SOOMAALIYA
IYO HABKA FEDERAALIGA AH
W/Q: Mohamed Dalmar
Fadhiga dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret,
wajigiisii kowaad waxyaabihii lagu heshiiyey waxaa
ka mid ahaa in la qaato habka federaaliga ah, laguna
maamulo Dawladda Soomaliya ee dhalan doonta.
Waxaa la oran
karaa waxaa sababay in la qaato habka federaaliga
dagaalka sokeye, oo keenay in la kala miirmo oo qabiil
walba salka la galo degaankii uu asal ahaan ka soo
jeeday. Waxaa keenay tuhunka iyo cabsida laga qabo
in awooddu gacanta u gasho hal qof ama hal qabiil
oo inta kale cadaadiya iyadoo weli la xusuusto xukunkii
diktatooriga ahaa ee xanuunka badnaa oo la soo maray.
Haseyeeshee, waxaa moodaa in doodda la xiriirta habka
federaaliga ay qayb ka noqotay loollanka loogu jiro
qaybsashada jagooyinka iyo hantida dawladda iyo xarig-jiidka
ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed. Waxaa moodaa
in walwalku yahay Yaa xukumi doonaa dalka? Ee uusan
ahayn side loo xumi doonaa? Waxaa markaas dooddaas
ka maqan dareenka ah in habkaan loo arko inuu yahay
qaab maamul-dawladeed oo dawlada badani ku dhaqmaan,
kuwa kalena hadda ku tala jiraan inay qaataan. Waxaa
haddaba habboon in la isweeydiiyo: Muxuu yahay habka
federaaligu? Muxuu dheef iyo dhibaatba lahaan karaa?
Sidee loo dabaqi karaa? Waxaan isku dayaya inaan maqaalkaan
si kooban ugu faaqido arimahaas anigoo fikradayda
ka dhiibanaya siday ila tahay.
Waa maxay habka feederaaliga ahi?
Habka federaliga ahi waa hab ku dhisan awood qaybsan
iyo xukun baahsan. Waxaa awoodda wadaagaya dawladda
dhexe iyo dawladaha gobollada. Saddex heer oo xukun
ayaa ka jiraya dalka, awoodna ku yeelanaya shacabka:
dawladda dhexe, tan gobolka iyo tan degmada. Awoodda
iyo xilka dawlad kasta waxaa qeexaya dastuurka. Sidoo
kale distuurka ayaa qeexaya hannaanka ay kuwada shaqeeynayaan
heerarka kala duwan ee dawladdu. Habkaani wuxuu ka
duwan yahay kan
maamulka mideeysan “Unitary state” oo awoodda oo dhan
siinaya dawladda dhexe. Gobollada iyo degmooyinku
waxay hoos imaanayaan dawladda dhexe oo iyadu intay
doonto oo awood ah siinaysa ama kala noqoneeysa hadba
sidii loogu baahdo.
Faa’iidada iyo dhibaatada habka federaaliga
Faa’iidoyinka habka feedaraaliga ah waxaa ka mid
ah:
1.
Wuxuu baahinayaa awoodda. Waxaa markaas yaraaneysa
halista ah in awooddu ku uruurto gacanta hal qf, ama
hal koox oo dadweeynaha ku amarkutaagleeya.
2.
Maamulka ayaa u soo dhawaanaya dadweeynaha.
Gobollada iyo degmooyinka ayaa baranaya inay is-maamulaan
oo wax ka qabtaan bahidooda intay xal ka sugi lahayeen
xafiis ka dheer iyo biroqraadiyad aan u soo jeedin
danahooda.
3.
Wuxuu shacabka siinaya fursad ay siyaabo kala
duwan uga qaybgalaan siyaasadda dalka iyagoo mar
dooranaya dawladda degmada, marna tan gobolka, mar
kalena tan qaranka.
4.
Ma jirayso dawlad dhexe oo leh awood xad-dhaaf
ah ooy ku cabburiso xuquuqda dadweeynaha iyo deegaamada.
5.
Wuxuu abuuri karaa xamaasad ah in gobollada
iyo degmooyinku ku tartamaan horumarinta degaankooda,
ka dibna dalku sidaas ku barwaaqoobo.
