Wararka Mudugonline

Nabadgalyada degmada G/kacyo oo kasoo daraysa

Galkacyo, 18 Dec 2002 (MOL) - nabadgalyada degmada gaalkacyo ayaa kasoo daraysaa, kadib markii dilal joogta ahi ay ka dhaceen todobaadyadaan danbe, kuwaasoo la xiriiri aargoosi qaabiil.

inkastoo ay dilalka noocaan oo kale ah ayihiin kuwo aan lala yaabin gobolka Mudug maadaama ay isla dagan yihiin dad kala duwan siyaasad ahaa iyo qaabiil ahaanba oo aan lahayn maamul kawada dhexeeya kaasoo xaliya arimaha inta badan keena falalka noocaan oo kale ah, hadana dilalkaan isdaba jooga ahi way ka duwan yihiin kuwii horay uga dhici jiray.

waa midda koowaade: waxay ku koobnaan jireen dilaalkaasi inta badan magaalada gaalkacyo iyo meelaha daaqsin halkaas reer miyigu isku layn jireen xilliyada daaqsinka iyo waraabka, haddase waxaad moodaa inay ku fideen dhanka tuulooyinka, maadaama ay dilalka iyo weerarkaanba la la beegsaday bilo ka hor tuulooyinka baacaadwayn iyo nawaaxigeeda. ayadoo ay xalaytana ka dheceen tuulada bayra oo magaalada Galkacyo 50KM dhinaca Itoobiya uga toosan falal foolxun oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan. halkaaso ay ciidamo USC, oo hubaysani weerar ku soo qaadeen. nin ayaa la sheegay inuu ku dhintay halkaasi 5 kalena ay dhaawac yihiin.

midda labaaad: waxaan ayaduna aan horay halkaan looga aqoon dagaal sidaas loo soo abaabulay ama loo soo qorsheeyey, waxay u muuqataa inaysan siyaasadi ka marnayn iyadoo hogaamiyayashu dagaalku heshiis xabad joojin ku kala saxiixdeen shirka soomalida uga socda elduret horaantii shirka. haddana ay jirto xubno diida shirkaas, dhici kartana inay burburinayaan nabadda halkaas ka jirtay iyo heshiiskaas lagaaray iyo kii waliba gaalkacyo lagu gaaray kadib daalkii ka dhacay halkaas bilo kahor.
waxyaalahaas oo dhan ayaan illaa iyo hadda la hubin waxaase la fili inay kala cadaan doonto todobaadyada soo socda.

Faisal Gabanow
Mudugonline.com





 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001