Wararka Mudugonline

CIID MUBAARAK..

Galkacyo, 4 Dec 2002 (MOL) - CIID MUBAARAK.....Sida Galabta ay ku dhawaaqeen "The Islamic Assembly of North America (IANA) maalinta Beri ah oo bisha december tahay 5 ay tahay maalin ciid. Waxaa intaa dheer hadda Warar na soo gaaraya ay sheegayaan in bisha laga arkay meelo badan oo Dunida Mulimka ka mida. Waxaa kaloo Bisha laga arkay gobolo Badan oo Somliya ka mida. Illaah baa mahad leh.

Dhamaan Bahda Mudugonline.com waxaan u rajeynaynaa akhristayaasheena Soomaaliyeed iyo Ummada Muslimka meel kasta oo ay joogtaba inay ku ciidaan ciid wanaagsan. waxaan kaloo illaahay ka baryaynaa in sannadka sannadkiisa aad ku gaartaan nabad iyo barwaaqo iyo in ilaahay wadankeenii Nabad noogu soo dabaalo waxii dhibaato iyo shar wadana illaahay ka qabto ummada...Amiin Aamiin....

Mudugonline.com


Ciid Mubaarak

Waa Maxay Macnaha Ereyga Ciid?

Macnaha ereyga Ciid waxaa lagu micneeyey dhowr micne oo isu dhow waxayna kala yihiin sidatan:

  • Isu Imaad waxayna ka timid soo noqnoqoshada Sannad Walba.
  • Waxaa kaloo lagu fasiray Caado, IbnuCarabi wuxuu yiri “waxaa Ciid loo yiri soo noqonoqoshadeeda sannad walba ay la soo noqonayso farax cusub” Ibnu Caabidiin wuxuu yiri “Ilaahay wuxuu leeyahay noocyo badan oo wanaag ah oo uu soo celiyo adoomadiisa maalin kasta oo ay ka mid tahay Afurka ka dib diidmada laysu diiday cuntatad maalinta Ramadaan”

Macnaha Sharciga ah ee Ciiddu waa in dadka Muslimiintaa isu soo baxaan oo dukadaan labo rakco oo sunna ah Galabta Bishu dhalato Subaxeeda, Salaadda Ciidu ma laha Adaan ama Iqaama midna.

*Salaadda Ciiddu Taxiyatul masjid ma leh hadii aan lagu tukanayn Masaajid

Ciidaha Muslimku Waa Intee?

Muslimku wuxuu leeyahay labo ciidood oo waawayn oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciidul Adxa sidoo kale waxaa jira Ciidda Asbuuca oo ah Maalinta Jumcaha.

Goorma ayaa Ciidda ugu horeysay Muslimiinta?

Ciiddu waxay bilaabatay markii Rasuulku SCW aw usoo Hijrooday Madiina sida ku cad Xadiiskaan uu Imaamu Axmed ka warinyao Anas: Anas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “Rasuulku wuxuu madiina yimid iyadoo reer madiina leeyihiin labo maalmood oo ay ciyaaraan xilligii Jaahiliga (waa Ciidda Nayruuska iyo Mahrajaanka) markaa ayaa rasuulku yiri waxaan idiin imid idinkoo leh labo maalmood oo aad ciyyaartaan Casri Jaahiligii, Ilaahayna wuxuu idiinku badalay labo maalmood oo ka khayr badan: Maalinta Gowraca iyo Maalinta Afurka”

Salaadda Ciiddu waa Maxay Xukunkeedu:

Salaadda Ciiddu waa Waajib qof walba saaran sida Madaahibta badankeedu qabo waxaana sidaas ku tagay Abuu Xaniifa, Shaaficina Sidaas ayaa laga soo wariye iyo Axmad.