6.
Habkaani wuxuu u sii fiican yahay dalkii leh
qowmiyado kala duwan oo qowmiyad waliba rabto inay
hesho ilaa xad madaxbannani, iyadoo isla marahaantaas
la dhawrayo midnimada qaranka. Soomaalidu waa hal
qowmiyad. Haseyeeshee, qabiilkii ayaa noqday summad
hari wayday oo la isku kala faquuqay.
Dhibaatooyinka habka federaaliga ah waxaa ka mid
ah:
1.
Waxaa dhici karta in gobollada iyo dawladda
dhexe ay awoodda kala jiitaan oo ismari waayaan, halkaasna
ay ku curyamaan danihii ummadu.
2.
Waxaa dhici karta in beelaha ku nool degmooyinka
aysan khibrad iyo aqoon-farsamo u lahayn maamulka
laga filayo inay hantaan.
3.
Waxaa dhici karta in hogaamiyayaasha gobolladu
gooni-u-goosato noqdaan, sidaas darteedna ay ku wiiqanto
midnimada qaranku, ka dibna dalku u nuglaado faragelinta
shisheeyaha.
Sida kor ka muuqata, habka federaaliga ahi wuxuu
leeyahay faa’iidooynkiisa iyo khasaarihiisaba, taasina
waa caadi oo hab kasta wuxuu wataa dhibkiisa iyo dheeftiisaba.
Waxay ku xiran tahay hadba sidii loo hirgeliyo. Waxaa
jira dawlado ku tanaaday habka federaaliga iyo kuwa
guuldarro ka raacday, kuwo ku hormaray iyo kuwo ku
dibdhacay, kuwo xorriyad ka helay iyo kuwa diktatooriyadi
ku habsatay. Waxaa muhim ah in la fahmo inuu yahay
qaab maamuleed oo la adeegsanayo ee uusan ahayn yoolkii
la rabay in lagaaro. Yoolku waa horumarinta iyo sare
u qaadidda nolosha bulshaweeynta Soomaaliyeed. Qofahaan,
waxaan qabaa in, haddii laga dhabeeyo, laga faa’iideeysan
karo habka federaaliga iyadoo islamarahaantaas laga
gaashamanayo dhibaatooyinkiisa. Haddaba, si loo hirgeliyo,
waxaa loo baahan yahay in la helo shuruudo badan oo
lagama maarmaan u ah dhaqangelintiisa.
1.
Marka hore, waxaa loo baahan yahay in la helo
heshiis buuxa oo ka dhexdhaca beelaha Soomaaliyeed
oo idil. Waxaa loo baahan yahay in la wada fariisto
oo si walaatinnimo iyo daacadnimo ku jirto loo kala
garbaxo, la kala sheegto wixii la kala tabanayey,
la isu celiyo wixii la kala haystey, la isuna cafiyo
wixii la doono.
2.
Waxaa lagama maarmaan ah in la helo nabad
iyo xasillooni buuxda. Haddii kale ma jiri karo hab
hirgela noocu rabo ha ahaadee.
3.
Waa inay ka go’antahay bulshada iyo madaxda
Soomaaliyeed in la dhawro sharciga. Habkaani maadaama
uu qaybinayo awoodda wuxuu keeni karaa isqabqabsi
badan. Waxaa markaas loo baahan yahay sharci lagu
kala baxo iyo xeer la okoban yahay.
4.
Waa in laga xoroobaa fikradda ah sidee wax
loo qaybsanayaa, maxaa la siinayaa reer Hebel. Manfac
la qaybsado meeshaan ma yaal ee waxaa taal hawl.
5.
Waxaa loo baahan yahay in lagu shaqeeyo niyad
iskaashi iyadoo xoog la saarayo adeega bulshada. Habka
federaaligu wuxuu ka duulaya fikradda ah in adeegyada
qaarkood ay u faradhuudhuuban tahay degmadu, qaar
kalena gobolku, qaar kalena ay ku habboon yihiin inay
fuliso dawladda dhexe.
6.
