Wararka Mudugonline

Dagaal ka qarxay deegaanka Dhuudo

Bosaaso, 30 Dec 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in maanta dagaal qaraar ka dilaacay deegaanka Dhuudo oo ay beryahaanba isku horfadhiyeen ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidan daacad u ah Jamac Cali Jamac. dagaalka oo ka dhacay tuulooyinka qadad iyo Jadad oo Bariga uga toosan magaalada Qardho ayaa bilaamay saaka subaxnimadii, dagaalka saaka oo aan la ogayn qasaaraha dhabtaa ee uu geystay ayaa labada dhinacba sheeganayaan inay iyagu midkoodba midka kale ka gacan sareeyo. wali lama xaqiijin karo cida dagaalka bilowday balse waxay u egtahay in Ciidamada Daraawiishtu dagaalka qaadeen marba haddii iyagu beryahaanba ku sii siqayeen deegaan Dhuudo.

Xogogaal jooga magaalada Bosaaso ayaa noo sheegay inay wali adag tahay in la helo xog dhab ah laakiin wararku waxay u badinayaan in labada ciidan ay isgaarsiiyeen qasaarooyin waaweyn oo naf iyo hantiba leh. dad ku dhaw ciidamada daraawiishta ayaa sheegaya in Maryo calas badan is dhiibtay, firxadkii ciidamada Jamac Cali Jamacna wali lagu dabo jiro. dhinaca Jaamac Cali ayaa iyagu sheeganaya inay guulo ka gaareen dagaalkaas, iyagoo sheegay inay ciidamada Daraawiishta ku qasbeen inay dib ugu soo nqodaan aaga Qardho kana qabsadeen illaa dhawr gaari oo Teknika ah.

sida muuqata dagaalkaan waa ka duwan yahay kuwii hore, iyadoo wararka laga helayo dagaalkaan aan inta badan lagu kalsoonaan karin, dagaalkuna ka dhacayo meel eero go'an ah oo aan lahayn qalabka isgaarsiinta. labada ciidan oo dagaalaya ayaa waxa cad inay kala tayo roon yihiin iyadoo Ciidamada Daraawiishta ay yihiin ciidamo leh tababar Milatary kuna qalabaysan hub culus. halka Kuwa Jaamac Cali ay yihiin ciidamo Maryacalas ah oo laga soo aruurshay baadiyaha deegaanka gobolka Bari. Puntland oo dagaal dhexdaada isku gumaada ayaa waxuu u yahay cadowgeeda fursad wanaagsan oo ay ku burbirin karaan Dawlad goboleedka Puntland dadkeedana lagu duudsiin doona xaqoodi xooga looga soo eryaday.

Waxii ku soo kordha dagaalka oo war la soo xaqiijiyay ah kalo soco Mudugonline.com

Mudugonline.com


 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001