Wararka Mudugonline

Ciidamo USC ah oo aad hubaysan oo weerar gaadmo ku soo qaaday Tuulo Galkacyo ka tirsan

Galkacyo, 18 Dec 2002 (MOL) -Wararka Naga soo gaaraya Magaala madaxda gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa sheegaya ciidamo USC ah oo aad u hubaysan ay weerar gaadmo ku soo qaadeen tuulada Beyra oo magaalada Galkacyo 50KM dhinaca Itoobiya uga toosan. Ciidamadaan ayaa la sheegay in beryahaanba warkooda la hayay ayna ka hortageen isla markiiba ciidamo beeleed deegaan Beyro ku sugnaa. Warka ayaa intaas ku daraya in Ciidamadii weerarka ahaa laga itaal roonaaday dagaalkii ka dibna kala firxadeen iyagoo dib ugu noqday deegaankii ay ka soo duuleen.

Qasaaraha dagaalkaas ayaan wali si fiican loo ogayn, ciidama beeleedka deegaanka Beyra ayaa la sheegay in 2 dhimasho ah iyo 6 nina dhaawac tahay. dhinaca ciidanka USC ayaan la ogayn waxa qasaare dhinacooda. Wali ma kala cadaan in dhinaca beelaha USC ka baxeen heshiis nabadeed oo ay dhawaan kala saxiixdeen beelaha kale ee ay wada dagaan Galkacyo. arintaan ayaa odayaasha beelaha USC ee galkacyo ku fasireen mid la xiriirta shirka ELdoret oo rag siyaasiinta USC ee Eldoret ay ka dambeeyeen iyadoo waliba Cismaan Caato oo beel ahaan ka soo jeeda beelaha wax ka dega Galkacyo dhawaan laga soo sheegay hanjabaad iyo caga juglayn uu u soo jeediyay Gaalkacyo iyo deegaanka u dhaw.. Dad kale ayaa iyaguna aaminsan in nimankaani u socdeen inay magaalada Beyra iyo degaanka u dhaw bililaqaystaan. si kasba ha ahaatee dagaalka Mudug oo soo cusboonaada ayaan cidna ku faa'iidayn beelaha wada dega gobolka.

Mudugonline.com


Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo:

 

Halkaan ka dhagayso wararkii RadioGalkacyo ee (DEC 13 14 15)


Wasiiro la Shiray Booliiska iyo Daraawiishta Garoowe

Garoowe: Wasiirka xanaanada xoolaha ee dawlad goboleeka Puntland Axmed Maxamed Ceegaag iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Faarax Maxamed Siciid ayaa maanta shir ku la yeeshay Caasimada Puntland ee Garoowe Saraakiisha Booliska iyo kuwa daraawiishta ee ku sugan magaalada Garoowe.

Shirkaan waxaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amaanka dawlad goboleedka Puntland iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen labada qaybood ee saraakiisha Puntland oo ah daraawiishta Puntalnd iyo Booliskaba.

Waxaa kaloo maanta la isla jeex jeexay muhimada ay leedahay mid nimada Puntland iyo sidii aysan mar danbe u dhicil lahayn dhibaatadii laga gudbay ee Puntland soo martay isla markaana si wada jir ah la isaga qabto gacmaha shi sheeye ee ku dhex jira shacabka Puntland .

Allpuntland


Waraysigii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa waraysi ay bahda wararka ee SSH la yeelatay Garaad Suleiman Garaad Muxamed oo ka mid ah Garaaddada Dhulbahante, waraysiga garaadka ayaa waxa aan wax ka weydiino su,aalo badan oo dadku ay is weydiinayen beryahaanba iyada oo uu jiro tuhun fara badan oo lagu tuhmayayey Garaadada beesha Dhulbahante inay qayb ku leeyihiin rabshadihii dhowaan ka dhacay gobolada Sool,Sanaag iyo Hawdba,hadaba su,aalihii aan weydiiney Garaadka iyo jawaabihii uu na siiyey oo aan soo koobnay waxay ahaayeen sidatan:-

Laascaanood online: Ugu horeyn garaad waxaad nooga warantaa meesha ay marayso xaalada magaalada Laascaanood?

Garaad Saleebaan: Adeer magaalada waa lagu nabad qabaa mana aanay ka dhicin wixii hore wax ka dambeeyaa dib waxay ka noqona la ma garan karan karo.

Laascaanood online: Magaalada ma dad badan baa ka qaxay?

Garaad Saleebaan:waxaa jirey dad badan oo ka qaxay markii dagaaladu bilowdeen ee Riyaale soo galay magaalada,balse hada qof walbaaba gurigiisii buu ku soo noqday,wax baqdin ahina ma jirto.

Laascaanood online: Ragii la socdey Riyaale weli ma qaarbaa magaalada ku sugan,mise waa ka wada tageen magaalada?

Garaad Saleebaan: Kadib markii ina Riyaale ka cararay magaalada isaga iyo ciidankiisiiba wuxuu u yeedhtay wixii u shaqayn jirey oo ay kuwii ugu dambeeyey galabta ka carraabeen Laascaanood iyaga oo u sii jeeda xagaa iyo meeshii laga soo diray.

