Wararka Mudugonline


Qoraalada Maanta ee akhristayaasha ee looga jawaabayay hadalkii ka soo yeeraya Muuse Suudi Yalaxow waxaa ka mida.


>Xaajiyoow Caqligu Ha Ina Hogaamiyo
>Muuse Suudi majaajiliiste ma aha
>SOOMAALIDA WAA IN AY U KALA BAXDAA A.B.C.
>Tariikh yareeyee Muuse Suudi

Xaajiyoow Caqligu Ha Ina Hogaamiyo

Waxaan hubaa in qaar badan oo bahda Hawiye kasoo jeedaa ay aad uga xumaadeen erayada afla-gaado, aqoon-yari, xaasidnimo, xilkasnimo la'aan iyo aragti gaabnaanta ahaa ee afka Xaajiga kasoo baxay. Run ahaantii ma aha mid qowmiyada Hawiye dhammaantood ay la qabaan fagradaan bugta ee foosha xun ee Somali faceed ka reebtay. Waxaa mahad leh Maxamed Dheere hogaamiyaha siyaasadeed ee deegaanka Shabeelada dhexe iyo Xuseen M.F. Caydiid oo iska dheereeyey fagradaan raqiiska ah ee aan Hawiye iyo Somaalida inteeda kale wax dan ah ugu jirin inay kala dheerayso oo boogo la daaweynaayey oo qaarkood bugsoodeen danqiso mooyee, Xaajiguna ka fiirsi la'aan iyo aragti gaabnaan ugu hadaaqay.
Hawiye, Somaliya hogaankeeda waa soo qabteen, mustaqbalkana qof kasoo jeedaa waa hogaamin-doonaa, haddii Alle idmo, sidaas oo kale dadka aan Hawiye kasoo jeedin xaq bay u leeyihiin inay ummaddooda madax u noqdaan oo kartidooda iyo waxay qaban karaan lagu doorto.

Dhawaaqa kasoo yeeray Xaajiga waa wax oo uu aaminsan yahay, waxaana la qaba hogaamiyaal kooxeed oo hoosta kala guuxaaya aragtidaan, ayagoo dano khaas ah ka leh oo raba inay Awrtooda ku kacsadaan, ayagoon Hawiye iyo cid kale u danaynayn, rabana inaan dowlad dhalan oo aysan soo bixin danbiyaday dadkooda ka galeen, xoolaha xaaraanta ah ee ay xalaalaysteena aan lagula xisaab-tamin.
Xaajigu wuxuu danbi ka galay dadweynaha Soamaaliyeed dhammaantood oo ay ku jiraan beelaha Hawiye intooda og xaqiiqda iyo xaaladda Somaliya maanta ku sugan tahay. Wuxuu u gafay Daarood oo daga Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag, Sool, qayba ka-mida gobolka Galgaduud, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, Gado, Ogaadeenya iyo N.F.D.[ Dhulka hoosyimaada dalka Keenya qayba ka mida]. Tirada, taariikhda iyo xadaaradda ay leeyihiinna la wada yaqaan. wuxuu Yalaxow ku tilmaamay dad aan waxba ahayn, taasna waxaad ka garan kartaa aqoonta uu Somaali u leeyahay iyo aragtidiisa siyaasadeed ee guracan.
Gobolada dalku u qaybsanaa barigii dowladi jirtay waxay ahaayeen 18 gobol, sagaal ka mid ahna waxaa daga dad ku abtirsada magaca Daarood, waliba waxaa usii dheer dhulalka inaga maqan oo inta badan deegaan Daarood ah.

Dadkaan faraha badan ee Daarood ee dhulkaan baaxadaan leh ku baahsan, anigu ma qabo in madaxweyne lagu siiyo tiradooda iyo dhulka ay dagaan, ee waxaan aamin-sanahay in madaxweynaha lagu doorto kartidiisa iyo waxa uu ummaadaan Somaaliyeed ee dhibaataysan u qaban karo. Waa inuu ahaa-daa mid dadkiisa aqoon fiican u leh, isuna soo dhaweyn kara. Waa inuu la xaajoon karaa qabiil walba, nabadna ka dhex dhalin karaa. Waa inuu fulin karaa balankuu dadkiisa ka qaado haddii ay ahaato siduu ula dagaalami lahaa Tuugada, nabaddoodana u sugi lahaa. Waa inuu adduun-weynaha inagu soo xiri karaa, xiriir wanaagsan iyo taakulayna nooga soo heli karaa. Haddaba, Yalaxow, qofkaasu hadduu Daarood ku abtisado xaad ku diidaysaa? haddii uu beelaha Hawiye ka yimaadana si niyadsami iyo walaalnimo leh baa Daarood usoo dhaweynayaa.