Hab kasta oo la qaato wuxuu dalbaya maamul
toosan oo ilaa xad hufan. Haddii kale wuxuu ku dambeeynayaa
burbur sida Soomaaliya ka dhacday.
Hiregelinta habka federaaliga ah
Hirgelinta habka federaaliga ah waa arrin qotodheer
oo u baahan daraasad, waqti iyo tijaabooyin badan.
Ma aha wax aan halkaan ku soo koobi karo ama aan u
leeyahay aqoon ballaaran oo aan kaga baaraan dago.
Waxaan jecleeystay inaan halkaan ku soo qaado qodobo
dhawr ah oo aan u arko muhim, waxaana ka mid ah: qaybinta
xilalka, tirada gobollada iyo wadaagga dakhliga.
Qaybinta xilalka
Sidaan kor ku xusay, waxaa jiraya saddex dawladood
oo wadaagaya xukunka dalka, saddexdabana waxaa sii
toos ah u dooranaya dadweeynaha. Waxaan hoos ku liisgareeynayaa
xilalka dawlad kasta, anigoo ka shidaal qaatay dalka
Kanada oo aan ku noolahay.
Xilalka Dawladda Dhexe:
1.
Gaashaandhigga
2.
Lacag soo saaridda iyo Siyaasadda dhaqaalaha
3.
Xiriirka caalamiga ah
4.
Boostada iyo isgaarsiinta
5.
Socdaalka (immigration)
6.
Furdooyinka (customs)
7.
Jinsiyadda (citizenship)
Xilalka Dawladda Gobolka:
1. Waxbarashada
2. Caafimaadka
3. Boliska gobolka
4. Waddooyinka gobolka
5. Ruqsada gaadiidka
6. Ilaalinta bay’adda
7. Guriyeeynta
8. Horumarinta dhaqaalaha
9. Khayraadka dabiiciga ah
Xilalka Dawladda degmada:
1. Ruqsada shatiyada ganacsiga
2. Ruqsada iyo nidaaminta dhismayaalka
3. Booliska degmada
4. Dabdemiska
5. Nadaafadda iyo qashin uruurinta
6. Waddooyinka degmada
7. Nalka iyo biyaha
Tirada Gobollada
Waxaa muran xoog lehi ka taagan yahay tirada gobollada
iyo xuduudooda. Hadda ka hor, waxaa la soo jeediyey
in Soomaaliya loo qaybiyo ilaa shan gobol, distuurka
Dawladda Kumeelgaar ahna wuxuu aqoonsan yahay 18 gobol.
Waxaa marar laga sharqamiyey in loo noqdo sideedii
gobol oo kacaanka ka hor jirey. Waxaa kaloo jira gobollo
iyagu isku haysta degaan oo qarka u saaran inay dagaallamaan.
Sidee loo xalliyaa mashkiladaan? Aragtiahaan, waxaan
qabaa in xalka arrintaan loo daayo dadweeynaha gobollada
deggan ooy iyagu ka taliyaan masiirkooda, aftina lagu
weeydiiyo siday rabaan inay isu raacaan. Qabashada
aftida waxay qaadanaysaa waqti, kharash iyo hawl badan.
Waase istaahishaa waayo waxaa dib loo dhisayaa qarankii
Soomaaliyeed ee dumay, waxaana loo baahan yahay in
loo dhigo asaas iyo saldhig adag. Aftida waxaa laga
bilaabi karaa labada dawlad-goboleed oo kala ah Somaliland
iyo Puntland, oo isku haysta labada gobol ee Sool
iyo Sanaag. Xalku wuxuu ku jira in dadweeynaha reer
Sool iyo Sanaag la weeydiiyo waxay rabaan. Waxaan
kaloo tusaale u soo qadan karnaa degmada Baraxley
ee Gaalkacyo. Sidoo kale, dadweeynaha halkaas deggan
ayaa la weeydiinaya meeshay raacayaan Puntland ama
gobollada dhexe. Waxaa loo baahan yahay in la beddelo
maskaxdii hore oo ahayd badso degmooyinka si aad ku
heshid kuraas iyo awood badan, laguna beddelo fikrad
cusub oo ah: Ma u adeegi karta bulshada halkaas deggan?
