Wararka Mudugonline

Dagaal ka dhacay Magaalada Laascoonood Maanta

Laascaanood, 6 Dec 2002 (MOL) - Warar deg deg ah oo hadda aan ka helay Magaalada Laascanood ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hub culus. dagaal kaas ayaa dhacay ka dib markii uu halkaas booqosho ku yimid madaxweynaha dawlada Isku magacowday Somaliland Daahir riyaale. Dagaalkaas ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo labo ciidan oo kala taageersan Somaliland iyo dawlad goboleedka Puntland. dhinaca Puntland waxaa dagaalka galay ciidanka Poliska Puntland ee Laascaanood. Dhinaca Somalilandna ciidanka Madaxweynaha la socday ayaa la sheegay inay dagaalka galeen.

Dagaalkaas oo aan wali faahfaahin badan laga hayn ayaa la sheegayaa in dadna ku dhinteen dadna ku dhaawacmeenadagaalkaas, waxaa la sheegayaa in gudoomiyihii magaalada ee maamulka Puntland uu dagaalkaas lagu dilay. waftigii Somaliland oo watay ciidan xoogan ayaa iyagana la sheegayaa inay hadda magaalada isaga baxeen. Somaliland ayaa bilihii ugu danbeeyay waxay wadeen dadaal ay ka wadeen gobolada Sool, Sanaag iyo degmada buuhoodle sidii ay uga hirgalin lahaayeen dooraashoonyinka Somaliland. Goboladaas ayaan ogalayn inay ka go'aan Puntland iyo Somaliya arintaas ayaana sal u ah qilaafka siyaasadeed ee ka jira goboladaan.

waxii intaas ku soo kordha gadaal ayaan idinkana socodsiin doonaa.

Mudugonline.com


 

CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN...................................................

 

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001