Wararka Mudugonline

BEENEYN QORAALKA HARGEISA KA SOO BAXAY EE BEEN ABUURKA EE AY SOO SAARTAY SNM S/LAND KUNA SAABSAN SSH IYO MADAXDEEDA

Bismilaahi ,
As c wr wb dhamaan akhristayaasha,
walaalayaal waxaan rabaa inaan u jawaabo warkii laga been abuurtay guurtida degaanka ssh kuna saabsanaa heshiis been laga qoray runtana ka fog iyo inaan saxaafada laga been abuurin iclaankuna ahaado wax runa ama wax ku dhaw oo sharxaya runta,hadana waxaa wax lala yaabo ah in odaygii ku cabanayey waraysigii bbcda ee sheegtay inaan wax u hagaagay jirin taasoo uu ku cadeeyey siduu u hadlay qarsana kari waayey jabkiisa, uu uguna gefay degaankii uu martida u ahaa oo uu yidhi anaa isu marti ahaa ta labaad isagoo ku sheegay meel baaba a ah oo 42 sano ka danbaysa somalida kale oo wax horu mara aan lahayn, bal qiyaasa meel rajo uu ka waayey bay u ekeyd hadalkiisu waayo hadal kharaar ka soo saaray buu ahaa.

hawlaha ay doonayeen ee siyaasada ma aha mid sahlan waayo calanka waakii snm, magaca iyagoon dadkii lalahaa kala tashan bay ku dhawaaqeen, lacag buga bay samaysteen, dastuur macmala bay samaysteen oo aanay kala tashan dadkii lalahaa, arimahana ma aha isimada wax ka go ee waa wax shacabkoo dhan ka goa. teeda kale dadka degaanka ssh ah waxay dhisteen dawlad ay waax ka yihiin oo reer ahaan ay ku
dhisteen 98kii oo caalamkuna og yahay haday doonaan inay gooni isu taag samaystaan hawshooda xor bay u yihiin hadaba damaacigoodii waalaa ahaana haad geed waayey miyey ku soo duuli, laakiin duulaankoodii wuxuu noqday qoraalkan been abuurka wixii idinka akhrista u sheega laakiin xaqiiqdu waatan wixii aad ku wada hadasheen waxaan ku soo lifaaqayaa hoos, xitaa waxaa wax lala yaabo ah isimada degaanka mid ka mida oo waagii carta ay jid gooyada u dhigeen isagoo usoo socda degaankiisa,hadana mar labaad bay ku xad gubeen kana been abuurteen maadaama uu qaran radio 22/9/02 uu siiyey waraysi la xidhiidhay guurtidan timi laas caanood oo uu badheedhihiisa cadeeyey ka dibna isagoo gurigiisa uu degan yahay ee sweden u sii socda oo dariiqii uu marayey ee diyaaradaha haya ayaa boqol sheeko laga sameeyey, taasina dadkuun bay sii kala fogayneysaa ma aha wax hargeisa land ku najaxayso!!

Qoralkii saxda ahaa waa kan iyo wixii lagu wada hadlay::::

Heshiiskii Rasmiga ahaa ee ay kala saxeexdeen guurtidii Somaliland iyo Isamada Sool, Sanaag iyo Hawd. Waxaa in mudo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood Wefti. Sida ay sheegeen weftigaasi waxay u yimaadeen arimo nabadgelyo, Isimada degaankuna way diideen, inay siyaasad kala hadlaan.

Waxaa isimada iyo bulshada Sool, Sanaag iyo Hawd la yaab ku noqotey, waraysigii uu siiyey idaacad BBC xubin ka mid ahayd hogaanka gudigaas iyo hadaladii qadafka ahaa ee uu halkaas ka sheegay. Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa nuqul ka mid ahaa heshiiska keliya ee ay kala saxeexdeen weftiga iyo ismada Sool, Sanaag iyo Hawd wuxuuna u qornaa sidan:
1-In xuduuda rasmiga ah ee u dhaxaysa dhulbahante iyo isaaq ay tahay galbeedka Caynabo.
2-Inaan marba aanay isamada Dhulbahante suurtagal ka ahayn in Soomaliya la kala gooyo, oo wax walba ay ka horeyso midnimada ummadda Soomaaliyeed.
3-In laba bulshooyinka wada dega waqooyiga Soomaaliya oo ku caan baxay nabad ku wada noolaansho la sii xoojiyo ilaalinta nabada, khilaaf kasta oo dhacana nabad lagu xalilo. Tusaale fiicanna uu noqdo heshiisyadii hadda dhacay.
4-Waxaa Guurtida loo sheegay inaysan ka dhici karin wax doorasho ah caro DHULBAHANTE. Waxayna balanqaadeen inay arintaas gaadhsiin doonaan maamulka isku magcaabay Somaliland.
5-Waxay Isimadu kula taliyeen Guurtida inay doorashooyinku ka dhacaan deegaanka galbeedka ka xiga caro Dhulbahante.
6-Waxaa loo sheegay Guurtida in Dhulbahante qabsan doono shirweyne laysugu iman doono Gu'ga fooda inagu soo haya(sida la qorsheynayo),loogana wada hadli doono ayaaha Dhulbahante.
7-waxaa laga ogolaaday Guurtida in wada hadal ka furmo arrinta ku saabsan aayaha shucuubta ku wada nool waqooyiga Somalia (kala go' kuma jiro), kadib markuu qabsoomo shirweynaha Dhulbahante.

Axmed Moxamud
moxamud19@hotmail.com

Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001