Wararka Mudugonline


Qoraalada Maanta ee akhristayaasha waxaa ka mida:

>DAAWADA KHILAAFKA PUNTLAND WAA DULQAAD:
>
Reer Magaal, Baysaani, Wadaninimo
>
Ma danqaday Daarood
>
waraysigii cabdi Shakuur mire Aadan

DAAWADA KHILAAFKA PUNTLAND WAA DULQAAD: Fadlan Colaadda Joojiya

                                                                                                 Saciid Shidaad, 25/12/02

Wax kastoo la sheego, 4 arrimood bay ka kooban tahay xaqqiiqada dhibaatada Puntland:

1)      Inta uu nool yahay hogaanka hadda jira ee Punt dhulkaasi kuma naaloon doono nabad iyo horumar. Wuxuu ahaanayaa wax asagu isku foogan oo aan lahayn xigmad ama xoog uu ku raadsado xuquuqdiisa iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan. Banii aadamku 3 dhacdo ayuu cid ku bartaa. Innagase waxaaba ina hortaal taariikh 22 sano ah.

2)      Hogaanka kaligi mas’uul kama ah ee dadka ayaa la qaybsaday dib u dhaca iyo dibin daabyada ku daa’imay carro Punt. Ayagoo looga digayo ayay bilowgiiba isu dabciyeen. Soo noqoshadii madaxa hogaankaas ee dhammaadkii 1991, dad xog ogaal ahi waxay ku macneeyeen: dhammaadkii midnimada SSDF. Go’aankii Garoowe ee 1998, dad kale ayaa u qaatay bilow dagaal. Runtii dadka qaarkipuntlandwaxay ku macneeyeenbuntukhland’. Nin ayaa sii saadaaliyay: Puntland = Exxon Valdez. Exxon Valdez  wuxuu ahaa markab saliid ah oo kabtan khamraysani ku hogaamiyay darbi, ka dibna ku halligay naflihii halkaas.

3)      Shar isugu kaalmayntaasi waxay gayaysiisay dadka gobolka inaanay maanta kaalin ku lahayn aayahooda, haysanna  cid dhagaysata hadalkooda, waxna ka qaban Karin nasiib darrada haleeshay hoygoodaQore ayaa dhawaan Punt xusuusiyay: ‘Wadkeed u yeeratoy wiiqwiiqi ma kaa yeertay’. Qore kalana wuxuu u sheegay: ‘Wixii ku gaara waad galabsatay’.

4)      Laakiin xaqiiqada kharaar oo ina hortaal waxay tahay: Fal kasta oo dagaal oo isku dayaya inuu joojiyo guul darradaasi, wuxuu sii kordhinayaa guul darrada. Dadka sababay guuldaradu macquulnimo iyo xisaabtan dan kama laha, markaa xigmadi kuma jirto la ficiltankooda.

Hal sano ka hor waxaan raadinnay inaan dadka xusuusinno: natiijada duulaanka la abaabulayaa ma noqon doonto kala bax kooxeed, ee waxay noqon doontaa kala dhimasho ummadeed.

Kuwa hadda duulaankaas ka ficil qaadanaya waxaan xusuusinaynaa:

Waxaan la aqbali Karin waa la aqbalaa, haddii laga fursanayo wax ka sii xun. Boqorkii  Jabaan 1945 wuxuu u sheegay dadkiisaWaxaan aqbalnay waxaan la aqbali Karin oo ah inaan isdhiibno’. Isdhiibidda ayuu ka doorbiday naxariis darrada kuwii u adeegsaday atoomigga. Waan ogsoon nahay in dad badani  hogaankan u garbeeyeen, ama u gacan haadiyeen ama u gole buuxiyeen. Tani waa masiibo, laakiin jawaabta masiibadu waa samir. Waa fidno, laakiin ka ficiltanka fidnadu waa sii kala fogaan ee maaha faa’iido. Waa dagaal sokeeye, oo shisheeye ku hoos jiro, kaasna laguma kala adkaado.

