Wararka Mudugonline

Riyaale oo ariggiisii ciin daaqsiiyey maalmihii Ciidda!

Ari, Laas iyo Caano haddii ay cindigaaga kusoo dhacaan waxaa durbadiiba kuu soo carfaya subag, cadkana inaan cuno waa caadadeena.
Caqli xumada Siyaasiyiinta Soomaali oo dhan bay camimtay. Maxaa nin culus looga waayey? Salaan Carrabay codkiisii miyaan marar badan rag ku celcelin "war toloow colka jooja". Cabqari oraahdii cabqari kale ayaa fahmi kara.

Waxaa wali ii cuntami la' dad bishii Ramadaan Ilaahood soo caabuday oo ciidaya oo takbiirtii ay carrada is qabsatay in guluf lagu casuumo oo Shacaa'irtii Ilaahay aan la cisayn waa arin aan caqliga galayn.

Riyaale walaalihiis cisayn waa, Ilaahayna ka cabsan waa. Waxaa cindigiisa ku wayn Ingiriis baa dhul calaamadiyey! Waa tahay. Ingiriirku ma isagaa dadka reer Laascaanood abuurtay mise dhulka laftiisa leh.
Riyaale muxuu Garoowe usheegan la'yahay? Muxuu Xarshin usheegan la'yahay oo reer Waqooyi kaliya degaan?!

Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay noqdeen sidii tuugo oo kale oo haddii uu fursad u helo inuu wax xado xada. Waana tan hadda Riyaale sameeyey markii ay Somaliland xoogaa isla heshay oo waliba ay arkeen Puntland oo kala qaybsan waxaa la rabay in si aan xoog ahayn ay wax u marsadaan. Bal tixdii Qamaan akhriya.

"Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo
Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo
Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane
Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,
Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane? "

Marka Riyaaloow dad ciidaya haddaad ciidan soo galisay oo aad ciyaalkii ciyaarayey aad cabsi galisay ciqaabteedii waad haysaa haddii aadan halkaas aadan hal cawo beryin oo aad carartay. Waxaan hadda kugu casuumaynaa inaad Cabdi Bile kale tahay rag baana kaaga horeeyey.
Fiicnaan lahaydaa haddaad sidii Ina Gahayr uu yiri ay qadiyadaadu saas ahaan lahayd:


Dagaalkii Jidbaale ninkii joogay baan ahaye
Abidkayba meel lagu jabaan jaqalo buurnaaye
Ilaahay i jecelaa muxuu jiray Arwaaxaygu".

Kolay ciddii kula talisayba ceel bay kugu rideen laakiin waxay ilatahay inaadan doorashooyinka cod badan helayn ilayn nin dhowrkii ceesaamood oo loo dhiibay ciin daaqsiiyey maalin ciid ah oo la is lahaa caano halaga maalo ama cad ahaan haloo cuno waliba guri nabadi taalo sida Laascaanood oo ahayd magaaladii ugu nabad badnayd Soomaaliya tan iyo intii Maxamed Siyaad xukunka laga tuuray.

Magaalooyin badan halka dadku ay si wacan u ciidayeen adigu tacshiirad baad Laascaano ku ciidsiisay.

"Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa". Qofkii dad fiican la showraa ma shalaayo.
nin ciso lahaa oo cararay.

cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com


RIYALE OO RIYADII CIGAAL KU HUNGOOBAY!!!

Muddo fara badan ayey dadka ay ka go'do talada Waqooyi Galbeed waxay ku taami jireen sidii ay mar uun gacanta ugu dhigi lahaayeen Sool iyo Sanaag iyadoo ay horay SNMta ugu suurta gashay in xoog ay ku qabsadaan Gobolka Awdal oo midnimada Somalida jecel, shacabkiisana waxay SNMtu u geystay falal fool xun oo xuquuqul Insaanka ka baxsan.
.
Haddaba maxay Sool iyo Sanaag u diideen gooni isu taaagga?
1-Gumeysigii Ingiriiska oo heshiisyo kala duwan la galay Qabaa'ilka dega carigii uu Ingiriiska gumeysan jiray sida Isaaqa, Hartiga iyo Gudebiirsigaba. Heshiisyadaasna dhamaantood waxay ku saleysnaayeen danta iyo midnimada Somalida.

