Wararka Mudugonline

Mwai Kibaki oo ku guulaystay doorashadii Kenya

Nairobi, 29 Dec 2002 (MOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in doorashooyinkii wadankaas uu ku guulaystay ninka lagu magacaabo Mwai Kibaki oo hogaaminayay mucaaraadka wadanka Kenya ee "National Rainbow Coalition (Narc)". musharaxa xisbiga talada haya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in doorashooyinka looga guulaystay.

Madaxweynaha Kenya Danial Arap Moi ayaa sheegay in lala shaqeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay, waxuuna ciidanka iyo poliskaba amar ku faray inay hadda ka dib ka amar qaadanayaan Mwai Kibaki. Dawlada Kenya ayaa moodaa inay si nabad galyo ah uga gudbeen qalalaase ka dhalan karay Doorashooyinkan oo caadiyan Dawladaha Afrika aysan ku guulaysan qabashadooda.

Dadyoga ku nool bariga Afrika ayaa la filayaa inay arintaan ka tusaale qaataan, iyadoo la filayo in doorashooyin la mida lagu arki doono wadamo badan oo afrikada bari ah. dhinaca kale Somalida Kenya ayaa iyagu waxaad moodaa inay wali daacad u yihiin xisbigii talada wadanka hayay ee Kanu. arintaas ayaa laga yaabaa inaysan Dawlada cusub oo aqlibiyad badan ka haysata qabiilka Kuukuuyada oo wadanka ugu badan aysan soo dhawayn Somalida wadanka iyo qaxootiga Somalida oo tiro badan ku jooga.

Mudugonline.com


Cabsi dagaal oo wali ka jirta deegaanka Dhuudo

Bosaaso, 29 Dec 2002 (MOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaankaas wali ka jirto cabsi laga qabo dagaal ka qarxa deegaankaas. magaalada Qardho ayaan haba yaraatee aan laga helayn wax wara iyadoo qadkii isgaarsiinta ee telefoonada iyo fooniyayaasha ay wali go'an yihiin. wararka illaa hadda la helayo ayaa ka imaanaya dad socdaalka ah ee soo gaaraya magaalada Bosaaso. magaalada Qardho gudaheeda ayaa waxaa lagu dilay todobaadkaan gudoomiyihii degmada allaha u naxaristee Abdirisaaq Maxamed Jaamac, dilka gudoomiyaha ayaa waxaa ka soo baxaya warar isqilaafsan. gudoomiyaha ayaa waxaa toogasho ku dilay nin dablay ah. ninkaas ayaan wali la soo xaqiijin in gacanta lagu dhigay iyo in kale.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay hadda kaabiga u fadhiyaan boholaha dhuudo oo ay ku sugan yihiin ciidamo wali taageersan Jamac Cali Jamac. dad badan ayaa isweydiinaya xikmada ka dambeysa dagaalk hadda ka qarxa Puntland iyadoo Somali oo dhan isugu tagtay magaalada Eldoret sidii ay u heshiin lahaayeen.

Mudugonline.com


Maxaad kala socotaa General Cadde Muuse iyo sidii uu ku tagay deegaanka dhuudo

Bosaaso, 29 Dec 2002 (MOL) - Ciidanka Jaamac Cali Jaamac ee ku sugan deegaanka Dhuudo ayaa hadda waxaa hogaaminaya General Cadde Muuse oo dhawaan ciidankaas kaga soo biiray magaalada Ottawa ee Dalka Kanada. General Cadde Muuse oo ahaa Sarkaal ka mida ciidankii xooga Dalka haatana ah nin da'weyn ah kana soona qabtay shaqooyin kala duwan Dawladihii hore, kana mid ahaa jabhadii SSDF ayaa ah nin lagu yaqaan nabada jeceylka. dad badan ayaa wali waxay isweydiinayaan sida uu ku tagay General Cadde Muuse deegaanka dhuudo. Warar magaalada Ottawa la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Generaalka dad ay isku beel yihiin u sheegeen in uu hogaaminayo gudi nabadeed oo wada hadal la yeelan doona Maamulka Cabdulahi Yusuf.

Qorshahaas General Cadde Muuse lagu geeyay deegaanka dhuudo ayaa ka dib isku badalay mid milatary iyagoo taageerayaasha Jamac Cali Jamac baahi u qabeen inay helaan sarkaal ciidan oo leh magac uu ku soo jiidan karo taageerayaal ciidan oo iska Caabin kara Daraawiishta Puntland. arintu si kastaba ha ahaatee dad aqoon u leh sarkaalka ayaa noo sheegay inaysan suuragal ahayn in General Cadde Muuse oo Puntland dibada uga maqnaa 20 sanno haatan dib ugu noqdo isagoo hogaaminaya jabhad hubaysan.

Mudugonline.com

 


Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:28/12/02

1) Amaanka magaalada Muqdishu oo ka sii daraya.
2) Maamulka Somaliland oo soo jeediyay in xal nabadeed loo helo Sool iyo Sanaag
3) oday ka mida odayaasha gobolka Mudug oo ka hadlaya nabadgalyada gobolka.

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:27/12/02

1) waraysi lala yeeshay Dahir Mire Jabril oo xubin ka ah gudiga diyaarinta Dastuurka iyo arimaha Fedraalka.
2) Maamulka Isku magacaabay Somaliland oo ka hadlay arimaha Sool iyo Sanaag.
3) Laba beelood oo dagaal ku dhex maray magaalada Muqdishu iyo warar kale.



 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001