Faalo:
Heshiiska Kooxaha USC ee Muqdishu ma fashilinta
shirkaa Eldoret baa mise...
Eldoret,
15 Dec 2002 (MOL) - Tan iyo intii uu bilaabay
shirkii dib u heshiisiinta somaliyeed ee Eldoret
bartamihii bishii October ee sannadkaan ayaa
waxaa jiray suxul duub ay ku doonayaan kooxaha
siyaasada Muqdishu ee ku abtirsada Beelaha
USC sidii ay gacan ugu dhigi lahaayen jihaynta
iyo hagida shirka. Doonitaanka Kooxaha Siyaasada
Muqdishu ee jihaynta shirka ayaa ah aragti
sidii aan marar badan ka faaloonay ay siyaasiyiinta
Beelaha Muqdishu degaa Aaminsan yihiin kana
soo dhaxleen shirarkii hore ee 13-ka sanno
la soo qabanayay haddii kooxahaasi aysan shirka
hormuud u noqon ay isku dayaan afduubka iyo
majaxaabinta shirka iyagoo hadba shaati cusub
oo midab kale wata soo gashta.. waxaa xasuus
mudan shirarkii bilowgii burburka ee lagu
kala qabtay Jabuuti, Qaahira iyo kii u danbeeyay
ee lagu qabtay tuulada Carta ee wadanka Jabuuti.
dhamaan shirarkaas ayaa kooxaha siyaasada
Muqdishu ee ku abtirsada USC gabi ahaanba
la wareegeen maamulkii iyo qorshaynta shirarkaas
taasna keentay burburka shirarkaas iyo sii
fogaanshaha Dawlad iyo Maamul loo dhan yahay.
Waxaad
baratay waa baaskaaye markii la isugu yimid
ELdoret ayaa isla markiba waxay kooxahaasi
bilaabeen hawlahoodi si ay gacan ugu yeesheen
maamulka shirka, waxaa ay isla markiiba la
kulmeen wax aysan hore ugu arag shirarkii
hore iyadoo si siman looga soo qayb galay
shirka oo siyaasinta Muqdishu aysan markan
helin culayskii siyaasadeed iyo saamigii ay
horey ugu barteen arintaasina ay ka caraysiisay
siyaasiyiintaas oo Cali Mahdi Maxamed uu Muqdishu
dib ugu noqday.dareenka Kooxahaasi dareemeen
inaysan ka fadlilayn kooxaha kale ee siyaasada
ayay waxay uga jawaabeen xanibaad ay hordhigeen
shirka si Shirku u burburo ama waxay rabaan
u helaan.Waxay bilaabeen xulafaysi xikmad
shishe ku dhisnayn ee ay ku gaarayeen sidii
ay shirka isku hortaagi lahaayeen. Waxaa dhacday
in marar badan laga yeelay waxyaabhihii ay
codsanayeen, loo kordhiyay tirada ergada ay
ka cabanyeen, Kooxahaas oo aad u hanwayn marnaba
ma dhicin inay ku qancaan waxyaabihii lagu
maslaxayay, ugu dambeyn waxay is tusaaleeyeen
in shirkuba yahay qayaano lala damacsan yahay
iyaga iyagoo bilaabay inay dhexdooda ka yeeshaan
shirar dhinac socday kuwa Eldoret oo iyaga
gooni u ah oo ay ku lafagurayeen sida ugu
wanaagsan ee ay shirka uga hor imaan karaan
iyagoo iska illaalinaya in Dawladaha Caalmaka
ee shirka qarashkiisa bixiyayna aysan u arag
inay shirka jilaafo u dhigayaan.
