Wararka Mudugonline

Shirkii Eldoret oo dib u dhac ku yimid

NAIROBI, 10 Dec 2002 (MOL) - Sida Maanta ay idaacada Galkacyo sheegtay shirkii heshiisiinta Somalida ee Eldoret ayaa waxaa ku yimid dib u dhac iyo hakad ka dib markii mar kale tirada ergada ay kordhiyeen gudiga qabanqaabada ee IGAD. Sida uu RadioGalkacyo u sheegay Cawad Casharo oo ah wasiirka cadaalada oo ka mida ergada Puntland uga qayb galaysay shirka. Cawad Casharo ayaa sheegay in shirkii la Maran habaabiyay, shirka ayaa waxaa la soo gudboonaaday maamul xumo iyo kooxo isku bahaystay inay burburiyaan shirka.

Mudane Casharo ayaa sheegay in Puntland ergadeedu ay markasta ka shaqaynayaan wanaag iyo in la gaaro heshiis taas oo buu yiri ay ku cadahay tanaasulaadka ay sameeyeen oo aan tirada ergada Puntland marna loo kordhin wax cabasho ahna aysan arimahaas ka samayn iyagoo fiirinaya danta guud. Casharo ayaa sheegay in ergada Puntland ka shaqaynayaan sidii maamulka shirka loo hagaajin lahaa shirkuna uu horey ugu socon lahaa.

warka oo faahfaahsan oo maqal ah ka dhagayso Halkaan

Mudugonline.com


Faaqidaada RadioGalkacyo

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo:

Faqidaada RadioGalkayo (Dec10)

1. Wareysi Cawad Casharo(Muhiim)
2. Gudiga Farsamada shirka Eldoret
3. Wareysi ardey wax ku barta jaamicaa dalka Suda


Faqidaada RadioGalkayo (Dec 09)

1. Safarkii Xaabade
2. Suxufiyiin ka soo laabtay Laas Caano
3. Wareysi Gudoomiyaha Gobolka Sool

Faqidaada RadioGalkayo (Dec06)

1.Qudbadii MDGPL
2. Suldan Garaase (very important!)
3.Furitaanka Suuqa Bacaadlaha ee Galkacyo
4. Salaaii Ciida ee Galkayo

Iyo qodobo kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html


Puntland Press Releases: The Puntland delegation to the Somali National Reconciliation Conference (SNRC) in Eldoret wishes to draw the urgent attention of the SNRC, IGAD Technical Committee and the International Community to the serious hostilities and increasing tension in Northern Somalia following the armed invasion of Sool Region of Puntland State by the secessionist Northwest Zone of Somalia (aka Somaliland) on Saturday, December 6 2002... Read More Dec 09 2002


Gaari Ilalada Madaxweynaha Puntland iyo Mid Rayid oo Isjiiray; 9 Qof oo ku Dhimatay

Qardho: 9 qof ayaa ku dhimatay 1 qofna waa kuu dhaawacmay agagaarka tuulada Alxamdu lilaah oo wax ka yar 100 Km koonfur ka xigta magaalada Boosaaso ka dib markii gaari ay saarnaayeen ilaalada madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland uu dulmaray gaari kale oo ah nooca loo yaqaan waaraadka oo ah kuwa xamuulka qaada kaasoo ku siijeeday magaalada Boosaaso gaarigaas wayn ayaa gabi ahaanba dhulka la simay gaariga ay wateen ciidanku.

Shilkaan gaari ayaa dhacay ayadoo xukuumada Puntland oo uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlada Puntland ay safar usoo ahayd magaalada xarunta ah ee Garoowe, waxaana haatan madaxwaynuhu uu kusugan yahay magaalada Qardho, waxaana lafilaya in madaxwaynuhu uu maalmaha soo socda yimaado Caasimada Garoowe dabadeena uga sii gudbi doono magaalada Gaalkacyo.

AllPuntland


Shil Gaari Ciidan oo 7 Qof ku Dhimatay Laascaanood

Laascaanood: 7 qof ayaa ku dhimatay 15qofna way ku dhaawacmeen magaalada Laascaano kadib markii gaari ay wateen ciidan lasocday wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo Booqasho ku tagay Laascaano uu jiiray qof wadada magaalada marayay kadibna uu gaarigii ciidanku uu ka lumay Kantaroolkii.

Gaarigaan ayaa dabadeed jiiray dad Biibito fadhiyay asagoo ugu danbaytiina ku dhacay bakhaar , dadkaan dhintay ayaa sadex ka mid ah waxay ahaayeen ciidanka daraawiishta Puntland ee saarnaa Gaariga halka inta kalana ay ahaayeen shacabka Laascaano.

Axmed Cabdi xaabsade iyo wafdiga uu hogaaminayay oo ka koobnaa wasiiro iyo wasiiro ku xigeen ayaa magaalada Laascaano utagay si ay halkaasi uga bilaabaan arimo nabadeed ,iyagoo shalay kasoo kici timay magaalada Boosaaso .

AllPuntland





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001