Ma ka haqabtiri kartaa baahidooda? Ma qaadi kartaa
xilkooda? Waxaa markaas soo baxaysa aragtida ah: Daa
dadku ha raaceen gobolkay ka helayaan adeeg ay ku
kalsoon yihiin.
Wadaagga dakhliga
Saddexda dawladood ee uu ka kooban yahay habka federaaliga
ahi, mid waliba waxay u baahan tahay dakhli u gaar
ah ooy ku socodsiiso hawlaha loo xilsaaray. Badi dakhligaasi
wuxuu ka imaanayaa canshuur laga qaaday isla dadweeynaha
ku dhaqan degmooyinka iyo gobollada dalka. Haddaba,
su’aashu waxay ka taagan tahay: Side ugu habboon ee
loo uruuriyaa dakhligaas, sideese loogu qaybiyaa heerarka
kala duwan ee dawladda.
Intaanan u gudbin qaybtinta, waxaa muhim ah in hoosta
laga xarriqo inay lagama maarmaan tahay in la yareeyo
baaxadda dawladda, laguna soo kobo tiro yar oo la
maalgelin karo. Macquul ma aha in la dhiso gole wasiiro
oo boqol hahaabanaya, gole shacbi oo dhawr boqol kor
u dhaafay, shaqaale iyo ciidamo ciidaas ka badan.
Waxaa loo baahan yahay in la dhiso dawlad aad u kooban
ha ahaato mid dhexe ama mid goboleedba, iyadoo la
tixgalinayo awoodda dhaqaale iyo kaalinta qaybta gaarahaaneed
(private sector) ka qaadato fulinta adeegyada bulshada.
Haddaan u soo daadago xagga qaybinta dakhliga, waxaa
mudan in la xuso in canshuurta furdooyinku tahay isha
ugu weeyn oo dakhligu ka soo xeroodo madaama aayan
jirin ilo kale oo micno leh sida canshuurta dakhliga
(income tax). Si loo uruuriyo, loona qaybiyo canshuurta
furdooyinka, waxaan soo jeedinayaa in la dhiso Hay’adda
Dakhliga Furdooyinka (Customs Revenue Agency) oo ah
hay’ad madaxbannaan oo dalkoo idil ka hawlgasha. Weliba
waxaan ku dari lahaa in hay’addaas muddada hore ay
hoggaamiyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha caalamiga
ah sida Qaramada Midoobay si loo helo kalsooni. Hay’addaas
ayaa uruurinaysa canshuurta furdooyinka, dakhliga
halkaas ka soo baxana waxaa loo qaybinayaa dawladda
dhexe iyo dawladaha gobollada. Qaabka loo qaybinayo
wuxuu ku saleeysnaanayaa ‘formula’ aad looga baarandagay
oo lala kaashaday khubaro ku xeeldheer maamulka arrimaha
federaaliga ah. Waxyaabaha ‘formula’hu tixgelin karo
waxaa ka mid ah tirada dadka ku nool gobol kasta,
baahida gobollada saboolka ah, mashaariicda heer qarameedka
ah iwm. Sidaas oo kale ayaa loo qaybinayaa deeqada
laga helo dibedda. Goballadu waxay toos u qaadanayaan
dakhliga ka soo gala canshuurta barriga, gaadiidka,
shirkadaha iwm. Degmooyinku iyagu waxay qaadanayaan
canshuurta ka soo xeroota guryaha, shatiyada ganacsiga,
seyladaha iwm. Waxaa intaas dheer kaalinta Soomaalida
dibedda ku nool ay ka qadan karaan dhismaha iyo maalgelinta
gobolladooda.
Gabagabo
Waxaa la yiri ereyga ‘Federal’ wuxuu ka yimid luqada
Laatiinka, micnihiisuna waa: Heshiis, ballanqaad.
Aan ku heshiinno oo ballanqaadno inaan dib u taagno
qarankii Soomaaliyeed ee burburay.
W/Q: Mohamed Dalmar
Mudugonline.com