Wararka Mudugonline

Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo:

1) Warbixintii Moxamed Deeq ee Eldoret
2) Wareysi: Wasiirka Waxbarashada Md. Hassan M. Dhiilood (Las-ano)
3) Warbixintii Weriyaha RG ee Moqdishu, Axmad Shariif
4) Wareysi Xoghaya Ardeyda ee DGPL, A/fatax M. Sugulle

Iyo qodobo kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html


25 ka mid ah Maleeshiyada deegaanka looga Yaqaan Maryo-Calasta oo isu Dhiibay Ciidanka Daraawiishta Puntland

Qardho: Waxaa magaalada Qardho soo gaaray 25 ka mid maleeshiyada deegaanka looga yaqaan Maryo-Calasta oo iyagu fadhigoodu ahaa halka lagu magacaabo Dhuudo, maleeshiyadaan oo isu soo dhiibay ciidanka Daraawiishta ee Puntland qaybaha aaga Qardho fadhigoodu yahay.

Mid ka mid ah maleeshiyadaas oo wariyaha AllPuntland la hadlay ayaa sheegay in inta ka hartay ay dhici karto inay isa soo dhiibaan malmaha soosocda, isagoo taas sabab uga dhigay nolosha oo ku adkaatay.

Cabdullaahi Yusuf Axmed madaxweynaha Puntland iyo wafdi ii hogaaminayo ayaa maalintii 4 aad ku sugan Qardho, ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay safarka wafdigaan, waxaase wariyaha AllPuntland sheegayaa inay wadahadal xiriir ah la yeesheen odoyaasha Qardho, wadahadalkaas oo u badan adkaynta nabad galyada iyo waxa laga yeelayo maleeshiyo Maryo-Calas ah oo ka hartay kuwii jidgooyada dhigan jiray wadada isku xirta Boodsaaso iyo Qardho, wafdigaas ayaa siddoo kale koormeerayay qaybaha dawlada ee degmada Qardho.

AllPuntland


Wasiirka Arimaha Guddaha Puntland oo kusoo Noqday Garoowe

Garoowe: Wararka ka imaanaya magaalda laascaanood ayaa sheegayaa in wasiirkii arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade uu iminka dib ugu soo laabtay mag,Garoowe ka dib markii maalmihii la soo dhaafay uu booqasho ku joogay magaalada Laascaanood.

Dib u soo noqoshada Xaabsade ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid uu kula kulmayo madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed sidda weriyahayaga magaalada Laascaanood Faysal Jaamac uu ka soo xigtay Axmed Cabdi Xaabsade waxaa kaloo ee uu sheegay in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ay kawada hadli doonaan wixii u soo qabsoomay iyo wixii aan u soo qabsoomin intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood.

Axmed Xaabsade intii uu ku sugnaa magaalda Laascaanood uu isla soo qaadeen masuuliyiinta reer Sool in ladhiso maamul si wanaagsan u maamula degaankaas.

Allpuntland, Radiyo Midnimo, Boosaaso





 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001