Wararka Mudugonline

Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in Kursiga Madaxweynahu u cabiran yahay beesha Hawiye

Eldoret, 21 Dec 2002 (MOL) - Waraysi uu Maanta siiyay laanta afka Somaliga ee BBC Muse Suudi Yalaxow ayuu ku sheegay in Kursiga Madaxweynaha Somaliya ay gooni u leedahay beesha Hawiye sidaasoo kalena beesha Hawiye xaq u leedahay inay hesho saami ka dheeraada beelaha kale ee waaweyn. Muuse Suudi waxuu sheegay in Koonfurta Somaliya ay aqlibiyada leedahay beesha Hawiye ayna xaq u leeyihiin madaxweynaha soo socda, Muuse waxuu sheegay in dadku kala cabiran yahay, lana kala yaqaan, waxuu sheegay madaxweynaha hadda dalka jooga in Hawiye iska leeyahay, waxa diidayana ay Hawiye yihiin, Daaroodna ma diidi karo, Digil iyo Miriflena ma diidi karo, waxaa lahayn madaxweyne Daacada ha la suubiyo, halka soosocdana waa in Hawiyhu lahaadaa oo wax u diidi karaa jirin. Koonfurta Somaliya Muuse waxuu sheegay in qeybta koowaad leedahay beesha Hawiye aan murana laga keeni karin.

"Waxaan rabnaa Hawiyuhu cabirkii uu ku yimid oo 300 ku lahaa 150 ergay, waxaan rabaa in 150-kaas awooda uu ku helay, aqoonsiga uu ku helay uu leeyahay in miiska loo saaro beesha Hawiyaha" Muuse Suudi ayaa sidaa uga Jawaabay mar la weydiiyay in uu rabo inuu ka sadbursado Beelaha kale ee Somalida. mar la weydiiyay Muuse in jagada madaxweynaha uu isla rabo Cabdulahi Yusuf in uu ku taageersan yahay ayuu ku jawaabay " kuma taageersani, waxuunba lahayn awoodeeda, idinkuba waad ogtihiin, Hawiye iska leh jagada madaxweynaha, Jago Hawiye leeyahay inuu isagu qaatana maahan, Hawiyuhuna uma ogola. anaguna uma ogalin.

Waraysiga Muuse Suudi oo u ekaa sidii Marxuum General Caydiid u hadli jiray bilowgii dagaalkii sokeeye ayaa waxuu si cad afka ugu dhuftay inuusan waxba u ogalayn beelaha kale ee Somalida. Waraysiga Muuse ayaa dad badan oo Somali ah oo rajaynayay in siyaasiyiinta beelaha Hawiye ka soo gudbeen caadifadii qabiilka waxuu ku noqday la yaab iyo dhamana hays waxuuna dad badan xasuusiyay sidii wadanku ahaa 1991kii. waraysiga Muuse Suudi ayaa ka dhigaya heshiisiinta Somaliya Fari kama qodna faanoole. Muuse Suudi oo isagu markasta si weyn uga hadli jiray inuu yahay xaq ku dirir waligiisna la jiro dadka dulman ee dhulkooda xooga lagu haysto ayaa hadda u muuqda mid ka soo qalan jabiyay dugsigii fikriga ee Marxuum Jeneral Caydiid oo isagu lahaa faafiyayna aragtida ah in beesha Hawiye tiro ahaan Somaliya ka tahay 90% Daaroodkuna 5% ku nool dhul saxara ah oo Qardho u dhaw. Siyaasada Somalida ayaa markasta la soo baxda Waji cusub markii la qabto shir dib u heshiisiinba, Haatana bal aan dhawro SRRC iyo siday u kala milmaan iyo inay Carta israacaan illeyn wax walba waa laga fishaa masraxa siyaasada qabiiliga ee Somalide.

Mudugonline.com


 





 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001