Wararka Mudugonline

Muddulood Ma Naqabataa

Waagi baryaba arrimaha Soomaalida ee shirka Eldorat war hor leh oo haddana muruga leh ,waxaa ka mid ah wararkaas waxaa heshiis gaaray hogaamiyayaasha ka soo jeedo magaalada muqdisho waxaayna ku heshiiyeen in muqdisho la nabadeeyo, deggada iyo airboorkana la furo,waxaa iyadana ah muruga aan taa ka miisaan yareyn hogaamiyayaasha joogo Eldorat oo geddigood kii hadlaba farta ku fiiqo kooxda isaga ka soo horjeedo yiraahdana koox fulaan waxaay doonaysaa in lagu kala tago shirka taana aqbalimeyno waayo shirkan waxaa ka soo baxayo dowlad ay Soomali u dhan tahay iyo aniga oo gaara balamadi la ii sameeyay.

Haddii aad fikirka hoos ugu dheeraato ,haddaladdan aan kor ku xusayna hoos shisha u fiiriso waxaad arkaysaa Soomalina aan ku cusbeyn in ragga halkaa isugu tegay intooda badan aynan ku maqnayn dan Soomaaliyeed guud ahaan iyo danta taageerayaashooda gaar ahaan waxaa kale oo aad dareemeysaa dowladaha daadihinayo qaabsami u socodka shirka in aynan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed kaga murug badnayn kagana murug badnaan doonin xal u helida dhibaatada Soomaali dul taal.

Muduloodow markaan hoos isula dhigno Eldorat uma muuqato in ay ka soo cadcadahay Dowlad ay Soomaaliweyn ku caana maalaan dalka iyo dadkana ku dhaqdo cadaalad iyo sinaan sidaa darteed saddexna waa naga digniin saddexna waa naga talo.

Ka hor inta aanan u guda gelin digniin iyo talo isu soo jeedin waxaan idin xasuusinaynaa idinka oo ah hogaamiyayaasha Mudulood in aad is weydiisaan talaaba walbo horteed Soomaali waa dhiban tahay ee xaggee laga heystaa? jawaabta su'aashana ha ahaato mid ka dheer calool jileec iyo laab la kac hana ahaato mid ku salaysan xikmad wacan kana tarjumeyso danta Soomaaliyeed guud ahaan iyo tan deegaanka Mudulood iyo taageerayaashiina gaar ahaan.

Muduloodow nama qabato saddexdan waana naga dgniin.

1) Gogasha Eldorat nama qabato in aan aqbalno doorasha ku salaysan aqlabiyad waayo raga iyo dumarka fadhiya gogasha intooda badan ma mathalaan shacabka Soomaaliyeed tan kale meesha looma imaan in la isu dhigo riwaayad la mid ah tii horay Soomaali loogu dhigay degmada Carta ee dalka Jabuuti ,waxaana Eldorat loo tegay in lagu heshiiyo la iskuna af garto keddibna loo tabaabusheysto yaa qabanaayo oo mudan hogaanka Soomaliyeed maandeeqna maali yaqaan .

2) Nama qabato heshiis siyaasadeed ee ku salaysan gurigaaga aan kula maamulno xamarna khadka cagaaran ha loo daayo madaxweynahana qaado haddii aad naga hesho, Soomaalina aan mar kale ku dayno boob, dhac iyo mooryanimo hor leh

3) Nama qabato balan la hubo iyo mid aan la hubinba oo ku salaysan wasiirka koowaad qaado ama arimaha gudaha danaha dadkaagana dhinac iska dhig, xamarna aan ka wada sifeyno xoogaga fadhiya sidaana aan dhaawac hor leh ugu geysano dadweynaha deggan xamar cadde iyo agagaarkeeda.

Muduloodow saddexna waa naga talo waana dantiina iyo danta Somaaliyeed.

1)waa in aad taladiina ka saartaan in waddankan nin kor laga keenay hogaamin karo haddii aynan raali ka ahayn shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed taladiina yeynan ka maqnaan nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan iyo nabad la tuugo nabad maaha.

2) Talada ku darsada, marnaba ha ku seexanina hana ku soo toosina in muqdisho nabad hareereyso haddaynan ka imaan dadka deggan deegaanka xamar iyo agagaarkiisa taana waxaa idinka xigta idinka oo midooba oo Soomalina doona.
3)Muduloodow iydana talada ku darsada dhaawaca Soomaali la kici la'adahay in uu yahay damac in badan kaga jiro gacan ku dhigida maamulka magaalada Muqdisho iyo talo xuma iyo towfiiq la'aan idinku raagtay.

Abdallah Moallim Mahamud(Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com

Moallem@lycos.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001