Wararka Mudugonline

DIFAACA DAYNIILE HADALKII MUUSE SUUDI MA RAALI GALIN BAA MISE?

Muqdishu, 25 Dec 2002 (MOL) - kadib markii hoogaamiye kooxeedka muuse suudi oo sheegay in soomaliya ay madaxtinimada isku soo taagi karaan oo kaliya beesha hawiye waxay noqotay arintaani mid soo jiidatay aragtida soomalida ayadoo dadku si siman ay aragtidooda uga dhiibanayeen website-yada soomalida oo inta badan doodaha noocaan oo kale ah qabta.

waxayna dadku u kala baxeen mid taageersan hadalkii muuse suudi iyo mid ka soo horjeeda ayadoo dhammaantoodna ay fahamsanyihiin macnaha dhabta ah ee muuse ula jeeday hadalkiisa.

waxaase la yaab noqotay sharaxaada uu ka bixiyey website dayniile.com(Halkaan ka akhri sharaxaadaas) hadaladii muuse suudi yalaxow, isagoo sheegay waliba inuu hadalkaasi jawaab u yahay waraysigii c/llaahi yuusuf ay bbc-du la yeelatay, waraysigaas oo markii c/llahi yuusuf lagu waydiiyey inuu sharxanyahay uu sheegay inuuba sharxanyahay.

waxaa iswaydiin mudan is-sharaxaada c/llahi yuusuf ma waxay la mid tahay hadalkii muuse?, haddii c/llahi is sharxo ma wuusan muuse suudina is sharxi karin? waxaan filayaa in soomalidu ay fahmi karto jawaabahaan oo dhan, haddii la rabo si cadaaladi ku jirto wax loo fiirsho. qofkasta oo soomali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu is sharxo waxna doorto ayadoon loo fiirinayn qabiil iyo cid gaara. taasna waa sida uu u dhacayey jawaabihii madaxwaynaha puntland c/llahi yuusuf.

dayniile.com waxaa isku dayey inuu boor mariyo hadalkii muuse suudi yalaxow isagoo sida ka muuqata jawaab celintiisiina taageersan hadalka muuse suudi balse uu doonayo inuu ka laabo indhaha soomalida. waxa uu sheegay in dadka hadalkaas ka xanaaqay ay u arkeen in muuse xaq ay leeyihiin uu ka qaaday, taas waxaan ka oranaynaa in muuse uusan xaqqa soomalida iyo mid cid kale leedahayba uusan ka qaadi karaynin markii runtu timaado. arinta ah in sidoo kale dadkaasi diidan yihiin nabad ka dhalata muqdisho-na waxaan ka oranayaa in soomalida oo dhan ay guul u tahay in nabadi ay ka dhacdo muqdisho iyo dhammaan soomaliya oo dhan, waxaana wax la isku maa weeliyo ahayn in qof soomaliyeed uu jecel yahay in amaan darro ka dhalato muqdisho.

Waxaa indha sarcaadiska lagu bartay Dayniile ay banaanka u soo baxday ka dib markii ay wax ka qoreen Waraysi Xuseen Maxamed Caydiid Siiyay Radiogalkacyo 21-kii bishan, ugana Jawaabayay hadalkii Muuse Suudi oo uu sheegay inuu ka xun yahay raaligalina ka bixiyay(halkaan ka dhagayso waraysiga), Dayniile ayaa waraysigaas u fasirtay in Xuseen Caydiid sheegay in Madaxnimada Somalida ay gooni u tahay reer Gaalkacyo aysana cid kalena qusayn(Halkaan ka akhri qoraalka Dayniile), heshiiska Somaliyana iyaga gooni u yahay oo haddii ay reer Galkacyo heshiiyaan Somalida kalena ku qasban yihiin inay heshiiskaas ogolaadaan.

dayniile.com waxaan u rajaynaynaa inuu ogaado xaqiiqada dhabta ah uuna ka tarjumo waxa dhabta ah ee ka jira soomaliya, aan la iskuguna sheekayn waxyaalaha khayaaliga ah, ummadana ka daayaan beenta iyo warxumo tashiilka, iskuna dayaan inay noqdaan saxaafad xaqiiqda jirta soo tabisa ee aysan iyagu soo karin wararka.

Mudugonline.com


Dagaalo laga baqayo inay ka dhacaan deegaanka Dhuudo

Bosaaso, 25 Dec 2002 (MOL) - wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta Telefoonadii magaalada Qardho laga waayay qadka isgaarsiinta, wararka ayaa sheegaya in arintaas loo malaynayo inay la xiriirto ka dib markii qeybo ka mida Ciidamada Datraawiishta Puntland ay u dhaqaaqeen dhinaca Tuulada Dhuudo oo ay ku sugnaayeen ciidamo taageersan Jamac Cali Jamac oo sannadkaan martamhiisa looga xoog roonaaday dagaal dhex maray isaga iyo Ciidamada Daraawiishta.

Warka ayaa intaas ku daraya inaan illaa hadda wax dagaal ah dhicin , ciidamaduna aad isugu dhow yihiin. Ciidmada daraawiishta ayaa la sheegayaa in ay beryahaanba wadeen dhoolo tus iyo abaabul dagaal ka dib markii wax natiijo ah ka soo baixi waayeen wada hadalo dhawr bilood ka socday magaalada Qardho oo u dhaxeeyay odayaasha deegaanka iyo saraakiil ka socda Dawlada Goboleedka Puntland. Waxii war ah ee arintaas ku soo kordha gadaal ayaa idin kaga soo sheego doonaa ...haddi illaahay idmo.

Mudugonline.com

 


Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:21/12/02

1) Waraysi Xasuun Maxamed Caydiid oo kaga jawaabayay hadalkiii Muuse Suudi.
2) Wararka ugu dambeeyay shirkii Elderet.
3) Warbixin iyo waraysiyo nabad galyada gobolka Mudug.

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:23/12/02

1)Xaflad balaaran oo qalan jabin quraan oo ka dhacday dugsiga Imaamu Nawawi.
2) Waraysi wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Dawladaha Hoose iyo qodobe kale.

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:24/12/02

1)wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Dawladaha Hoose Dr cabdirisaq Cali saciid oo la shiray saraakiisha Ciidamada Gobolka.
2) Waraysi lala yeeshay wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha.
3) Xaalada nabadgalyada Muqdishu oo ka sii daraysa.
4)Simanaaro looga hadlyo cudurka Aidiska iyo umuliso dhaqameedyada oo ka furmay magaalada Laascaanood.

Iyo qodobo kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html


Tababar Wasiirka Kaluumaysiga Puntland u Xiray Ciidanka Dabdamiska Dakada

Boosaaso: Waxaan booqday Wasaaradda Kalluumaysiga Badda iyo Dekedaha DG Puntland, waxaana halkaas kula kulmay Wasiirka wasaaradda C/risaaq Cali Saciid (Shaah doon) oo xiligaas tababar usoo gabagabaynayay qaar ka mid ah xubnaha dabdamiska dakada oo tababar casri ku baranayay habka ugu wanaagsan ee dabdamiska.

Wassiirka wasaarada oo aan xoogaa la sheekaystay ayaa iiga waramay sidda ay u shaqayso wasaaradiisu iyo sidda ay u socdaan hawlaha wasaaradda oo uu ii sheegay inay si wanaagsan u socdaan xoogana ay saaraan siddii ay kor ugu qaadi la haayeen aqoonta shaqaalaha wasaarada si buu yiri ay u gutaan hawl maalmeedkooda.

Halkaan Guji warka oo dhamaystiran iyo sawiro dheeraada.



 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001