Dadweynaha kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, dhul, tiro, sharaf iyo magacba waa leeyihiin, xaq bayna u leeyihiin inay maanta Somaaliya hogaamiyaan, haddii qof kasoo jeeda oo masuuliyaadaa qaadi karaa iska soo sharaxo, ciddii u diidaa waa khaldan tahay.
Xaaji Muuse Suudiyow, xaggaad ku illowday qomiyadii Banaadiga ahayd iyo bahweyntii reer Jareer ee ka caaganaaday inay Baroon fulaan oo ay fidnida dagaal ogayaasha la qayb-sadaan, miyaadan madaxnimo iyo xaquuq midna u ogalayn?
Waxaa maanta waajib ku ah Hawiyaha caafimaadka qaba inay fagradooda ka dhiibtaan sida ay u arkaan caqliga Xaajigu fagaaraha la yimid, hadday ka aamusaana ummadda Somaliyeed inteeda kale waxay u qaadanayaan inay la caqli yihiin hogaamiyaas, isku meelna wax ka wada arkaan.
Somaaliyey, waa in cadaawaddu dhamaataa, oo caqligu inoo taliyaa.
Raage Jaamac
jamarage@aol.com
U.S.A.


Muuse Suudi majaajiliiste ma ahan, Cabdile Raage ma ahan oo wuxuu sheegayo Qosol kama wado ee waa Qadiyad ay Hawiye qabaan.

Waxaan qabaa in Dad badan oo Daarood ah oo waxa Somaliya ka socda fahmin, Tiyaatarka Xamarna Majaajilooyinka Cabdile Raage ku Dhagaysan jire in ay Qosal la dhacayaan markii ay dhagaysteen Waraysidii uu Muuse Suudi BBCda Laanta Afsomaliga siiyey.

Muuse Suudi hadaba majaajiliste ma ahan, Hadalkisuna dhayalsi ma leh, Aduunka maanta waxa dhacay Markii la fiiriyo wax la dhayalsankaraa ma jirin, haddana Muuse Suudi waliba waa Hogaamiye yaqaan waxay Dadkiisu rabaan kana turjumaya Shucuurtooda, Dhago badan oo Hadalkiis u dhuun daloolana jiraan.

Muuse suudi waraysigaa Wuxuu ka turjumaya.fikrada ay Hawiye doonayaan in ay Dadka wax kula qaybsadaan.iyo sida ay rabaan in ay Somali u ekaysiiyaan

Waxaase nasiib daro ah in ay jiraan Dad badan oo Daarood ah oo caadaystay erayga ah ,, oo ma dhicikaraa waxaasi , oo waxaa Dadkaase ma ku kici karaan, ama heedhe waa reer Badiye ama waa jahil” iyadoo sidaas ku dhayalsanaya waxa dhacay iskana Indho tiraya Dhibka wali lala maagan yahay.

Xaqiiq ahaan Muuse Suudi uma baahnay in uu Hadalkaa yiraahdo maxaa yeelay sheekada ah ,,Daarood mar buu qabasho lahaa”iyo Guurawyada ka danbeeyey sida ,,Dooni raacdaya dabaalataa ar Darood Dalka iiga guur” iyo waliba Xasuuqii, Kufsigii iyo Dhacii Dadka Daaroodka Xamar loogu gaystay way ku filaayeen Qofkii Caqli leh inuu garto Meesh Cadaawado marayso.

Sidoo kale sheekada ah ,,Magaalada Caynabo Lixdan jir Daarood iyo Labaatan jir Isaaq yeyna isku soo gaarin” iyo Gumaadkii Waqtigii uu Siyaad Bare baxayey Dadka Daaroodka ah ee Waqooyi Qaxootigii ku ahaa loo gaystay, way ku filan yihiin in uu Qofku ogaado waxa loo qabo iyo Heerka Cadaawadu marayso.

Waxaase muuqta in uu Muuse Suudi dareemay in aanay Dadkaani sidaas wax ku dareemin, kuna khasabtay in uu markaan Darood bal si ay u ogaadaan Heerkooda uu haddalka Goga u galiyey maxaa yeelay waxa jira Dad aan wali fahmin waxa Somaliya ka dhacay iyo waxa Rag ku dhaqaaqay oo ay 12sano wadeen iyo waliba waxay magan yihiin.

