Wararka Mudugonline

Sidii looga ciiday Somaliya iyo Magaalada Galkacyo oo la kala ciiday

Galkacyo, 5 Dec 2002 (MOL) - Wararka naga soo gaaraya Magaala Madaxda gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa sheegaya in maanta si fiican looga Ciiday magaalada Galkacyo iyo Puntlandba. Ciida Magaalada Galkacyo ayaa waxa lagu tukaday garoonka weyn ee kubada cagta oo dhawaan dibu habayn lagu sameeyay. Ciida ayaa waxaa isugu soo baxay dad aad u fara badan oo ka kala yimid magaalada xaafadaheeda kala duwan. waxaa ka muuqday bilic aad u wanaagsan caruurta iyo dadka waawayn dharka ay xiran yihiin ee Somalidu dhaqan diineed u leedahay iyo waliba qalabka caruurtu ku ciido oo ay warfinayeen.

Ciida Maanta Galkacyo ayaa iyadoo sidaas qurxoon u dhacday ayaa haddana waxaa dadka maskaxdooda ku jirtay in masaajida magaalada qaar aan laga ciidin oo dad wali sooman yihiin. arintaas oo dad badan ka xumaadeen iyadoo maanta oo kale loo baahnaa isku duubnida walaalaha Muslimka meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaflada Ciida hadalo kaftan iyo waanoba isugu jira ka soo jeediyay Garaadka beesha Cumar Maxamuud Maxamed Cilmi Shirwac oo sheegay inaan maanta oo kale loo baahnayn in cidna lagu eedeeyo ama lagu canbaareeyo kala ciidida lana yareeyo khilaafka, waxuu intaas ku daray inay adag tahay xal Somaliya oo la gaaro inta bulshadu sidaas u kala qaybsan tahay iyadoo buu yiri Garaadku xalku ku jiro diinta alle oo loo noqdo. Waxuu ku dheeraaday sida dadka Somalidu u dayaceen ugana fogaadeen Diinta Islamka. Isagoo si kaftan ku jira u hadlayana waxuu yiri Garaadku in maantay haddii aad tiraahdid "Illaahay Gaalada ha jabsho" aad magaalada Galkacyo ku arkaysid dad difaacaya gaalada oo kugula dagaalaya arintaas. dad badan ayaa kaftanka Garaadka ku qoslay.

Waxaa kaloo ka hadlay Xaflada Ciida Galkacyo Maanta Guddoomiyaha Maamulka gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo isna sheegay muhiimada Ciida, waxaa kaloo ka hadlay musiiliyiin kale iyo culimo oo dhamantood dadka ku baraarujiyay muhiimada maalinta ciida iyo in la yareeyo khilaafka diiniga ah. Waxaa sidaas oo kale looga ciiday Magaala Madaxda Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe, Magaalada Bosaaso ayaa iyada si weyn dadku iuigu soo baxeen garoonka weyn ee ciyaaraha iyo msaajidada Magaalada. Sidoo kale waxaa laga ciiday Magaalada Qardho magaalada Laascoonood iyo magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland oo dhan. dhinaca Koonfurta Somaliya Magaalada Muqdishu ayaa la sheegay inay dadku ku ciideen Xaafadaha kala duwan ee magaalada. Hogaamiyaha kooxda Carta ayaa isagu dadka ugu qodbeeyay Garoonka Ciyaraaha Muqdishu isagoo sheegay in heshiiskii dhawaan ay dawladiisu la gaartay kooxaha siyaasada ee Muqdishu uu ku jiro xalka Somaliya isagoo sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay xal waara loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo danta guud.

Magalaada Kismayo ayaanba laga maqal wax dhaqdhaqaaq ciideed ah iyadoo magaaladu gacanta ugu jirto Mooryaan isa soo bahaysatay oo aan Muslimnimo iyo arxantoona u galayn ummada masaakiinta ah ee ay ku kor-nool yihiin. Magalaada Baydhabo ayaa iyana dadku si weyn uga ciideen iyadoo hadda magaaladu ku soo noqotay xasilooni ka dib markii lakala fogeeyay labadii ciidan ee ku dagaalay magaalada. waxaa sidaas oo kale looga ciiday magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo dadka qudbado u akhriyay Maxamed Dheere oo ah hogaamiyaha Siyaasada ee maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe.

Guji-Riix Waa Maxay Macnaha Ereyga Ciid?

Mudugonline.com


 

CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN...................................................

 

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001