Salaadda Ciidda see loo Tukadaa:

Salaadda Ciiddu waa labo rakco oo Sunaha oo kale ah, Rakcadda hore Tadobo Jeer ayaa waxaa la oranyaa Allaahu akbar, tan danbana Shan Jeer ayaa la oranyaa Allaahu Akbar marka Salaadda la xirto ka dib, Imaamkuna markuu yimaado wuxuu ka bilaabayaa Tukashada Salaadda Khudbaduna waa marka Salaadda la tukado ka bacdi, Inta aan Salaadda loo istaagin waxaa la akhrinayaa Ducadaan: Allaahu Akbar, Allaahu Akbar,

Allaahu Akbar, Laa Ilaaha Illalaahu, Wallaahu Akbar, Walillahil Xamdu.

Sunnooyinka Maalinta Ciidda:

  • Waa in Caruurta iyo dadka waawaynba ay soo xirtaan dharkooda kuwa ugu quruxda iyo qiimahaba badan waxaana wanaag badan dharka cad cad, sidoo kale waa in barafuun lasku shubaa.
  • In inta aan salaadda la aadin dhowr xabo oo timir ah qofku cuno (Waa Ciidda Fitriga) Ciidul Adxada waxaa la rabaa in qofku uusan waxba cunin illaa salaadda la tukado.
  • In Takbiirta la bilaabo ka dib marka bisha la arko lana wado illaa saddex maalmood.
  • In qofku markuu Salaadda ka soo laabto uu soo maro jid ama waddo aan ahayn tuu markuu salaadda u socday maray.
  • In Hadiyado laysa siiyo siiba caruurta iyo dadka danyartaa.

CIID MUBAARAK.
Mudugonline.com


Faaqidaada RadioGalkacyo Maanta

Waxaa ka mida Faaqidaada wararka RadioGalkayo ee Maanta:

  • Wararysi Radiogalkacyo la yeeshay Yusuf Cusman Samatar(Bardacad) oo ka mida ergada Puntland ee shirka Eldoret oo ku saabsan habka Dawlada federaliga ee laga dhiso doono Somaliya.
  • Moxamed Dheere oo ciidan soo dhoobay Tuulada Garasaale
  • Shuban laga soo sheegay tuulooyinka kuntarwaaray, qoryoolay iy sablaale.
Iyo qodobo kale halkaan ka dhagayso http://www.radiogalkayo.com/audioclips.html


Heshiiska Hogaamiyayaasha Xamar, AllPuntland & Ruukinet
(Ruunkinet Shalay Somaliweyn.com, Midnimo.com, Balcad.com, Muddulood.com, Abaaji.com, Maantana AllPuntland miyaah)

( Arbaco, Dec 04, 2002 )

AllPuntland waxaa farxad u ah inay markasta idiin la socodsiiso wararka Soomaliya iyo dunidoo dhan. Markasta waxaan isku daynaa in aan idiin soo bandhigno warar jiritaankooda la xaqiijiyay, ummaddana wararka dhacdooyinka Somaliya iyo Somalida aan u soo tabinno, mararka qaarkoodna faallooyin, laakiin markasta talada ayaga aan u dayno waa Somalida ee.

AllPuntland waxay aaminsantahay in badanaa talooyinka iyo go'aamada ummadda Soomaaliyeed saxsanyihiin. Taasna aad baan ugu faraxsannahay, ummadduhuna waa ku faanaan meel kasta oo ay joogaan.

Arrinta AllPuntland lagu eedeeyay ee heshiiska hogaamiyayaasha Xamar, horta waa mid lagu farxo, reer Muqdisho iyo Soomali oo dhan baa dani ugu jidhaa, waxaan rajaynaynaa inuu heshiiskaas noqdo mid waara, nabadna ku dabbaala dadka nabadda iyo naxariista aad ugu baahan ee reer Muqdisho.

AllPuntland waxay heshiiskaas ka qortay war dheer oo culayskiisu ka badnaa 5 KB.

