Wararka Mudugonline

Yaa Muuse Suudi la qaba aragtidiisa cunsurinimada sideese Somalidu u arkeen?

Galkacyo, 23 Dec 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya Somaliya ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan loo arkay loogana jawaabay haddalkii ka soo yeeray Muuse suudi Yalaxow oo uu ku sheegay in Beesha Hawiye u cabiran tahay jagada madaxweynanimada Somaliya aysana cid kale hunguryayn karin. guud ahaan gobolada Puntland ayaa si weyn mucaarad iyo muxaafidba loo dhaleeceeyay erayada Xaajiga oo intii uusan hadalkaan dhihin ay siyaasad ahaan aad isugu dhawaayeen Dawlad goboleedka Puntland. dad ayaa ku tilmaamay Xaajiga in uusan siyaasi ahayn waligiisna lagu yaqiin inuu si caadifad qabiil ah u hadlo. dad kale oo reer Puntland ah ayaa sheegay inay awalba tuhunsanaayeen in beesha Hawiye la qabto aragtida Xaajiga arintaasina sal dhig u tahay sababta Dawlad loo dhan yahay loo dhisi waayay.

Dhinaca Somaliland ayaa la sheegay in dadka caadiga ahi aad u soo dhaweeyeen hadalka Xaajiga iyadoo wali jirto caro dadka Somaliland ka qabeen qilaafkii siyaasadeed iyo shaqaaqadii ka dambeysay ee ka dhacday Magaalada Laascaanood. dhinaca Magaalada Muqdishu ayaan wax hadal ah illaa hadda laga hayn kooxaha Muqdishu marka laga reebo Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Dheere oo sheegay inay iyagu la qabin Xaajiga aragtidiisa.

Haddaba baaritaan iyo u guurgal Mudugonline ku samaysay arintaan ayaan ku ogaanay in aragtida Xaajiga dad Badan oo beesha Hawiye ku abtirsada ay la qabaan horeyna u qabeen intii usan Xaajigu arintaan banaanka soo dhigin. Siyaasiyiinta beelaha Hawiye ayaa intooda badan afka ka dabooshay arintaan inay ka hadlaan iyadoo taas loo qaatay inay aragtidaas ku raacsan yihiin. Madaxweynayaha Dawlada KMG ah ee Carta ayaa isaga laga maqal juuq iyo jaaq. sidoo kale ayaan iyagana wax wara laga hayn hogaamiyayaasha siyaasada beelaha Hawiye ee ku shirsan Eldoret. waxaa sidaas oo kale wax dhaliil ah laga hayn saxaafada Muqdishu oo qaarkood laga dhandhansan karo inay la dhacsan yihiin sida uu u hadlay Xaajigu. ururada bulshada iyo xaquuqal insaanka ayaan iyagana wax hadal ah laga hayn.

Muuse Suudi Yalaxow qudhiisa ayaa dad badan quud daraynayeen inuu cudurdaar ka bixiyo haddalkiisi laakiin taas ma dhicin caadiyana siyaasiyiinta Somalidu waxay u badan yihiin kuwo aan looga baran inay raali galin ka bixiyaan qadafkooda. Muuse Suudi ayaa la rumaysan yahay inuu dooxay banaankana soo dhigay arin wax badan qarsoonayd loona baahnaa in laga yeesho wada hadal iyo isfaham. haddii hadalkaas cunsuriga ahaa ee Xaajiga Somalidu uga faa'iidaysato sidii ay arimahooda siyaasada si laab furan uga wada hadli lahaayeen waxaa la dhihi karaa hadalka Xaajigu waqti loo baahnaa buu ku soo beegmay haddiise arintaani sii kala erdhayso dadka Somalida oo awalba cuqdad iyo tuhun badan isku qabay taas Xaajiga ayay u galaysaa baal ka mida Taariikhda Mugdiga badan ee Somaliya.

Mudugonline.com


UNHOLY AND FALSE REPRESENTATION OF THE CIVIL SOCIETY

Self-Styled civil society community claims to have been elected by two-thirds of the Somali delegates in Eldoret Somali reconciliation conference on 24th October 2002.this committee’s proclamation is totally untrue for the following reasons:-

1) Officially IGAD T.C Has invited each Somali clan family to include the members of their civil society i.e. intellectuals, professionals, traditional and religious leaders, women and etc in their respective delegations.