Laascaanood online:Ciidamadii Puntland ee uu watay Axmed Cabdi Xaabsade,weli ma magaaladay ku sugan yihiin,mise iyagana waa laga saaray Garaad?

Garaad Saleebaan: Adeer si loo dejiyo xaalada magaalada ayaan waxaan la hadalnay Axmed C. Xaabsade oo ka codsanay inuu ciidanka magaalada dhexmaraya ee hubka culus sita shacabka dhiillaysan gees uga saaro ,isna wuu yeelay codsigayagii markiiba, balse ninkaasi maadaama uu yahay nin magaalada u dhashay wuxuu si nabad ah ku degan yahay gurigiisa ku yaala magaalada,ciidankiisiina magaalada gudaheeda waa uu ka saaray.

Laascaanood online: Oo hada garaad ma waxaad na leedahay haba yaraatee wax u shaqeeya Somaliuland kuma sugna magaalada?

Garaad Saleebaan: Adeer waxaa weli jooga rag dhallin-yaro u badan oo ka lacag qaata Somaliland waana raggii awelba joogey oo sidii u jooga.

Laascaanood online: Garaad ma jeceshay inaan runta kuu sheego oo waxa debedda idiin yaalla farta kaa saaro?.

Garaad Saleebaan: Adeer waan jecelahay wixii runta ii sheega!!ee soo daa.

Laascaanood online: Waxaa naloo sheegay inaad haddii aad tihiin Isimada idinku dhibta u geysateen dadka shacabka ah oo aad ina Riyaale magaalada keenteen idinka oo heshiis hoose la soo galay maxaad arrintaas ka leedahay Garaad?

Garaad Saleebaan: Adeer annagu ninkaas ma keenin wax aan ka ogahayna ma jirto, Dadkaygana weligay hadimo ugama talin, mana khiyaamayn ,haddana wax surtowda maaha, Ugu horeyn waxaannu maqalnay inuu ina Riyaale imaanayo, Waxaannuna u sheegnay inaanu imaan karin L/caanood , Balse ayaamo kaddibna wuxuu la soo hadlay rag magaalada jooga wuxuuna u sheegay inuu safarkiisii ka baaqday, Waxaannuse ogaanney isaga oo Yagoori soo dhaafay, Kaddibna wixii dhacay waad maqasheen.
Dadka aniga beenta iga samaynayana wax kale oo aan idhaahdo garanmaayee waxaannu ku xisaabtamaynaa maalinta Qiyaame iyo ilaahay hortiis !!

Laascaanood online: Haddii aydaan idinku keenin sidee ayuu haddaa ku soo aamminey?

Garaad Saleebaan:Adeer waxaa meesha u joogey rag u shaqeeya kuwaas ayaana ku yidhi" Wax dhibaato ahi ma jiraane waa inaad soo gashaa" Waxaana ugu horreeya ninka la yidhaahdo Suleymaan Yuusuf Cali Koore iyo Casoowe

Laascaanood online: Garaad sida la sheegayo ragga dhibaatada ka wada magaalada waa rag adiga kugu xeeran sida:- Cismaan Garaad, Qaw-dhegeyste, Quulle-dhegamadoobe iyo Suleymaankan aad sheegtay,Sidaa awgeed maxaad wax uga qaban weydey oo tallaabo uga qaadi weydey ama u xidhxidhi weydey?.

Garaad Saleebaan: Adeer horta arrintu sida aad moodaysaan way ka duwan tahay, Nin walba waxaa ku xeeran rag badan oo aan loo soo mari karayn, Mana jirto hadda cid cid kale xidhi kartaa, Dedaal iyo qaylona iguma yara, Balse raggaas aad sheegaysaan sidaas ma wada aha, Cismaan Garaad horrayso iyo dambaysoba wuu ka soo horjeedaa inuu Riyaale magaalada yimaaddo shaqona kuma laha, Qawdhegeystena wax uu samayn karo ayaanba jirin, Ina dhegamadoobe sidii ay xilka ugu dhiibteen nooma iman oo waxba kama aannu arag, Waxaase la sheegayey inuu maalintii dhoweyd la socdey markii dambena isagii sii raacay oo la cararay.
Ragga aad noo dhibaya waxaa ka mid ah:- Wiilkaas ina Yuusuf Koore dhalay, Wiil kale oo Casoowe lagu sheegayey, Fu'aad Aadan Cadde, Daa'uud Shabaash, Ina Dhabdhable, Faarax Ciise Cabdi, Xasan Geerash iyo rag kale oo badan,

Laascaanood online: Ilaa hadda wax aad qabateen ma jiraan?

Garaad Saleebaan: Waxaannu qabannay shirar hoos hoos ah oo uu Isim weliba dadkiisa la soo shirayo kaddibna go'aan guud la isugu imaanayo, Wuxuuna intaas ku daray inay isaga iyo raggiisuna wada hadalkii bilaabeen si fiicanna ay isu afgarteen oo aanay hadda jirin cabsi weyni xaalkuna uu sidii hore ka sahlan yahay, Balse aan la ogeyn waxa ka soo bixi doona Riyaale oo raggii u shaqayn jirey ee deegaankan ka tirsanaa oo dhan u yeedhtay.

Laascaanoodonlinecom





 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001