Haddaba Aniga ka Qof ahaan waxaan u arkaa Hadalka Muusa Suudi in Hawiye Heerkii Nacaybka Darood ka taagneeyeen oo ahaa in ay Daarood Aduunka sida Jarmalku uu yuhuuda uga tirtiri rabay, ay Daarood Aduunka uga tirtiraan in ay ka soo yara dabceen, oo ay maanta Daarood ula dhaqmi rabaan, sidii Cadaanka koonfur Africa ay waqtigii Midab Takoorkii Madowga ula dhaqmijireen, taas oo wax badan dhaanta tirtiridii ay Hawiye iyo Isaaq ku taamayeen in ay Darood ku sameeyaan, Gacmahana kula jireen.

Waxayna u muuqtaa sida Haddalka Muuse oo ah Go´aankii Shirarkii maalmahaan Eldoret Hawiye ka dhex socday laga dhadhansankaro in ay Hawiye rabaan in ay Qabaa ilka Somaliya darajooyin kala siiyaan sida A,B, C, D, iwm,

iyo waliba in ay Sidaan wax u qaybiyaan.

A-Hawixe wuxuu xaq u leeyahay.

1-Xaq Wadaninimo 2- Madaxwaynaha, 3- Caasumada, 4- Shaqooyinka sare

B-Isaaq wuxuu xaq u leeyahay

1- Xaq wadanimo, 2-Ra´iisulwasaare, 3- Caasumada labaad, 4- Shaqooyinka

dhaxe

C-Digil iyo Mirifle iyo Dirta Koonfureed wuxuu xaq u leeyahay

1-Xaq Wadaninimo 2.-Xaghayno 3- Maqaaloyin cadi ah 4 Shaqaalaha

hoose

D Darood wuxuu xaq u leeyahay

1- Fiisada Ajnabiga

2- Wax Darajo ah xaq uma leh, wax shaqo Dowladeed ahna ma qabankaro

3- Waa in ay Doonyo dul saarnaadaan oo ay Guryo doon yaha dushooda ka

dhigtaan

4-Warqad Shaqo xaq uma leh.

Hadaba Anigu waxaan u arkaa in markaan fiiriyey Qaabka Midab Takoorka ee ay Hawiye rabaan in ay Somaliya ku soo rogaan in uu yara dhaam kii ay ku fakirayeen ee ahaa Daarood in MADINIMADII ku celiyo.si loo tirtiro,

Waxaanad hadda moodaa in ay ogolaadeen in ay Naftu wali ku sii jirto waxaana taas u arkaa arin horumar Hawiye ah.

Waxaa hubaal ah in ay Daaroodku markay waagii hore maqlaan Guuroga ah ;; Dooni raacdayaa iyo dabaalataa ar Daarood Dalka iiga guur” in ay Qosli jireen, oo aanay waagaa garan sheekada Daarood mar buu qabasho lahaa iyo Guurowgaas oo 40yadii la tiriyey in ay aasaas u noqon doono Gumaadka 90meeyadaan dhacay

Waxaana cadaan ah in aanay sidoo kale haddeer garanay, in Habka uu maanta Hawiye wato in uu mar Sal u noqon Siyaasad somaliya haddii la sahlado oo aan laga hortagin

Waxaana hubaal ah in uuna Muuse Suudi Cabdi Raage ahayn.hadalkana majaajilo ka wadin.

Mahadsanidin
magne@hotmail.com


SOOMAALIDA WAA IN AY U KALA BAXDAA A.B.C. WAXAA YIRI HOGAAMIYAHA HAWIYE EE 2003

Dunida aan ku nool nahay waxaa maalinba maalinka ka danbeysa soo if baxayay in la gaarayo horumar iyo ilbaxnimo dheeraad ah, waxaa jirtay mudo qiyaastii imika laga joogo 62 sano in uu hogaamiyihii NAZIGA Jarmalka Hitler uu yiri mar uu rabay in uu ku soo baxo doorashada madaxweynenimo ( waxaanu nahay dad wax ah oo aan la yasi karin ) taas oo uu markaa siyaasad ula jeeday hase ahaatee aysan la qabin dadkii siyaasada markaa kula jiray, waxaase ay u arkayeen in uu dhib u gaystay sumcadii jarmalka maadaama uu ku tilmaamay in ay suura gal tahay in la yaso ama uu cadeeyay in ay jiraan dad yasi kara. Sikastaba arintu ha ahaatee waxaa meshaa markaa joogay dad badan oo ciil qabay taasoo sahashay markaa in uu noqdo hogaamiyii Jarmalka,waxaase uu wadankiisa dhaxalsiiyay in uu ilaa iyo maanta uusan xor ahayn oo ay jiraan xanibaadyo saaran.