Waxaan ka baqayaa in qamuunyadiinna maanta ay noqoto qoomamadiinna berri, in cara idan la tagtay oo aad caqligii lumiseen, inaad ku dayateen kuwii gardarraystay. Lagaba yaabee idinkoo aan dagaal u jeedin in la idan soo weeraro. Waxaanse aaminsanahay inaad aqbashaan waxaan la aqbali karin. Taasoo aan ahayn hubka oo aad tuumisaan, ee ah helitaanka xikmad badbaado iyo xeelad aan dagaal hayn. Taasoo aan ahayn aqoonsiga gardarroolaha, ee ah samirka iyo dulqaadka oo lasii wado.

Kuwa hogaanka taageera waxaan xusuusiyay:

Waxaad noo sheegtaan inaad difaacaysaan wax la yiraahdo Puntland. Laakiin waligiin nooma aydaan kala saarin: Puntland ma dad iyo dalbaa, mise waa qof iyo jago! Hadday dad iyo dal tahay, dadkii waa kala dhintay, dalkiina waa baaba’ay. Waxaad noo sheegtaan in taliyihiinnu yahay qofka kaliya ee wax dhisi kara waxna soo dhicin kara. Laakiin wali waxaa la idiin ka fadhiyaa guri aad dhistaan iyo goob aan gudaha ahayn oo aad hogaamisaan. Waxaa la idan ku eedeeyaa: taliyihiinnu wax ma xukumi karo, cid kalana uma ogola inay wax xukunto. Waxaa la idanku xantaa  inaad taliyahaas u taageertaan oo kaliya: Xukun, xurquun ama xigtaysi! Taasi ma idan la tahay wax qof ku seegi karo aakhiradiisa iyo ummaddiisa?

Sowma ogidin in cimriga taliyihiinnu xadidan yahay! Sowma aragtaan lahanka xanuunka badan oo siyaasaddiinnu ku lartay aayaha ummadda! Sowma ogidin in Ilaah iyo taariikhdu qorayaan tacabkiinna! Maxaad ubadkiinna ugu marxinaysaan godob iyo inkaar?

Suurta gal ma tahay inaad taliyihiinna dib ugu noqotaan oo tiraahdaan, taliyow dadkii waa kala tagay dalkiina ma toosna ee maxaa tala ah? Mise idinkuna ma aftaqaanaan taliyaha?

Saciid Shidaad
Saciid1965@aol.com


Reer Magaal, Baysaani, Wadaninimo iyo reer Waqooyinimo waa Erayada Daaroodka Qadiyad la´aanta ka dhigay.

Waxaad moodaa Sirta sida ay Daaroodku u fakiraan in la jabsaday oo ay dhacdo in iyaga oo loo dhoolo cadaynayo Dhagax meel taagan oo aan Qadiya iyo Qabiil midna lahayn laga dhigo.

U mana baahna Qofku in uu Sixirka wax ka yaqaan si uu Oday ama Siyaasi Daarood ah Qadiyada Dadkiisa uga duwo, loona gaarsiiyo in uu Qabiil kale qabaan u noqdo oo Qadiyad Qabiil kale daafaco.

Waxaa kaliya oo ku filan Odayaasha Daarood si Qadiyadooda looga duwo waa intaad lahjada Xamar ku hadashid oo aad Cod waynayso inaad tiraa Erayga ah

„Walahi Odaygaan ma aragtay waa Nin wadani ah oo Qabiilkiisa shaqo kuma leh haddii uu doono ma aragtay Qabiilkisa Qori Dab ah buu qabad siin“ ama in aad tiraahdid „Odaygaan ma aragtay waa Lafahii hore oo Qabiil shaqadiis ma ahan“,   sidaas ayuu Odaygii isaga oo aan Bidix iyo Midig midna fiirin si uu Shahaadadaa lagu sharfay u shaqaysto Qabiilkiisa Qori Dab ah u qabadsiin.

Dhaniliyarad Daarood ayaa iyana Dhagartaa ka badbaadin oo iyagana erayaga reer Magaal, Baysaani iyo Ciyaal Xaafad la isticmaaliyo Dhagax aan Dhug lahay oo waxa dhacay ka Dhoohan  looga dhigaa.