waxaa
isku soo xirka kooxahan Muqdishu door weyn
ka ciyaaray Cusman Caato oo ka mida hogaamiye
kooxeedyada Muqdishu oo ah nin lagu yaqaan
in uu yahay nin aad u munaafaqo badan waligiisna
aan wax wanaag ummada u ah ka shaqayn aadna
ugu xeel dheer samaynta kooxaysiga iyo ka
hor-imaanta wax kasta oo uu u arko inay keeni
karto in lagala xisaabtamo xasuuqiii uu gaystay
iyo hantidii uu bililaqaystay intii lagu jiray
dagaalkii sokeeye, Caato waxaa garab istaagay
nin isna lagu magacaabo Maxamed Qanyare oo
isna ah hogaamiye kooxeed kale oo isna waxii
wanaaga ah ku xajiimooda. Labada nin oo isticmaalaya
ururada Bulshada oo qaarkood dibadaha ka yimaadeen
oo aan aqoon u lahayn ragaan ayaa waxay xodxodosho
u galeen sidii ay qorshahooda uga dhaadhicin
lahaayeen Hogaamiye kooxeedka Muqdishu ugu
awooda badan Muuse Suudi iyagoo marakan Muuse
u gashtay gashtay shaati qabiil. Muuse ayaa
waxaa la tusay qatarta beelaha USC kaga imaan
karta Dawlad aysan ogayn cidda loo dhiibi
doono oo laga yaabo inay hesho taageero caalimi
ah oo ay ku sugi karto nabad galyada magaalada
Muqdishu iyo guud ahaan wadanka oo dhan. Dawladaas
oo laga yaabo inay hogaanka sare wax ka qabtaan
beelo Somaliyeed oo Caato iyo Qanyare u hayaan
neceyb aad u fog oo ku dhisan masayr iyo xaasidnimo
iyagoo beelahaas u arka inay waligood siyaasada
Somaliya ka ciyaaraan door aysan xaq u lahayn
haddana tuhunsan inay beelahaasi kala wareegeen
doorkoodi hore ee shirarakii soo burburay
ay ka ciyaari jireen.
Haddaba
wali arinta aan lo agayn waxay tahay Maxay
tahay waxa Caato iyo Qanyare dhagta ugu sheegeen
Muuse Suudi oo uu isaga badalay aragtidiisi
siyaasdeed oo ahayd hadda ka hor mid aan looga
baran isbadal ahaydna mid mayal adag, aragtidaas
oo ahayd in degaanka Muqdishu ay maamulkeeda
gooni u tahay beesha Mudulood nabadna la gaari
karin inta beelo kale xoog ku joogaan deegaankaas.
Dad badan oo shirka jooga ayaa aaminsan in
Muuse arintaan sibiq sibiq ku gashay oo dad
la taliyayaal u ah oo dibadaha ka tagay qabiilkuna
maskaxda ka galay ay ku dirqiyeen inuu dabo
kaco qabqablayaasha aan looga baran wax wanaaga
haba yaraatee. waxaa durba bilaamay faan iyo
buunbuunin dheeraada oo lala daba kacay Muuse
Suudi iyadoo si caadifad qabyaaladeed ah saxaafada
Muqdishu iyo websiteyada Caato iyo Qanyate
ee RUUNIKET iyo DAYNIILE ay bilaabeen oleole
culus oo ay dadka Muqdishu ugu sharxayaan
raganimada Muuse suudi iyo geesinadiisa iyagoo
bay yiraahdeen beesha Hawiye meel fiican uga
soo baxay goor ay ku jirtay qatar weyn oo
ka imaanaysay shirka ELdoret. Waxaa ka mid
ahaa hal ku dhigyada Muuse lagu buur laxowsanayay"Muuse
sidii la mooday ma noqon" micnaha Muuse
nin Hawiye ah ayuu noqday.
