilayo guddiga ayaa waxa ay tahaya shax ay shalay galinkii danbe u soo bandhigeen madaxda kooxaha oo ah cidda kaliya ee ay shirarka la yeeshaan, shaxdaas ayaa waxa ay ku soo bandhigeen in tiradii horay laysugu ugaa loona qaybsaday beelaha ee 300 ahayd ay ku kordhiyeen 100 kale oo ay iyagu qaybiyeren dadna u xuleen intooda badan, qorshahan cusub ayaan inaba lagu soo darin, RRA, SRRC, STG, Puntlaand; haka wax ka badan 25% midkiiba loo kordhiyay Qanyare, Nakuru grouo iyo wax la yiraahdo Civil Society oo inta badan hormuudyadooda ay ka soo xulaan dad ku xiran mid ka mid raga la tuhunsan yahay in ay isu soo sharixi doonaan madaxnimada dawladda dhismaheeda la hadal hayo.

Ma jiraan wax dadaalo ah oo ay guddigu habba yaraatee ku luminayaan in xal loo helo khilaafaadyada gudaha ee Soomaalida, taas badalkeediina waxaad moodaa in ay dhiiri galinayaan qaybsanka koox kasta ama degaan kasta dadka ka yimid.

Shirka Eldoret ayaa madaxda Soomaalida ee ka qayb galaysa waxaa la miuuqda samir iyo dulqaad aad u fara badan oo ay ku doonayaan in xal looga gaatro dhibaatada daba dheeraatay ee ka jirta Maanta Soomaaliya, hase ahaatee waxa muuqata in guddiga farsamada iyo dawlado ajnabi ahi ay ka faa’iidaysanayaan dareenkaas ay doonayaan in ay arrintan uga faa’iidaysaan dano gaar ah oo ay leeyihiin, waxaa kale muuqata in fara galinta dheeraadka ah ee shaqsiyaad iyo dawlado ajnabi ahi ay wadaan ay isu soo dhaweynayso kooxaha Soomaalida qaarkood oo muddo kala fogaa; balse waa u wada joognaa waxa ay ku danbayso.

Maxamed_deeq Cabdulqaadir
Eldoret
Kenya

Tel: 00254 722 21 75 75
E-mail Maxdeeq50@hotmail.com.

 


 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001