Waxaana Erayadaa badanaa loo isticmaalaa Markii aad Qofka in uu Qadiyadaada taageero tiisana ka tago rabtid, waxaana la dhahaa intaad Codka la waaweeneeyo oo lahjada reer Xamarka lagu hadlo „ Ninkaan ma argatay wallaahi waa Nin akhyaar ah, ama Ninkaan waa Baysaani oo waa nin reer Magaal ah, Qabiilna shaqadi ma ahan ama Ninkaani waa nin boqor ah“, sidaas ayuu Ninkii dhalin yarad ah ee reer Puntland Qadiyadii la doono Qareen difaaca looga dhigaa.

Isaaq ayaa iyana si ay Daarood bar u goostaan abuurtay Erayo ay wax ku jilaabtaan waxayna dhahaan „ Waar Ninkani waa Nin reer Waqooyi ah ee Faqash ma ahan ama waar waa Hargaysaawi ama Burcaawi waana Nin Somalland ah ee Puntland maxaad kala dooni, waaba Nin reer Sool ah ama Sanaag ah,.ama war waa Dad aanu is Dhaqan garanayo oo aamu Meel wada dagno“ ujeedada waxaas oo dhan looga gol leeyahay waa in Qof reer Puntland ah ama guud ahaan daarood Qadiyadiisa looga dhumiyaan.

Iyada oo ay Daaroodka Badi u kala dhexayn oo isku Deegaan yihiin isku Dhaqana yihiin waliba u sii dheertay in ay isku Isir iyo isku Dhiig yihiin ayaa hadana Qaabka ay Isaaqu ama Hawiyuhu Hadalka u dhahayaan ayaa isku Qobtalaya Dad aan is qaadan karin oo Isaaq iyo Daarood kala ah iyo kuwo Daarood iyo Hawiye kale ah,  keenayana in uu Dad badan Qadiyadooda ka tagaan iyagoo raba in ay qanciyaan Qofkaa sheegtay iyo si ay u qaataan shahaadooyinka kala ah Baysaani, reer Magaal , Ciyaal Xaafad, oday, lafihii hore  ama reer waqooyi.iyo wadani  iwm.

Xaqiiq waxaa ah in Erayadaas ay Siyaasada Somaliya Raad wayn ku leeyihiin, Qofkii u dhabagalaana uu dareemi karo awooda sixir ee ay Erayadaasi xambaarsan yihiin iyo in Erayadaas Aabe u yihiin in Daarood Aduunka ku kala abaado oo ay iloobaan in Walaalnimo Dhiiga ah oo ka xoog badan Baysaanimo iyo reer Waqooyinimo ka dhaxayso.

mahadsanidin
mjagne@hormail.com

 


Ma danqaday Daarood Daacadnimo hadalkii Suudi Yalaxow?

Marka hore waa kuma Suudi Yalaxow?

“Mudane Suudi Yalaxow waa nin ku caanbaxay inuu runta sheego iyo waxa uu qabo ee Uurka ugu jira waana siyaasi ku soo caanbaxay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya waraysigiisii ugu dambeeyeyna wuxuu ahaa jawaabtii go’aankii ka soo baxay shirkii hoggaamiyaasha Hawiye ee Eldoret ”.

Waxaa muddo dheer dad badan oo beelaha Hawiye ka mid ahi rumaysnaayeen welina rumaysan yihiin sida uu Mudane Suudi Yalaxow u hadlay. Dariiqyada, Goobaha Qaadka lagu cuno iyo Biibitooyinka Muqdishu ayaa laysku weydiiyaa su’aasha ah“ haddii Daarood iyo Digil & Mirifle laga saaray magaalo madaxdii Muqdisho maxaynu ula gorgortamaynaa maynu niraahno Dowlad baan nahay idinkuna raacayad baad tihiin ee is-dhiiba oo hubka dhiga”.