Tifaftiraha AllPuntland waxaa la yaab ku noqday markuu mid ka mid ah akhristayaasha AllPuntland uu soo gaarsiiyay qoraal lagu daabacay Ruunkinet kaas oo AllPuntland loogu jeediyay eedayn, markaan booqday bogga ruunkinet waxaan ugu tagay qoraalkii akhristaheena mahada mudan nasoo gaarsiiyay.

Ruunkinet waxay dhexda ka gashay warkii dheeraa AllPuntland ka qortay heshiiskii kooxaha Muqdisho ee Eldoret ay ku saxiixeen 2-dii Desember 2002, heshiiskaas oo ka koobnaa 5 qodob. Ruunkinet waxay AllPuntland ku eedeeysay in qodobada heshiiskaas qoridiisa ay iyagu lahaayeen oo ayan AlPuntland magacooda ku xusin markay qodobada heshiiskaas AllPuntland daabacaysay!, Waxaa la yaab ku noqotay maamulka AllPuntland in Ruunkinet ay ku qabsato (eedayso) AllPuntland lahaanshaha daabacaada qodobada heshiiska Kooxaha Muqdisho soo saareen oo kaliya iyagoo aan warkii dheeraa ee AllPuntland ka qortay heshiiskaas wax kale lahanshihiisa ayan ku sheegan (YAAB).

5-ta qodob ee AllPuntland lagu haysto waa kuwo ay ragga sheegtay inay heshiiyeen ay faafiyeen, isla markaana si isku mid ah ayay badi u daabaceen intii heshay qodobadaas warbaahinta Somalidu (Bal ka hubi website-yada kale ee Somalida sidda Midnimo iyo Somalitalk) oo si la mid ah qodobadaas u qoray sidda AllPuntland u qortay, Su'aasha ka imaan karta eedaynta Ruunkinet waxay tahay Midnimo iyo Somalitalk iyo websiteyada kale ee qoray qodobada heshiiskaasi ma waxay ka xadeen Ruunkinet? Waa yaab kale; meesha (Eldoret) ma Ruunkinet kaliyaa joogtay oo AllPuntland iyo saxaafada Somalida Net-ka ee kale ayaa ka maqnayd? Ruunkinet ogaada ma ahayn heshiisku mid gooni loogu talagay qodabadiisa Ruunkinet kaliya inay daabacaan, ee wuxuu ahaa mid ay u sinaayeen saxaafadii heshay nuqulka qoraalka heshiiskaas oo Somali iyo ajnabiba leh, haddaadse moodeen in idinka gooni la idin kugu talagay, haddee raali ahaada! Balse horta, heshiiska Muqdisho soo ma ahan heshiis Soomaliyeed; idinkuse raali ma ka tihiin?

Arinta xuquuqda daabacaada AllPuntland waa mid lagu yaqaan xushmaynteeda dib ugu noqo warar aan ka xigano websiteyada aan u aragno in warkooda la isku halayn karo, kuligood waxaan ku xusnaa magacooda markaan war ka xigano.

Xusuusta tariikhda Website-kasta waa qoraal dhigan, maskaxda dadka wax akhriyana ku kaydsan.

Ruunkinet markaad ku soo biirteen websiteyada Somalida ee shabakada Internet-ka 05-Jun-2001, waxaad ku bilowdeen Shaati-Gaduud oo la dilay, maalmo ka dib waxaad ku bilowdeen weerar aad ku qadaan website-yo kale, waxaad ka biloowdeen Somaliweyn.com oo bilo aad kula rafateen net-ka, kama aydan helin waayo aragnimo ee waxaad weerar kale ku qaadeen Midinimo.com, xishood idin ma galin in la idinla yaabo inaad maalinba website dabada ku dhagan tihiin ee ee waxaad hujuunteen Balcad.com, Muddullood.com iyo Abaaji.com intaan xusuusto, maantana waa AllPuntland.com, dhamaantood waxaad website-yadaas ku weerarteen warar ay qoreen waliba waxaa ku jiray kuwo aad ku haysateen siddaan oo kale qoraalo aad lahaan shahooda sheeganysaan iyo warar iyo qoraalo ay daabaceen.

