Wararka Mudugonline

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Dhuudo.

Bosaaso, 31 Dec 2002 (MOL) - Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya aaga dagaalka deegaanka Dhuudo ayaa sheegaya in ciidamadii Jamac Cali Jamac looga xoog roonaaday dagaalkii shalay, wararka ayaa intaas ku daraya inuu halkaas ka dhacay dagaal ba'an oo ciidamadu faraha iskula tageen iskuna adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Maleeshiyada Jamac Cali Jamac oo uu hadda hogaamiyo Gen. Cadde Muuse oo kaga soo biiray wadanka Kanada ayaa la soo sheegayaa inay u firdhadeen dhinaca Badda. dhaawacii labada dhinac ee dagaalka ayaa lagu soo uruurshay tuulada Dhuudo loona soo wadaa magaalada Qardho iyo Bosaaso.sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf (hoos ka akhri) ayaa lagu sheegay in firxadkii ciidankii Jamac Cali lagu dabo jiro lagana qabsaday deegaankii lagu dagaalay intii badnayd ciidankaasna gacanta lagu hayo.

Qasaaraha ka dhacay goobta dagaalka ayaan wali lahayn, waxaa la rumaysan yahay in dagaalkaan noqon doono kii ugu qasaare badnaa oo ka dhaca Puntland dhexdeeda, labada ciidan ayaa si mitidnimo ah u dagaalay iskuna helay dhul aan gabaad lahayn oo buuro iyo godad u badan. waxaan wali raadinaynaa xog saxa sidii wax u dhaceen walina way adag tahay in la helo xog faahfaahsan iyo qasaaraha dagaalku geystay.

Warar aan wali la soo xaqiijin oo Bosaaso naga soo gaaray awalna lagu soo wariyay website-ka Allpuntland ayaa la sheegayaa in meydkii ciidamada Jaamac Cali Jaamac qaar ka mida ay ka soo jeedaan beesha Hawiye. haddii warkaan xaqiiqo noqdo ayay arintaani noqonaysaa markii ugu horaysay oo Dawlada KMG ah Carta ciidankeedu ka dagaalaan Puntland dhexdeeda. Dawlada Carta ayaa horey u sheegtay inay Jamac Cali Jamac kala saxiixdeen heshiis wax wada qabsi, lamase ogayn in heshiiskaas ku jiray caawimo ciidan oo lagu kordhinayay maleeshiyada Jamac Cali Jamac. Maamulka Puntland wali arintaas wax wara kama soo saarin.

Waxii ku soo kordha dagaalka oo war la soo xaqiijiyay ah kalo soco Mudugonline.com

Mudugonline.com



BREAKING NEWS

There was a heavy fighting yesterday, December 30, 2002 in and around the village of Dhuuda 160 KMs to the south of Qardho.

This was started by anti-puntland rebels to break through the seige of Puntland forces.

This resulted in the surrender of 185 rebels militia and capture of almost all their military hardware. Only two technicals fled to the eastern coast area of the country. They are being chased and will be likely captured shortly.

Details of casualties in life are still inconclusive.

The new development will hopely close a chapter in Puntland stability as rebels have been soundly crushed and law and order fully restored throughout Puntland State.

In another unrelated development, the Parliament of the State of Puntland will convene in the Capital City of Garowe shortly in an ordinary session of the House as the entire Executive Branch of the Government has moved back to Garowe.

The President of State will attend this opening session of the House.

Puntland Presidency,
Puntland State of Somalia

Source:Allpuntland


Maqaal:Mudulood iyo rajada Eldoret

Waxaa maanta Somalida isugu tagatay Magaalda Eldoret ee dalka Kenya si xal loogu helo dhibaata joogtada ah ee aan dhamaaneyn. Waxaad mooda maanta in rajada laga leeyahay si loo helo dowlad loo wada dhan yahay ee ay ficantahay. Waa jiraan dhibaatooyin yar-yar sida ayadoon la dhammeystirin Qaybti 2aad (Phase 2) in leysku dayay in loo gudbo Qaybti 3aad (Phase 3) iyo in lagu heshiiyay Gole 450 ah oo Soomaali awood u la hayn, dalal ka tira badan ama ka dhaqaale badan ayna suubsan karin Gole inta dhan iyo ayadoo Soomaaliya ay qeybi maqantahay maanta.

Reeraha Soomaaliyeed ee Shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Muddullood oo ka kooban Ciise Muddullood (Ujeejeen), Hilibi Darandoole Cismaan, Elaaway Cismaan, Abagaal Cismaan, Moobleyn Cismaan iyo Wacdaan Cismaan. Reerahan Soomaaliyeed waxay deggaan laga soo bilaabo Faax ee ku taal Degmada Xaradheere (Mudug) illa iyo Baraawe (Shabeellada Hoose). Waxay kaloo deggaan Gobolka Hiiraan, sida Ujeejeenka oo kale, Abgaalkuna wuxuu ku faafsan ilaa iyo Buur-Hakaba ( Bay) iyo Kisimaayo ( Jubbada Hoose).

Waxaa ka mid ah ragga caanka ah ee ka dhasy reerkan seddex qof oo ah aasaasayaashi Ururki SYL ee xuriyadi Soomaalida Koonfur keenay oo kala ah Cismaan Gheedi Raage, Maxamed Cali Nuur iyo Maxamed Faarax Hilowle, Madaxweynihi ugu horeeyay ee Soomaliya ahna aasaasihi Qaranka Soomaaliyeed (Founding Father of Somali Nation) Aaden Cabdulle Cismaan, Aasaasihi Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daa'uud Cabdulle Xersi, Gen. Salaad Gabeyre Kediye ninki sameeyay Kacaanki 21ka Oktoobar, Gen. Xuseen Kulmiye Afrax oo aha Madaxweyne ku-xigeen, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxweynihi xilka loo dhiibay marki Siyaad Barre dalka laga saaray, Qareyn Ismaaciil Jimacaale oo aha aasaasihi Manifesto, Muxidiin Badar oo aha ninki bilaabay dagaaliki hubeysnaa ee USC iyo rag kale oo saraakiil ah ee soo qabtay hoggaanka USC ama dejiyay qariidadi lagu xoreeyay Xamar.

Maanta Muddullood wuxuu diyaar u yahay in Soomaaliya loo helo nabad waarta, qofki leysku raacana ay madax noqoto, dadka Soomaaliyeedna ay nabad ugu noolaadaan meesha ay doonaan, wixi dhibaata lakala tirsanaayana si xal ah loo dhammeeyo. Muddullood wuxuu ku ammaanan yahay in marki dalka laga saaray Siyaad Barre in ay u direen wafdi nabadeed Bari iyo Gedo si loo heshiiyo, wixi dhibaata ah oo ay gesteena uga raali geliyaan reeraha ay booqdeen, dagaalkoodana ku saleysneyn mid qabiil oo uu aha la dagaalama xukun.

Maanta Muddulloodka Eldoret jooga waaa ineey fahmaan in loo baahan yahay mowqif mideysan iyo hoggaan mideysan isla markaana tixgelin gaar ah la siiyo walaalahood sida Hiibi Darandoole, Moobleyn Cismaan, Ilaawaay Cismaan iyo Wacdaan Cismaan oo runti ah dad xadaarat dheer leh, laguna
taagyeero, wix awood ahna lagu daafaco.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow, Guddoomiye
Golaha Midnimada Muddullood (GMM)

 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001