Qolyo kale oo kuwaas ka fikrad duwan ayaa qaba inaysan xaaladdu sidaas sahal u ahayn ee loo baahan yahay in wax la kala dabiro oo siyaasad la isticmaalo lana helo danaystayaal Daarood iyo Digil & Mirifle si denbiilaha Hawiyena nabad u helo oo aan loogu sheegan wixii uu dhacay dhul iyo maal kuwaas oo Suudi Yalaxow ugu yeeray Mujaahidiin kuwii carruurta iyo haweenkii deriska la ahaa gumaaday.

Dhanka kale in badan oo Beelaha Daarood iyo Digil & Mirifle ka mid ah ayaa og fekerka noocaas ah ee ay qabaan kuwa hogaamiya beelaha Hawiye, waxayse markasta raadinaayeen sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa taasoo ka muhiimsan ku habar wacashada qabiil iyo colaad qabiil ee la sii huriyo sida maanta laga aaminsan yahay Muqdisho ee Muuse inoo sheegay.

Haddaba Su’aasha is weydiinta leh ayaa waxay tahay, Daaroodkii, Digil & miriflihii iyo Soomaalida kale ee Guryohoodii laga soo saaray , hantidoodii
la dhacay, hablohoodiina la kufsaday ee qaranimada raadinaayey maxaa la gudboon ?

Haddii Muuse uu sheegay hogaanka Soomaaliyeed in ay leeyihiin wuxuu ugu yeeray mujaahidin, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in cid walbaa degaankeeda ku ekaato kana tashato danteeda iyo horumarkeeda inta laga helaayo dad fahansan waxa qaran yahay iyo cidda ay tahay inay hogaamiso. Midda kale kuwa uu Muuse sheegay ee isku dhererinaaya Hoggaamiyayaasha Hawiye ee awooda badan, sida uu Suudi yiri, ha ogaadeen meesha ay fariisanayaan iyo cidda ay matalaan.

Waxaan sugeynaa inta laga soo durkaayo nolosha duur-joogta lana baranaayo in
caqliga wanaagsani taliyo.

Faarax Jaamac
Farahjama77@hotmail.com


waraysigii cabdi Shakuur mire Aadan

Salaama Calaykum

Waxaan dhegeystey wareysigii cabdiskur Mire Adan siiyey Horn afrik iyo kii Ruunkinet.com
Wuxuu cambareyn ugu soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland isagoo ku tilmaamay qabiileyste,ku tarki falay qaybinta ergada waayo Cabdishakuur ayuu ku dari waayey
hore ayaan u akhriyey warbiximoo uu lahaa Cxabdi shakuur markuu halganka ugu jirey bal in dawladda Cabdillaahi Yusuf hoggaamiyo ee Puntland in waxa laga siiyo.
Kas xumada Cabdi shakuur waxay geyeysiisiey in uu Cambaarayn u jeediyo Maxamed Cabdi Xaashi kuna tilmaamo qabiileyste.

Dhab ahaan Maxmed Cabdi Xaashi kuma tarki falin qaybinta ergada mana suura geli karto, oo nin kastoo waxa garad ahi wuu garan karaa in aanu kelidii la tashi la'aaan wax iska qaybin karin
dhammaan ergada Puntland ee ruug caddaayada u badan waa lagala taahsaday,Madaxweynaha Puntland wuu ogyahay waana ka raalli qaybkaan.
Cabdishskuur oo ahaa wiil yar oo aad u fudud hadalkana aan ka fiirsan markii hore khalad loogu soo daray ergada ayaan loo yeerin.markaas taas macneheedu maxay noqon.

Cabdi shakuur waxaa loo sheegey in rag uu ka mid yahay aan boos loo hayn ayna habboon tahay in ay ku noqdaan Puntland.

haddiiba inna wax maskax ah madaxiisa weyn ay ku jirto hadaladacaynkaan ah madasha lama yimaadeen.
wakhtigaan adag ee nin walba arrintiisa siraysanayo.


Cabdi shakuur haddii aad garatay in Maxamed Cabdi Xaashi uu Bocame tago, maxay kula tahay haddii adiguna aadan Boosaaso aadine aad Qandala iyo buurahii aad ka timid hore ugu gudubtid.
Nabadgelyo


Mohamed Salah
dallaas1@iprimus.com.au



Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001