Soomalida oo ka mid ah wadamada aduunka ugu dadka yar uguna faqri san ayaa waxaa ka jirtay dhibaatooyin aanay caalamka inteeda kale la qabin taas oo ah in ay yihiin dad aan israbin.

Waayihii hore waxaa jirtay in dadbadan ay qabeen in ay soomalida wax qaybsiga aysan daacad ka ahayn, laga soo bilaabo tan iyo markii ay xoriyada heleen taas oo ay waagaas xukunka qabteen dadkii markaa xornimada keenay oo u halgamay. Waxaa waagaas meel walba loo dhiibay dad wax kala socodsiin kara iyadoo markaa lagu tixgelinayay aqoontooda iyo waaya aragnimadooda, dhabtii waa ay adkayd qof markaa oran karay ma mudnidiin ama xaq uma aad lihidiin iyadoo ay badankood ahaayeen dad meel ka soo wada jeeda ama ah hal beel. Waxaa markaa wixii ka danbeeyay batay in dad badan ay jeclaystaa in hogaanka noqdaan inkastoo ay jirtay hab xoriyad doorasho oo aan saas u sii dheerayn, hadana waxaa adkayd dadbadan in ay jeclaayeen balse ay ku adkayd in ay hogaan noqdaan, waxaa taa ka danbeeyay kacaankii oo isagu xoog ku qabsaday, xoog ku qabsigaa waxaa ay il u furtay kuwii iyagu aan awoodin awooda maamul, waxaase ay ogaadeen in ay jirto in wax la maquunin karo, mudo badan kadib waxaa u suura gashay 1991 in ay wadankii magaalo madaxdiisa gacanta ku dhigaan, waxaa laga waayay in ay wax maamulaan iska daayee hadal aan ahayn (waxaanu nahay dad aan la yasi karin) taasi waxaa ay keentay in lala fahmi waayo dadbadana ay fahan la’aantaas kaga qaxaan wadanka, waxaa ay ku sii beertay in ay dad badan oo maato ah oo aan waxba galabsan ku laayeen wadooyinka kuna fara xumeeyeen, waxaa lagaran waayay sababta ay sidaa u yeeleen, waxaana laga waayay hadal aan ahayn (waxaanu nahay dad aan la yisi karin) (waxaanu nahay dadka ugu badan) waxaa ay noqotay eray ay ku weydiiyaan dad badan oo ah ajaanib wadamada yurub iyo afrika marka ay ogaadaan in aad tahay soomali.

Waxaa ay ka xishoodeen in ay weydiiyaan cida ay rabaan in aysan yasin ma soomaali baa mise ajaanib,

Waxaa la waayay tirakoob sax ah oo lagu aqoon san karo tiradooda saxda ah iyo weliba lafahooda qabiil ahaan.

Waxaa laga waayay ma dowlad bey rabaan mise duflaalnimo.

Waxaa laga waayay in ay cadeeyaan ma in loo taliyay rabaan mise in ay taliyaan.

In badan ayaa waxaa soo laab laabanayay in loo tanaasulo maadaama ay jirto cuqdad iyo ciil kaanbin aan qornay lana aqriyin laakiinse looga waramay cidii uga warantayse ay ka geeriyootay iyadoon casharkii u wada dhamayn.

Waxaa in mudo ah la sugayay in ay garwaaqsadaan in ay qaldan yihiin oo ay ogolaadaan in bal ay qaataan talooyinka walaalahood ay siinayaan, shirar badan kadib waxaa la gaaray 20/12/2002 waxaa loo fadhiyay shir dibu heshiisiin waxaa meesha isugu yimid hogaamiyaal siyaasadeed oo farabadan, aayaha umada iyo wadanka ayaa laga hadlayaa,

waxaa ku jiray nin hadalkiisa lawada jeclaa maadaama uu yahay nin ka warama waxa caloosha ugu jira, ninkaan waxaa uu wax la wadaagaa rag ay isku heyb yihiin laakiinse iyagu rabay in ay mar un ka taqalusaan, waxaa ragaas u suura gashay in ay fursad ku helaan ugu horayntii waxaa uu noqday hogaamiyaha beeshooda ee sanadka 2003 ,waxaa loo diyaarshay rag la hadla qaar in ay ku ooyaan ayaa loogu talagalay, qaarna ay u caloolyoodaan, qaarka kalase ay uga waramaa xumaanta reer hebel,qaarka ugu danbeeyayse ay ka codsadaan in uu BBC af soomaaliga wareysi siiyo, ninkii oo aan dhinacyada eegin ayaa BBC af soomaliga wareysi siiyay, sidii war kale looga sugayay ayuu ka dhamaan waayay hadal ay 1991 yiraahdeen rag ay isku heyb yihiin isaga.