2) IGAD has only 300 participants for the conference plus few individuals representing Somali in the Diasporas However, the total number of uninvited, unofficicial delegates that had attended the conferences has exceeded 900 persons, more than twice the officially invited delegates.

3) Therefore, if the six hundred and sixty uninvited persons has elected the so-called civil society committee. It is possible that two-thirds of total Somali public members in Eldoret has elected them but none of the official delegates.

4) The composition of the said community is mainly the representative of non- governmental,non-political,non-profit making public(NGOs) organizations.

5) The committee does not meet the Somali criteria of 4.5 clan formulas.

6) The committee claims to enjoy some support because of its acquaintance with the members of the international community who said to have invested interest in the NGOs.

7) As representatives of non-political public organizations and at the same time claiming to be the leaders of the Somali civil society does not fit together.

This indicates international set up of category of civil society with pernicious cancer of a long-term of new colonialism strategy. In the old colonial days, the methodology used by the colonial master has been the mobilization of two categories of their society namely the missionaries and public orientalists.

In Neo-colonialism era colonialists have utilized economic domination and present era after the cold war, the colonialists are engaged to utilize the non-governmental organizations (NGOs) owned and managed by the third world elites to act as members of the third world civil society. Third world can easily understand any maneuvers of the colonialists have in mind and we call them to be aware of these setups. The genuine members of the Somali civil Society are including in the official delegates of various sub-clans participants list and the exclusion of the so-called civil society committee and the national resource persons from the conferences will not cause any imminent danger of collapse for the conference.

Therefore the formation and the inclusion of this committee members in the community leaders committee is considered to be dubious as individuals trained by international interest parties will not make any tangible contribution. For instance, the chairman of the so-called civil society committee master Sharif Saleh held several key positions in the military regime, which has been the prime cause of the Somali civil war. He has been promoted from the president of national University to ministerial level and has served as Somali’s long-term ambassador to several countries including UK. Therefore, his claim to be the sole representative of the Somali unarmed civil society is nothing but a political opportunitism. Mr. Sharif, other similar characters has to stop quisling to be accommodate by the public members.

In view of above, the Somali conference participant’s appeals to IGAD TC chairman to seize the inclusion of the said committee and the national resource persons from conference community leaders committee without delay.

Yours truly,

Aden Abdullahi Nur
Chairman
Community leaders committee


Shir lagu Qabtay Garoowe

Garoowe: Shir balaaran oo looga hadalayay amaanka guud ee dawlad goboleedka Puntland gaar ahaan caasimada Garoowe ayaa shalay ka dhacay isla magaalada Garoowe.

Shirkaan waxaa ka soo qayb galay wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose , wasiirka xanaanada xoolaha ,wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiir ku xigeeno ka kala socda ganacsiga iyo kaluumaysiga ,salaadiin ,ururada bulshada iyo wax garad kala duwan, waxaa halkaasi ugu horayn hadal kasoo jeediyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka hadlay horumarka gobolka Nugaal , waxaana uusheegay in si dhaqso leh ay dawladu u qalabayn doonto Isbitaalka Garoowe ayadoo kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah, sidoo kale waxaa wasiirku sheegay in wax laga qaban doono arimaha wax barashada isla markaana ladhiso doono isha dhaqaalaha Garoowe oo ah gagida diyaaradaha.

Axmed Cabdi Xaabsade oo ah wasiirka arimaha gudaha ee Puntland ayaa asagu sheegay in hadalkiisa uu ku soo koobayo ka hadalka amaanka puntland ,wuxuuna dadkii shirka kasoo qayb galay uu u sheegay inay jiraan gacmo shisheeye oo aan doonayn inay nabad ka xasisho Puntland, kuwaasna loo baahanyahay in gacan bira la isaga qabto.

Dadkii shirkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoono laga yaqaan gobolka Nugaal oo badankood ay ka cawdeen dhismeyaasha sharci darada ah ee ka jirta Garoowe oo ay ugu daran tahay Gagida diyaaradaha oo la meegaartay intii Puntland uu ka jiray is haysiga siyaasadeed.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo soo gabo gabeeyay shirka ayaa dadka reer Puntland u sheegay inaysan iska dayicin amaankii ay nasiibka u heleen inay soo ceshtaan isla markaana ay taageeraan dawladooda.

Allpuntland



 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001