Haddaba soo ma'aha in la tilmaamo maanta oo Soomaali heshiinayso, in shakabadda Ruukinet joojiyaan xaasidnimada iyo laba wajiilaynta. Soomaali intay is dili lahayd is dishay, oo dil danbe uma baahna. Ruunkinet hadday shaqo joornaliisinimo sheeganayso, ha tabiso warar runta ku salaysan, go'aankana ha u dhaafto Soomaali, Soomali daashay, isku dir iyo xabbad danbana ma rabto!

Waxaan idiin dardaarmaynaa inaad dareentaan mas'uuliyad markaad qoraal dhigaysaan net-ka. garataana wax u wanaagsan dadka idin akhrisanaya, akhristayaashu waxay idinku qiimaynayaan sidda ay uga muuqato qormooyinkiina mas'uuliyadi.

Ujeedada qoraalkayagaani maaha inaan Ruunkinet ku ceebayno ee waa kaliya cadaynta eedaynta mala awaalka ah ee Ruunkinet u jeedisay AllPuntland iyo tilmaan iyo tusaalayn, haddii qoraalkayagaan ay ku jiraan wax aad dhibsataan waxaan diyaar idiinla nahay inaan idin kala hadalno waliba si mas'uuliyad iyo xurmayni ku jirto, jid kasta ayaa idiin furan, haddaad u garataan in aan idinla galno is xag xagasho net-ka dhexdiisa ina ku dhex marta siddii aad ugu qaadeen website-yadii naga horeeyay, Boowe/ Baayo diyaar uma nihin ka qaybgalka is xagxagasho aan xal laga gaarayn, arinkana waxaan uun u daynaynaa idinka iyo dadka idin akhrista.

Waxaan hubaa in Somalikasta aan u hayno xushmad, mana jirto sabab aan idiinku eegano si gaara, eedayntiina tuhunka ku dhisan raali galinteeda anagaa isa siinay ee fadlan xurmada qofba qofka kale ku lee yahay aan dhawrno, tariikhdana Cashar aan ka qadano hubaal waa inoo faa'iidee, faa'iido idiinkuma jirto inaad maalinba website is qabsataan.

Fadlan aan u shaqayno ummadda si hufan, oo waliba, waliba, waliba aan beenta iyo mala awaalka ka ilaalino qoraaladeena, sidaas haddaan yeelno waxaan hubnaa inay shaqadeeno najaxaso haddii kale nin walboow/gabar walbeey waxaad qortay baad mas'uul ka tahay.


Warsan iyo Salaama ALLE,
Tafaftiraha AllPuntland
ad@allpuntland.com
allpuntland.com


Taxane: Yaa Jooga, Yaase Tagey?

Waa maalinkii labaad ee aysan cidinna dhag u dhigin u yeriddii Cabdiqaasim Salaad Xasan uu u yeertay ragiisa ka joogay Eldoret kuwooda hogaaminayay.

AllPuntland waxay akhristayaasheeda ugu talo gashay maalin walba qormo gaaban oo koobaysa bal jawaabta ragiisu ka bixyaan u yeerida madaxweynahooda oo ka bilowmatay 02 Desember 2002

Maanta waa maalintii saddexdaad ee inay Xamar soo galaan lagu amray:

  • Xasan Abshir: "...shaqaa ii socota, Muqdishana uma Socdo."
  • Cabdella Deeroow: "...Mashquul baan ahay."
  • Cismaan Kalluun: Lama hayo!

Inta Kale: "Meelna uma soconno oo Qaran baan Dhisaynaa!"

La soco Barri iyo bal inay cidi u ambabaxdo Muqdisho!

Allpuntland


 

 

CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN...................................................

 

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001