Waxaa uu yiri (waxaanu nahay dadka ugu badan soomaaliya )(madaxweyne anagaa leh)(soomaali A,B,C haloo aqriyo)

Waxaa arintaan ay fujiciso ku noqotay ragii xitaa ka soo horjeeday ee ay heybta wadaageen waayo waxaa uu u ahaa halyey, aqoon yahan iyo weliba siyaasiga ugu weyn ee beesha,

Waxaase suurowda in isaga loo soo taago jagada madaxweyne nimo soomaaliya.

Laakiise waxaa jiray nin horay u yiri haddii dadku ay noqdaan daanyeero aniga waxaan ahay daaxuurkooda ninkaas waxaa uu ku nool yahay banderqaasim (Boosaaso.pld

Abdi m farah farah
macaane75@hotmail.com>


Tariikh yareeyee Muuse Suudi

Bismillaah

Haddiiba ay Daaroodku lahaayeen Madaxweynayashii rubuc qarnigii la soo dhaafay ayey la qummanaan weydey in ay mar kale isu soo taagaan madaxnimda waddanka iyagoo ku sharfaya qabaa’ilka kale oo aanu qarkood weligood mansabkaas hore u qaban.

Waxaanse aad ugu xunnahay raadin la’aantayada arrinkaasi sabab u yahay in dadka Xaaji Muuse Ka midka yahay ay u qaataan in Mansabkaasi reer cayiman u astaysan yahay oo iyagu yahiin ku shir kasta oo la isugu yimaado u tartama. Daarood Ismaaciil Jebrtina baannaanka joogaan…….

Markaa haddii labo iyo toban sano hadba shir lagu guul-darreystey ayey waxay noola muuqatay in intaa kabadan aanan arrinkaa bannaanka ka ahaan Karin.

Is sharraaxaadda Cabdillaahi Yusuf ee Shirka eldoret waa mid habboon aadna ay u soo dhoweysey bulsha weynta Daarood.

Haddaba argtida uu ka qabo arrintaan Xaaji Muuse Yalaxow, dabcan waa hadallada looga sheekaysto maqbaradaha qaadaka arin laga filayey in sheeganaya in uu masuul yahayna ma ahan, layaabse ma laha ninku waa xaaji Muuse. Hadalkiisna looma qaadayo bulsho weynta Hawiye. Kamana duwana gabadhii Ciise ee intey Dhulbahane maqashay hooyadeed weydiisey, Hooyo waa ayo Dhulbahante? dabeedna hooyadeed ugu jawaabtey hooyo maxaan ka aqaan waa Ciisahaa alle iska badiyeye!!!!

Bal eeg Muuse wuxuu yidhi koonfurta somaaliyeed mansabka ugu sarreya hawiyaa iska leh haddii heer waqooyi la keenona markaas aan wax qaybsaynaa…..

Allaah ha u naxriistee Xaaji Geeddi Adan markuu hadalkaa oo kale maqlo waxuu odhan jirey “Duulli dulli xisaab yareeyee” haddaba anigu waxan leeyahay Muuse Suudi dulli dulli taaariikh yareeyee.

Hadal iyo dhammantii waxaa xaqiiqo jirta oo aan la iska indho tiri Karin ah, waxyaalaha laga dhaxlay dagaalkii sokeeye iyo dad argtiyo taariikhiyan khaldan aaminey.

Taasna waxay isoo soo xusuusisey Allaah ha u naxariistee gabaygii Cusmaan Keenadiid

Laandheere gob ahaan jirey oo gocondhadii hayso

Iyo kii ka gaabnaan jirey oo haatan garab taagan

Gedda kaasi yahay yuu kan kale gaar is leeyahaye

Labadaa garbood oo sin-siman yaw gar niqi doona??

Eldoret ayaa u garnaqaysa….

Nabadgely

Mohamed Salah
Dallaas@iprimus.com.au
Melbourne
Australia


Waxaan ka xunahay inaanan daabici karin qoraaladii mawduucaan ku saabsanaa ee ay akhristayaashu noo soo direen dhamaantood, akhristayaashii noo soo dirayna waa ku wada mahadsan yihiin. walow aan aaminsanahay in loo wada hadlo si calool fayow haddana aysan dastuurka Mudugonline.com ku jirin in si jamaca ah ummad dhan loo afla gaadeeyo. waxaa cad inaan beesha Hawiye oo dhami la wadaagin aragtida Xaaji Muuse Yalaxow ay qaladna tahay in sidaas loo fasirto Hadalkii ka soo yeeray Xaajiga.

Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001