2-Xaaladda Somaliya oo ka duwan tan dalalka kale iyadoo Waqooyi iyo Koonfur ay iskood u midoobeen iyadoo cidna la qasbin, taasina ay kentay in laga dhigo UNka sharciga la yiraahdo "UNION ACT" oo masahay wixii sharci ahaa oo hore.

3-Iyagoo ogsoon in qabiil uusan qaran noqon karin, xasuustana dagalkii labada jeer ka dhacay Isaaqa gudahiisa oo keenay in laba jeer la qaxo oo dhalisayna dakane aan la daweeyn karin, si sahlana ku keeni karta qarax kale.
4-Bahweynta Harti oo ka mid ah qabiilka Daroodka ee Somaliya oo Koonfur iyo Waqooyiba ka degan oo ogsoon in iyaga iyo somalida kaleba dan u tahay wadajirka oo ah xoog oo ay diinteenu na fartay iyadoona nooga digtay tafaraaruqa.
Marka qodobadaas kor ku xusan waxay sabab u ahaayeen in Cigaal uusan deganadaas tegin isagoo qadarinaya diidmada dadweynaha, sidaas darteedna maamulkiisii ka hirgelin.

Intaas ka sokowna, reer Sool iyo Sanaag si ayan ugu dhicin foolxumadii ku dhacday Awdal oo kale, una dhowraan midnimada Somaliya ayey waxay qayb xoog leh ka ahaayeen dhisiddii maamul goboleedka Puntland oo maamul, reer iyo deegaan ahaanba ay ka tirsan yihiin.

Iyadoo taasu jirto ayaa hadana waxaa mar walba jiray dad daneystayaal ah oo maslaxadooda gaar ahaaneed awgeed u raacay Cigaal, kuwaasna waxay badidooda ayan soo dhaafi jirin degaanda uu ka talin jiray Cigaal oo ay sidii "Expatriateska" oo kale ay halkaas kaga shaqeysan jireen.

Taasna waxaa markhaati u ah wareysi lagu soo qoray Somalilandinet ka dib markii uu Riyaale ka soo cararay Laascanood (9-12-2002) oo lagu wareystay Qaybe.Halkaasna Qaybe wuxuu ka sheegay in xoog-sheegashadu ayan cidna dan u aheyn, haboon tahayna in nabadii lagu soo noqdo maxaa yeelay dadku isku maslaxad ma aha iyo isagoo intaas raaciyey in Somaliland ay joogaanba dad raacsan Carte.

Ugu dambeyntiina, waxaa dhab ah in rabitaanka shacabka Sool iyo Sanaag uu xaalka ku dambeyn doono, horayna dareenkoodu wuxuu ku khasbay Fagare in uu iska casilo dawladii Cigaal inta aan la qaban referendamkii fashilay iyadoo wakhtigii la qabanayey referendamkaasna uu Qaybe joogay Dubaay si uusan ugu lug yeelan .

Si kastaba ha noqotee, dooroshooyinkaan la sheegayana masiirkoodu wuxuu noqon doonaa kii referendamka oo sanaadiiqdiisii la geeyey magaala madaxda Puntland ee Garoowe oo
maanta uu ku xiran yahay nin ka mid ah koofiyu-castii Riyaale.

Waxaa qoray :-
A.Dirir


Xero-dhaafka Daahir Riyaale iyo Qormo Xumada Saxaafadda Hargeysa:

Ummadda Somaliyeed oo meel ay joogaanba walaala ah oo wada-dhashay, ayaa mar-walba dad dano gaar ah leh dab ka dhexshidaan oo colaad iyo cuqdad calooshooda ku kala beeraan.
Daahir Riyaale iyo ciidanka faraha badnaa ee uu hormoodka ka ahaa waxay lahaayeen ujeedo guracan oo gardaro ah oo aysan geedna ugu soo gaban, waana ogaayeen inay dhiig dad aan danbi lahayn daadin-doonaan; Wuxuu horay usoo kaxaystay Askar kor u dhaaftay 4oo iyo 35 Baabuur oo Qoryo ku rakiban yihiin. Halkaa waxaa kaaga cad inuu diyaar u ahaa dagaal uusan ka fakarin cidda uu la beegsanaayay!
Haddaba, dadka waxgaradka ahow, Saxaafadda Hargeysa waxyaabihii ay ka qoreen xera-dhaafkii Ina Riyaale Kaahin waa wax laga yaq-yaqsado oo dad xadaarad leh iyo kuwo aqoon lehba midna aysan qori karin waxa ay kusoo qoreen saxaafadooda, waxaadna ka garan kartaa meesha foosha xun ee ay cadiifaddu gaarsiisay iyo aqoon la'aanta ay u leeyihiin reer Sool.
Waxaa xaqiiqo ah in gumaysigii Ingiriisku xukumi jiray Sool iyo Sanaag, xuduudna kala dhex dhigay Garoowe iyo Laas Canood, taas oo danihiisa gumaysinimo ahayd, ugu danbayntiina isaga guuray ama goostay inuu xornimadooda siiyo dadkii Somaliyeed ee uu xoogga ku haystay.
Haddaba, Dadka ku nool Sool oo ku abtirsada Daarood, kana sii ah Harti, ma Ingiriiskii baa reer Hargeysa siiyey oo ku wareejiyey markuu xoriyada siinaayey?!
Saxaafadda Hargeysa, miyeysan ogeyn cidda ay ku tilmaamayaan Shufto, Argagixiso iyo waxyaabaha xun xun inay yihiin dadkii Somaliya dhalashadeeda, xoriyadeeda iyo isu imaatinkeedii kuwii naf iyo maalba u huray?
Marka hore waxaad isweydiisaan maxaad la wadaagtaan reer Sool iyo Sanaag aan xariiqdii gumaystaha ahayn? Miyeynaan ogeyn inay quursi tahay waxaad ku dhaqmaysaan, reer Soolna dad quursiga ka weyn inay yihiin? Maxaad qiiqa iyo ceeryaamada iskugu qarinaysaan?
Somaali dhammaanteed maanta waxay wada fadhidaa Eldoret, waxaana adduun weynuhu wax ugu qaybina hayaa Afar Qabiil iyo Bar; Waxaana Daarood hogaankeeda ka mid ah oo shirka u fadhiya Maxamed Cabdi Xaashi oo Dhulbahante ah oo Sool kasoo jeeda, waxayna wax la qaybsanayaan Somalida walaalahooda ayagoo ku midaysan magaca Daarood.
Haddaba, Saaxaafadda Hargeysay, Ma maantaad rabtaan inaad sheegataan dhulkii reer Laas Canood ay lahaayeen, adinkoo mar-marsiinyo ama sabab ka dhiganaaya Ingiriiskii baa Hargeysa uga tagay dhulkaan ama waxaa mara xariiqdii gumaystihii?
Anigu shaqsiyan ahaan ma qabo in dhulka Somaliya ciddana laga takooro ama cidna inay dagto loo diido laakiin, ma qabo in dad qoryo wataa ay dhul dadkii lahaa dagan yihiin xoog lagu qabsado ama lagu dhul badsado, ayadoo runta iyo xaqiiqada indhaha laga qabsanaayo, taasna cawaaqib xumadeeday leedahay.
Dadka reer Sool waxay ka mid yihiin Hartida degta Jubbooyinka, mana doonayaan inay Somalinimadooda wax kale ku badashaan. Haddii taas la tixgalin waayana waxay samaynayaan wax allaale iyo wixii ay sharaftooda iyo karaamadooda ku illaashan karaan.
Hargeysa iyo reer Sool waxay wadaagaan Somalinimo oo waa dad daris-wadaag muddo dheer ahaa, waligoodna ahaan-doono, kuna wada noolaan-doona nabad iyo nabaadiino, waxna uma dhimi-doonto xero-dhaafka Daahir Riyaale iyo aflagaadada saxaafadda afka qabiilka ku hadlaysa.
Raage Jaamac
jamarage@aol.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001