Haddaan
u soo noqono Heshiiskaas kooxaha Muqdishu
ayaa hadda waxaa cad in heshiiskaas inuusan
daacad ka ahayn heshiiska ay gaareen ee uu
yahay ujeedadiisu burburinta shirka eldoret
iyadoo asbuucaan shirku qarka u istaagay in
lagu kala dareero haatana rajadiisu ay aad
u yaraatay. haddii ay kooxaha Muqdishu heshiin
kareen hadda ka hor waxay Muqdishu isku hor
fadhiyeen dhawr iyo toban sanno, sidee ku
dhacday inay dhawr asbuuc gudaheeda gacmaha
isku qabsadaan waxii horena laga soo qaado
xalay dhalay. taas waxaa lagu tilmaami karaa
ka dib fashilka siyaasada ee kooxaha Muqdishu
ku yimid taas oo ay ku lumiyeen miisaankii
siyaasadeed ee awal madaxa loogu salaaxi jiray
ay hadda ku kacaan wax kasta oo ay u arkaan
in shirka ay caqab ku noqon karto. waa meeshii
laga yiri "nin daad qaaday xunbo cuskay"
Waxaa
durba Kooxahaas u sheegay Carqalada ay shirka
ka wadaan Mr Mwangale oo ah madaxa gudiga
qabanqaabada shirka IGAD. Waxaa sidoo kale
ku tilmaamay sheshiiska Kooxaha Muqdisho mid
aan daacad ahayn Kooxo kale oo reer Muqdishu
ah oo aan waxba ka saxiixin oo ay ka mid yihiin
Maxamed Dheere oo ah hogaamiyaha Siyaasada
ee maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa
kaloo heshiiskaas wax kama jiraan ka soo qaaday
Xassan Qalaad oo ah madaxa Maamulka Baladweyne,
Hilowle Imaan oo ka mida hogaanka SRRC, Gacmodheere
oo ah madaxa urur cusub oo Muqdishu ka jira
iyo raga kale.
Mudugonline.com
Gudiga
IGAD iyo Madaxda Kooxaha oo isla gartay Habqayb
Cusub Ergooyinka Shirka
Eldoret:
Shir lagu kala kacay saqdii dhexe xalay oo
ay la haayeen madaxda kooxaha Somalida iyo
gudiga farsamada IGAD oo xiriir joogta ah
iyo cadaadis addun-waynuhu saaray Kenya ka
dib, ayaa waxaa guddiga IGAD ka soo baxay
qodobadan:
- Ergada shirku waa tii hore lagu cusamay
oo ahayd 300 oo ergay, waxaana laga noqday
tirooyinkii gadaal looga kordhiyay.
- Tirada hogaamiyayaashu waa kuwii saxiixayaasha
heshiiska wajigii koowaadoo ee ahaa 22 hoggaamiye.
-Tirada
ergooyinka ayaa loo qaybsanayaa hab qabiil
iyadoo loo qaybsanayo Daarood, Hawiye, Dir
iyo Digil iyo Mirif halka 12 ergay ka imanayaan
qabiilada kale iyo bulshada rayidka oo la
siiyay 69 xubnood oo ka kala imaanaysa
-
Ururadda Bulshada Rayidka (Civil Society)
waa 11
- Issimada (Hogaamiyayaasha dhaqanka) waa
23
- Haweenku waa 35
Lixda gudi ee farsamada shirka ee Somalida
ka imanaysay ayaa lagu soo celiyay tiradii
ay markii hore ahayd oo dhan 108 xubnood,
taasi oo 24 ergay ka imanayaan midkiiba 4-ta
qabiil ee Daarood, Hawiye, Dir iyo Digil iyo
Mirif halka 12 ergay ka imanayaan qabiilada
kale.
Waxaa
laga codsaday hogaamiyayaashu inay qaybsadaan,
ayagoo ku qaybinaya 4.5 qabiilka.
Dadka
joogaya Eldoret waa kuwii saxiixayaasha ee
22-kii hogaamiye ee saxiixay baaqii Eldoret
ee wajigii koowaad ee shirka laga soosaaray
iyo hal kalkaaliye hoggaamiye kastaba yeelanayo
taasi oo isugayntoodu noqonayso 44, waxaa
kaloo Eldoret sii joogaya xubnaha beeluhu
u soo xushaan lixda gudi .
La
soco AllPuntland iyo wixii soo kordha Haddii
ALLE idmo
AllPuntland
Ciidamada
Shaati-Gaduud oo Qabsaday Baydhabo