Wararka Mudugonline

Xaalada Magaalada Laascaanood Maanta oo xasiloon iyo Sidii loo arkay dagaalkii shalay

Laascaanood, 8 Dec 2002 (MOL) - Ka dib dagaalkii shalay sida kadiska ah u dhacay ayaa Maanta magaalada Laascaanood wax dagaal iyo dhibaato ah aysan ka dhicin. Dagaalkii shalay ayaa illaa hadda la sheegay inay ku dhinteen 4 qof oo uu ku jiray gudoomiyihii gobolka Rooble Cabdulle. waxaa iyana jira dad dhaawaca iyo bur bur hanti dadweyne oo ay ku dhacday hubkii cuslaa ee ay ciidamadu isweydaarsadeen. Ciidamada Posliska Puntland ee magaalada Laascaanood ayaa iyagu hadda magaalada gacanta ku haya.

Dagaalka ayaa joogsaday ka dib markii Waftigii Daahir Riyaale iyo ciidamadii uu watay ay magaalada ka baxeen. waftigan. uu hogaaminayay Riyaale oo ah Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada ku soo galay si kadis ah taas oo keentay isku dhaca labada ciidan. Isimada gobolka ayaa dhawr goor uga digay Madaxweynaha Somaliland inuu booqosho ku yimaado Magaalada Laascaanood taas oo ay ku sheegeen inay dhalin karto xasilooni daro iy fawdo aan loo baahnayn. Waxay sidaas oo kale odayaashu u baajiyeen booqasho tan oo kale ahayd oo uu damacsanaa inuu gobolka ku Tago Madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf iyagoo odayaashu diidanaa in safarkaas dhaliyo iska horimaad iyo gacan ka hadal.

Qilaafka siyaasadeed ee labada gobol ee Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle ayaa madaxweynihii Hore ee Somaliland iyo Madaxda Puntland wax badan ka ilaaliyeen deegaankaas isku dhac keeni karay dagaal. Dad badan oo reer Puntland ayaa aaminsan in talaabada cusub ee uu qaaday Riyaale ay la xiriirto arin siyaasadeed oo la xiriirta doorashooyinka Somaliland oo siyaasi walba isku muujinayo inuu isagu yahay nin sugi kara nabad galyada gobolada Sool iyo Sanaag hanana kara gooni isku taaga Somaliland taas oo qatar weyn ku ah nabada gobolka. qaar ka mida wax garadka Somaliland ayaa iyaguna aaminsan inay arintaan awal ka digeen ka dib markii Riyaale la soo galay heshiis aan la faafin Dawlada Jabuuti oo iyadu wax badan waday dadaal sidii ay ku burburin lahayd Dawlad goboleedka Puntland oo ka hortimid Kooxdii Carta oo Dawladu Jabuuto aragtida dhismaheeda lahayd. wax garadkaas ayaa aaminsan riyaale oo isagu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan yahay ee Awdal uusanba Daacad ka ahayn go'itaanka Somaliland oo abuurida dagaal ay keeni karto in Somaliland noqoto koox kale oo Somaliyeed sida kooxaha Muqdishu ka jira Taas oo ah qorshaha Dawlada Jabuuti.

Mudugonline.com


Faaqidaada RadioGalkacyo shalay

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo shalay:

  • Dagaaladii Shalay ee Magalaada Laascaanood iyo sidii wax u dhaceen.
  • Xildhibaano ka soo goostay Kooxda Carta oo ku sugan Magaalada Jawhar.
  • Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo laga waraystay kana hadli doona arimo badan oo ay ka mid yihiin Shirka Eldoret.
Iyo qodobo kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html

 

 

 

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001